Berbera(Araweelo News Network)Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee Saaxil Yuusuf Axmed Halac-dhegoole iyo laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka ee Berbera ayaa xabsiga loo taxaabay. Kadib markii
ay isku dayeen inay taageero u muujiyaan gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiye xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed oo qayb ka ah khilaafka xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale waxa xabsiga loo taxaabay Xildhibaan Daahir Aw-nuur iyo Rashiid Aw-xasan oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Berbera, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qorshaynayeen mudaharaad la doonayo in lagu taageero garabka Askarta ee Kornaylada xisbiga Kulmiye sida uu sheegay badhasaabka gobolka Saaxil.
Hase yeeshee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil Yuusuf Axmed Halac iyo labada xildhibaan ayaa lasoo daayay saacado kadib markii ay xidhnaayeen, waxaana xoriyadooda loo celiyay caweyskii caawa.
Dadweyne ka cadhooday xadhiga labada xildhibaan iyo gudoomiyaha xisbiga saaxil, ayaa sababay in rasaas ay Boolisku ku ridaan dadkaa , waxa ku dhaacmay Hal qof oo Dumar ah.