Hargeysa(Araweelo News Network)Mudanayaal ka  tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhaleeceeyay Wasiirka Duulista Hawadda iyo

 

Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, kadib markii Wasaaraddiisu dadka madaarrada ka dhoofa ku soo rogtay cashuur aan laga ansixin Golaha Wakiillada.

 

Sida ku cad Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada  ee xeer Lr 61/2013)  oo Golaha Wakiilladu ansixiyeen 16 February 2013, madaxweynuhuna dhaqangalkiisa saxeexay  20 February 2013 waxa uu qoddobkiisa 4aad dhigaya in dhoofe kasta  oo sita tigidh diyaaraddeed, isla markaana leh kursi iyo miisaan u gaar ah uu bixiyo takaaliif lacageed oo dhan ($10) toban doollar.

Hasayeeshee, Qoraal ogaysiis ah oo Maamulka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa khadka telefoonnada ugu diray dadweynaha, ayaa lagu sheegay in dadka ka dhoofaya madaarada Somaliland ee da’doodu ka weyn tahay 15 jir ku talogalaan  cashuurta madaarka oo dhan $43 doollar, halka carruurta da’doodu ka yartay 15 sanno jir oo aan hore wax cashuur ah looga qaadi jirin hadda lagu soo rogay inay bixiyaan cashuur dhan $10 doollar, iyadoo tallaabadana ka horimayso xeerka Takaaliifka Amniga madaaradda oo dadka dhoofayaasha ah ku waajibiyey cashuur dhan $10 doollar oo qudha.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali Dheere (Rayte), oo ah sharciyaqaan ka mid ah mudanayasha ka hadlay arrinta ayaa yidhi,  “Ma filayo in Golaha Wakiilladu wax ka ogyahay cashuurta la kordhiyey, waanna xaaraan in la qaado cashuur aannu goluhu waajibin, dastuurka qaranka iyo xeerarka ayaanna sidaas caddaynaya.  Marka laga yimaad sharciga arrin aan wanaagsanayn ayaannu u aragnaa cashuurta la kordhiyey, waxaannu u aragnaa arrin culays ku ah dadka qurba-jooga ah ee dalkooda imanaya iyo carruurta dalkooda iyo dadkooda la soo barayo ee waalidku tigidhada siday ku helaan Illaahay ogyahay in haddana madaarka lagu furto oo lacagta intaas le’eg ($43 doollar iyo $10 carruurta 15 jir ka yar) la waydiiyo, waxaannu aragnaa arrin aan maangal ahayn oo aan macquul ahayn,” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte.

Waxaannu caddeeyey inay dabogal ku samayn doonaan lacagaha madaarada lagu qaado oo uu  ku tilmaamay hanti uruursi aan sharciga meelna ka soo galin, kuna dhicin qasnadda dawladda, isagoo xusay in cashuuraha dadka qurba-jooga ah ee madaarada ka dhoofa lagu kordhiyey tahay mid qayrul-sharci ah haddii aan laga ansixin Golaha Wakiillada Somaliland.
Sidoo kale Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka tirsan Golaha Wakiillada oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa shalay, ayaa tilmaamay in cashuuraha Wasaaradda Duulistu kordhisay yihiin qaar sharci-darro ah oo sababi kara in dadka qurba-jooga ah ku noqdaan culays dhaqaale oo keena inay mar dambe dalka ku soo dhiiraan waayaan, iyagoo xusay in aan cashuurtaas la kordhiyey la marin Golaha Wakiillada.

“Horta waxaan Golaha wakiillada la marin oo ummadda laga qaadi karaa ma jiraan oo waa xaaraan. Waxa wax lala yaabo ah farriimo ayaa dadka loo soo dirayey la leeyahay  lacagtaas ayaa la qaadayaa oo intaas ah, ma isagaa sharciga samaysta ninku (Wasiirka Duulista), waxan waa jeebkiisa, ummaddana waxaannu u sheegaynaa $10 doollar ayuu goluhu ansixiyay in dadka dhoofayaasha ah laga qaado, wixii kale waa sharci-darro, waa jeebkiisa, waxay qayb ka tahay  lunsiga hantida ummadda ee la wado. Markaa waxaannu leenahay ummadda iska jira jeebkiinana gacanta ha gelinina arrintaasi waa xaaraane. waxaannu imminka soo jeedinaynaa sidii Golaha Wakiillada kalsoonida ugala noqon lahaa (Wasiirka Duulista), Madaxweynuhu ama xilka ha ka qaado ama yaannu ka qaadine.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *