Hargeysa(Araweelo News NetworK) Saraak ka tirsan Dawlada Federaalka ee Somalia, ayaa lagu weeraray badhtamaha Magaalada Muqdisho. Kadib markii
rag hubaysan ay weerareen badhtamaha wadada Wadajir saaka barqadii.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Cali Maxamed Ibaarin (Cali Madoobe) oo ahaa Agaasimhii Hay’adda Duulista Hawada ee Somalia, ayaa la sheegay inuu dhaawac halis ah soo gaadhay, waxaana ku dhintay weerarkaa laba ka mid ahaa ilaaladiisa, kuwaas oo la socday gaadhigiisa xili ay marayeen Degamada Wadajir.
Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaa, waxayna ku tilmaameen mid bartilmaameed u ahaa Sarkaalka dhaawacmay ee Agaasimaha Hay’adda Duulista ee dawlada Somalia oo ku dhaawacmay weerarka.