Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta kulan Albaabada loo xidhay kula yeeshay
Xafiiskiisa Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somalia Ambassador Nickolas Kay oo shalay booqasho ku yimi Somaliland.
Kulnkaa oo saacado badan qaatay, waxa Madaxweyne Siilaanyo ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr Sacad Cali Shire iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane Cali Axmed Cali.
Hase yeeshee markii uu dhamaaday Kulanku, waxa warbaahinta wada jir ula hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Ambassador.
Halkan ka dhegeyso waxyaabaha ay ka yidhaahdeen natiijada uu ku dhamaaday kulanka laba dhinac.