Burco(Araweelo News Network) Culimada ay hormoodka u yihiin Mufdiyiinta waaweyn ee laga qadariyo geyiga soomaalidu degto, gaar ahaan Somaliland iyo
Salaadiinta Gobolka Togdheer ayaa Baaq ka soo saaray Duqaymaha ka socda Marinka Qaza ee lagu gummaadayo Muslimiinta Reer Falastiin.
Baaqa Culimad iyo Salaadintu ay wada jir u soo saareen oo ay ku iclaamiyeen isbarbartaag iyo taageero in ay ugu muujinayaan shacbiga Reer Falastiin ee Qaza oo ay kaga dhawaaqeen xarunta gobolka Togdheer ee Burco ayaa u dhignaa sidan:-
BAAQA CULIMADA GOBOLKA TOGDHEER
(ISBARBARTAAG IYO TAAGEERO QAZZA)
الرحيم الرحمن الله بسم
قال الله تعالى: (أدن للذين يقاتلون بأنهم ظلموا وإن الله على نصرهم لقدير)
وقال تعالى : ( إنما المؤمنون إخوة.. ) الآية.
وقال رسول الله صلى الله عليه وسلم :(مَثَلُ الْمُؤْمِنِينَ فِي تَوَادِّهِمْ وَتَرَاحُمِهِمْ وَتَعَاطُفِهِمْ مَثَلُ الْجَسَدِ؛ إِذَا اشْتَكَى مِنْهُ عُضْوٌ تَدَاعَى لَهُ سَائِرُ الْجَسَدِ بِالسَّهَرِ وَالْحُمَّى).
Sida la ogyahay , dawlada sheegata israaiil ee yuhuuddu waxa ay xasuuq iyo gumaad ba’an u gaysatay walaalaha muslimiinta ah ee reer Qazza,iyada oo ku soo qaaday dagaal cirka,dhulka iyo baddaba ah, waxaana dagaalkaasi gaystay dhimasho kor u dhaafaty illaa iyo hadda 1800, halaka dhawaawucuna kor u dhaafay 9000.
Welina dagaalkii wuu socdaa , Cirka iyo Dhulka iyo Badda ayaa hadh iyo habeen laga duqeeyaa , waxa u badan ee ku dhimanayaana waa dad rayiid ah oo isgu jira caruur iyo dumar .
Reer Qazza waxay go’doon ahaayeen ku dhawaad siddeed sanno, intaasna way dhibbanaayeen , waana markii saddexdaad ee ay yuhuuddu ku soo qaado dagaal ( 2008, 2012 iyo 2014) .
Sida aynu ognahay diinteena islaamku waxa ay ina faraysaa in aynu isu hiilino, oo ay muslimiintu walaalao yihiin , hal jidh oo isu damqanaaya yihiin .
sidaa awgeed culimada gobolka togdheer ayaa waxa ay soo saareen baaqaan.
1- Waxaaanu ka damqanaynaa isla mar ahaantaana canbaaraynaynaa gumaadka ay yuhuudu ku samaynayso walaalahayga reer qazza , sidoo kale waxaanu canbaaraynaynaa cidksata oo siinaysa taageero toos ah ama mid dadban.
2- Waxaanu ku taageeraynaa walaalaha reer gaza wax kasta oo awoodayada ah, oo ay ugu horayso ducadu duruufuhuna ay saamaxaan,sidoo kale waxaananu ku taageeraynaa in ay xaq u leeyihiin inay isdifaacaan iyagoo ilaashanaya diintooda ,dhiigooga iyo muqadasaadka islaamka.
3- Waxa aanu ugu baaqaynaa umadda islaamaka meelkasta oo ay joogaan iyo cidkasta oo damiir bani aadamnimo leh, in ay is garab taagaan walaalaha reer Qazza iyagoo lawadaagaaya dareen iyo ducaba .
4- Waxaa layaab leh aamuska caalamka islaamku ka aamusan yahay gumaadka reer Qazza lagu hayo habeen iyo maalinba, gaar ahaan madaxda caalamka islaamka, iyada oo la wada ogsoon yahay taageerada cadaanka ah ee ay siinayaan yuhuudda dawladaha waawayn ee reer galbeedku.
Wabilaahi Tawfiiq
Culimada, Saladiinta iyo waxgaradka Gobolka Togdheer 25/07/2014
Magacyada culimada bayyaanka ku sexeexan:
1-Sh. Cali Warsmae
2-Sh. Yuusuf Cabdi Cawad
3. Suldaan Maxamuud Guuleed Mire
4. Suldaan Daakir Xassan khaliif
5. Sh. Cabdillaahi Baashe
6-Sh. Cabdiqani Aw Saalax Cali
7-Sh. Dr Xasan Sh .Cali Warsme
8–Sh. Siciid Xaaji Cismaan Maxmed
9- Sh. Cabdillaahi Khaliif jaamac
10-Sh. Mustafe Aadan Maxamed
11- Sh. Cabdiwahaab Xaashi Xasan
12- Sh. Ibraahin jaamac Axmed
13- Sh.Maxmed Shukri Xasan
14- Sh.Cabdiqaadir Muuse Xasan
15- Sh.jaamac Cismaan Axmed
16-Sh.Cismaan Ibraahin Faarax
17- Sh. Xusdeen Aadan Cali
18- Sh.xasan Abokor Dhuuxyare
19- Sh. Saleebaan Cali Daahir
20- Sh.Daa’uud Cali Xuseen
21- Sh.Baashe Obsiye Ducaale
22- Sh. jibriil Xaaji Siciid Maxamed
23- Sh. Ismaaciil Yuusuf Xasan
24-Sh. Cabdishakuur jaamac Dirir
25- Sh. Maxamed Kaahin Saleebaan
26- Sh. Faysal Cali Faarax
27- Sh. Yuusuf Maxmuud Diiriye
28- Sh . Maxamuud Sh Xasan Guleed
29- Sh. Aadan Cabdi Ismaaciil
30- Sh. Aadan Yuusuf Maxmed
31-sh. Maxmed Cabdillaahi jaamac Suudi
32- Dr. C/raxmaan Axmed Raage
33- Dr. Xuseen Maxamuud Ducaale
34-Sh. Baashe Maxamed Siciid
36- sh. C/rashiid X. Aadam
37Sh. Jaamac Cali Cabdille
38. Sh. Cismaan Daahir jaamac