Washington (Araweelo News Network)Dawlada Maraykanka ayaa ka walaacsan xaaladda caafimaad ee Hoggaamiyayaasha Afrika ee ka qaybgelaya shir uu ku baaqay

 

Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama oo ka dhacaya Washington, kaas oo duraba ay gaadheen inta badan madaxda wadamada Afrika.

Walaac Maraykanku ka qabo in qaar ka mid ah Madaxda Afrika xanbaarsan yihiin Cudurka Ebola ee faraha baas ku haya wadamada galbeedka Afrika, ayaa sababay in Madaxweynaha Maraykanka Mr. Brack Obama, ku amro saraakiisha caafimaadka ee Washington inay baadhaan caafimaadka wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Nigeria Mr. Goodluck Jonathan iyo Madaxweyneyaal kale oo u badan kuwa galbeedka Afrka oo ku sii jeeda magaalada Washington.

Madaxweynaha Nigeria Jonathan iyo madaxweynayaal kale oo ka socda wadamada Afrika ayaa gaadhay maanta Washington oo ka qaybgelaya shirka loo asteeyay in ay ka qaybgalaan Madaxda Afrika intooda badan.

“Madaxda ka imanaysa waddamadan ee khatarta ugu jira in ay cudurkaas halista qaadaan, waxaannu hubinaynaa in la baadho caafimaadkooda,” ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanka Obama.

shirka oo ay ka qaybgelayaan in ku dhow 50  hogaamiye ayaa socon doona muddo sadex maalmood ah, waxaana lagaga wada hadlayaa arrimaha dhinaca horumarka wadamada Afrika, iyadoo si gaar ah diirada loogu saarayo maalgashiga, Dumuqraadiayada iyo la dagaalanka musuq-maasuqa.

waxa sidoo kale lagu soo qaadayaa arrimaha Caafimaadka, nabadgelyada iyo horumarka dhinaca nolosha gaar ahaan haweenka iyo fahamka nidaamka dawladnimo. sanadkii 2009, ayay si weyn maraykanku uga walaaceen ganacsiga Dalka China ee ku fidaya qaarada Afrika, taas oo sababtay in Maraykanku qabto shirkan iyo kii ka horeeyay.

Dhinaca kale Dawlada Maraykanka ayaa hore u  sheegtay in ay shaqaallaha ka jooga dalalkaa ee caawinayay dadka uu haleelay cudurku kala baxayso marka la xaqiijiyo in ay ka fayaw yihiin cudurka Ebolo.

Talaabada Maraykanku ku go’aansaday inuu kala baxo shaqaalihiisa, ayaa ka danbaysay. Kadib markii Laba dhakhtar oo ka mid ahaa 340,  isugu jira dhakhaatiir iyo kaaliyayaal caafimaad oo u dhashay Maraykanka oo ka socda ( US Peace Corps volunteers) oo u gudbay dalalka Leberia, Sierra Leone iyo Guinea ay geeriyoodeen, mid kalena uu haleelay cudurka Ebolo, kuwaas oo gurmad u tegey halka si ay dadka uu haleelay Cudurku u daaweeyaan.

102 ka mid ah ayaa ku sugan Guinea, 108, joogaan dalka Liberia, halka 130 kalena joogaan Sierra Leone, waxaana la muujinayaa in xaalada ay kahatar tahay, iyadoo lala tacaalayo sidii loo xakamayn lahaa cudurka.

Qaar ka mid ah Madaxda wadamada galbeedka Afrika sida Madaxweynayaasha Liberia iyo Sierra Leone, Ellenn Johnson-Sirleaf iyo Ernest Bai Koroma, oo la filayay in ay ka qaybgalaan shirkaa ayaa ka baaqday, waxaana la rumaysan yahay in ay uga baqdeen shirkaa cabsi maraykanku ka qabo in ay geeyaan Viruska Ebola ee haleelay wadamadooda, balse waxay ku doodeen labadan hogaamiye oo ay goor sii horaysay shaaciyeen in aanay awooddin ka qaybgalka shirkaas, kadib markii dalkooda cudurka Ebola oo lagu guuldaraystay xakamayntiisa ku baahay.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey ku dhawaad 1,300 qof, ayaa qaaday virus-ka  cudurka dilaaga ah ee Ebola ee EVD, kuwaasoo waqtigan ku kala filiqsan galbeedka Afrika, gaar ahaan dalalka Sierra Leone, Guinea iyo Liberia oo noqday goobaha ugu xun ee dadkoodu cudurkan sida ba’an u haleelay, waxana ku dhawaad 800 qof u dhinteen xannuunka, 90% daawada xannuunkan ilaa hadda lama hayo, balse waxay khubarada caafimaadku sheegayaan in la xoojinayo dawooyinka daryeelka dadka uu haleelay la siinayo.

Cudurka  ayaa lagu arkay dhinaca Dalka Naigeria oo Virus-ka Ebolo usoo gudbay Jimcihii todobaadkii hore,  iyadoo dalka Liberia haweenayda Madaxweynaha ka ah ay dadweynaha kala hadashay warbaahinta. Kadib markii dadweyne cadhaysan oo diidanaa in goob caafimaad oo karantiimo ah loo sameeyo dadka qaba cudurka, waxayna dadka u sheegtay in meel looga soo wada jeesto sidii goobo amaan ah loogu samayn lahaa dadka qaba cudurka si aanu bulshada ugu fidin, waxaana gebi ahaanba la fasaxay dugsiyada waxbarashada iyo Jaamacaddaha dalka si loo yareeyo khatarta cudurka.

Dhinaca kale waxa laga cabsi qabaa in Cudurku u gudbo dallka xataa ka baxsan qaarada Afrika ee aan xuduudka la lahayn dalalka galbeedka Afrika, kuwaas oo la hakiyay duulimaadyada wadamo badan oo diyaaradahoodu isaga gooshi jireen dalalka masiibadani ku habsatay.

Sidoo kale dalalka Bariga Afrika Ethiopia, Kenya Sudan iyo wadamada Badhtamaha Afrika ayaa ka walaacsan in cudurka Ebolo soo raaco diyaaradaha iyo rakaabka isaga soo gudbaya wadamadaa, balse waxa la xidhay xuduudaha ay wadamo badan la wadaagaan dalalka ilaa hada cudurka Ebolo isaga gudbay. Laakiin waxa la rumausanyahay in kahatarta xuduuduhu weli ay taagantahay, waxaana dalal badan durba miijiyeen taxadir dheeraad ah oo la xidhiidha duulimaadyada diyaaradaha iyo rakaabka ka imanaya wadamada galbeedka Afrika.

Somaliland ayaa dhinaceeda ku dhawaaqday in ay feejignaan ka qabto fiditaanka Cudurkaa iyo in aanu usoo gudbin, balse ma muuqdo dedaal si cad u muujinaya diyaar garaw loogu jiro in aanu cudurka Ebola usoo talaabin dhinaceeda, maadamaa aanay jirin qalab iyo adeegyo caafimaad oo lagu ogaan karo dadka qaba cudurkaa ee kasoo geli kara xuduudaha dhinaca cirka, beriga iyo Badda.

Cudurka EBolo oo ah Virus aan dawo lahayn, waxa markii ugu horaysay lagu arkay dalka Sierra Leone 1976, iyadoo lagu arkay dad degan Webiga Ebolo, kuwaas oo u dhintay cudurkaa oo la rumaysanyahay in ay ka qaadeen Fiidmeerta iyo Daayeerka oo ay cununaan dadka ku dhaqan hareeraha Webiga Ebolo.

Balse khatarta waqtigan ee Cudurkaa ayaa horaantii sanadkan lagu arkay dalka Sierra Leone oo ku yaal galbeedka Afrika, isla markaana dhinaca Woqooyi ka kulaalaya Badweynat Atlantic Ocean oo ay xuduud wadaagaan dalalka Liberia iyo Guinea, kuwaas oo cudurka Ebolo usoo gudbay, iyadoo si weyn looga casbsiqabo inuu u gudbo dalalka qaarada Afrika iyo kuwo dunida kale ku yaal.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
Hargeysa Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *