Hargeysa(Araweelo News Network)Ergayga wakiilka uga ah Somalil iyo Somaliland Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay, ayaa lagu soo dhaweeyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa

 

kadib markii xukuumaddu u fidisay martiqaad, iyadoo  hore looga mamnuucay Somaliland, taas oo ay sabab u ahayd khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay socdaalkii u horeeyay ee uu Somaliland ku yimaado.

Mr. Nicholas Kay ayaa ka soo degay maanta madaarka diyaaradaha ee Hargeysa saaka kadib markii uu ka soo kicitimay magaalada Garowe ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu xalay u hoyday kadib markii uu booqasho ku tegey shalay halkaa.
Wakiilka Qaramada Midoobay waxa soo dhaweeyey Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Mawliid Maxamed Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Somaliland iyo ergayga Qaramada Midoobay ka wadashaqaynayaan arrimaha bani’aadanimom wuxuuna xusay in uu la kulmi doono Madaxweynaha Somaliland.

Nicholas Keym waxa Somaliland laga mamnuucay 13 June 2013. Kadib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland booqashadii u horaysay ee uu ku yimaado Somaliland oo ay isku fahmiwaayeen xukuumadda Somaliland xafiiska qaramada Midbooy ee Siyaasada oo uu doonayay in Hargeysa laga furo.

Sir. Nicholas Kay oo ah Dublamaasi sare oo u dhashay dalka Britain waxa uu  bedelay  wakiilkii hore ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Ambassador Augustine Mahiga, kaas oo shaqadiisa dhamaatay bisha Juun ee sanadkan 2013, wuxuuna markii u horaysay booqasho ku yimi Somaliland 13 Jun 2013, balse waxa booqashadiisa u horaysay sababtay in xukuumadda Somaliland ka mamnuucdo dalkeeda.
Hase yeeshee dhowaan ayay kulan ku yeesheen Madaxweyne Siilaanyo oo safar kaga maqnaa dalka, waxaana lagu martiqaaday Somaliland, balse ma cada in laga heshiiyay sabtii dhalisay khilaafka hore ugu dhexeeyay, waxase la dhawrayaa waxa kasoo baxa kulanka uu Madaxweyne Siilaanyo la yeesho 19  August 2014.

http://araweelonews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=3882:somaliland-oo-mamnuucday-xafiiska-siyaasada-ee-un-kadib-kulan-dheer-oo-wakiilka-cusub-ee-qaramada-midoobay-sir-nicholas-la-yeeshay-madaxweyne-siilaanyo-iyo-xubnaha-awooda-badan&catid=1:article&Itemid=7

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *