Faaqidaadda Araweelonews
Fadhi aan caadi ahayn oo uu Guddoominayay Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Guurtida Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, ayaa maanta lagu qabtay xarunta hoolka shaqalaha ee magaalada Hargeysa. Kulankaa oo ay kasoo qaybgaleen in ka badan lixdan mudane ayaa ahaa mid xaasaasi ah
oo ujeedadiisu ahayd waxa laga yeelayo dhamaadka mudooyinka mudanayaasha labada aqal ee guurtida iyo wakiilada oo wax ka yar lixdan habeen ka hadheen.
Sh. Axmed Fure hadal uu ka jeediyay madasha ayuu ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland usoo qoray qoraal uu kaga hadlayo sidii Golaha Guurtidu go’aan uga gaadhi lahaa dhamaadka muddada xil haynta Golaha Wakiilada, oo doorashadoodii aanay suurto gal ahayn In xiligan la qabto, wuxuu Mudaneyaasha ku wargeliyay inay soo naaqishaan oo ka soo baaraan degaan nuxurka qoraalka Madaxweynaha, si ay maalinta barri u guddo galaan doodii la xidhiidhay qaraarka goluhu ka ka qaadanayo soo jeedinta madaxweynaha.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulan wax layskaga weydiinayo arrimaha dhamaadka labada gole ee wakiilada iyo guurtida iyo weliba golayaasha deegaanka oo mudo dhaafay marar horena loo kordhiyay mudada xilka iyaga iyo guurtidaba kula yeeshay xarunta madaxtooyada masuuliyiin ka socotay sadexda xisbi qaran, shir gudoonada labad gole iyo xubnaha komishanka.
Kulankaa oo ahaa mid lagu falanqeeyay sida ay waqtigan gabaabsi u yihiin mudada labada gole iyo weliba golayaasha deegaanka, isla markaana aanay xiligan muuqan in mudada yar ee ka hadhay doorashooyin u suurta geleyaan, waxayna dhinacaya ka qayb galay isla qaateen inay lagama maarmaan tahay in mudo kooban loo kordhiyo labada gole ee sharci dejinta, isla markaana loo tabaabulshaysto sidii doorashooyinka golayaasha deegaanka loom eel marin lahaa.
Inkasta oo qoraalka Madaxweynuhu usoo gudbiyay golaha wakiilada yahay mid ka dhashay kulankaa hadana waxa soo baxaya kaanbeyno iyo qorshayaal hoose oo ay wadaan kooxo ka kala tirsan golaha guurtida iyo wakiilada, kuwaas oo qaba doodo iyo aragtiyo kala duwan oo ku saabsan mudada la kordhinayo ee golaha wakiilada iyo dabcan golaha guurtida oo iyagana muada kordhintoodu ku lifaaqan tahay mudada loo kordhiyo golaha wakiilada.
Qaar ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la qiimeeyo mudada ay ku qabsoomayso doorashadii Golaha Wakiiladdu iyo sidoo kale golayaasha deegaanka iyo waxa laga yeelayo golohooda guurtida. Mudanayaasha doodaa qaba waxay iftiiminayaan inay lagama maarmaan tahay in goluhu aanu ku degdegin mudo kordhin ee ay qiimeeyaan oo lafa guraan xaalada, isla markaana golahu ka doodo mawduuca horyaala. Markaa ka dibna go’aan gole lagu meel mariyo mudo kordhin macquul ah oo aan ka badnayn laba sanadood oo golaha wakiilada ah, taas oo golaha guurtiduna sanad ka danabaynayo, isla markaana golayaasha deegaanka doorashadooda loo qorsheeyo inay sanad kasoo horeeyaan golaha wakiilada.
Hase yeeshee koox kale oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa iyagu olale ugu jira in muddo sadex illaa afar sanadood ah loo kordhiyo Golaha Wakiilada, si ay Guurtidana ugu fududaato inay intaas in leeg ay korodhsadaan oo ay sanad ka danbeeyaan, taas oo ka dhigay inay guurtidu helaan mudo kordhintii sadexaad oo shan sanadood ah.
Marka laga yimaado dooda mudanayaasha guurtida waxa iyana aan ka madhnayn kaanbeynka qaar ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladu ugu jiraan in mudo kordhinta golaha guurtidu aanay ka yaraan shan sanadood, ama ugu yaraan afar sanadood.
Marka laga yimaado muda kordhinta golaha guurtidu wadaan ee labada iyo weliba qorshaha doorashada golayaasha deegaanka, waxa iyana jira doodo iyo su’aalo la xidhiidha haddiiba qorshuhu noqdo in golayaasha deegaanka lasoo hormariyo, maxay ku danbaynayaan doodaha sida weyn laysugu khilaafsanaa ee furashada ururo siyaasadeed oo iyana ah mawduuc aan dharciyan laysku waafaqanayn, balse dad badani rajaynayaan in la raacinayo golayaasha deegaanka.
Tusaale ahaan koox la baxaday aqoonyahanka madaxa banaan oo todobaadkii hore saxaafada u qaybiyay qoraal ay mawduucaa dib udhaca doorashooyinka iyo dhamaadka labada gole ee sharci dejinta kaga hadleen, waxay ku sheegeen in xukuumada Axmed Siilaanyo laga sugayo inay fuliso balanqaadkii xiligii Ololaha doorashada ee furashada ururada siyaasadeed, balse qoraalka kooxda aqoonayahanka ahi may iftiimin qaabka sharci ee loo marayo wadadaa furashada ururada siyaasadeed, isla markaana waxay is ilawsiiyeen muranka sharci ee marwalba ka taagan arintaa oo u baahan in ka hor ay lagama maarmaan tahay in doodo iyo falanqayn dhinaca sharciga ah laga yeesho, taas oo fududaynay in laysla meel dhigo kala qaybsanaanta arrintaa oo debeda lagu dhameeyo ka hor inta aan loo gudbin mooshinada iyo soojeedimaha khuseeya golayaasha sharci dejinta.
Si kastaba ha ahaatee waxa aan layska indha tiri Karin inay golaha guurtidu xusuusnaadaan inay shacbigu khaatiyaan ka istaageen mudo kordhin aan ku fadhiyin sharciga waaqaca dhabta ah ee jira. Sidoo hore looga bartay, isla markaana Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa inuu indhaha ku hayaan in aanay kooxda golaha guurtida iyo kuwa garab yaacaya ee golaha wakiiladu majara habaabin soo jeedintiisa oo aanay u fasiran soo jeedimihii waqtiyadii xukuumadii Rayaale ee qorsheheedu ahaa inay gebi ahaanba laalaabto nidaamka geedi socodka dumuqraadiayada iyo doorashooyinka Somaliland. Sidaa awgeed soo mudo kordhin kasta oo aan ku fadhiyin waaqiciga dhabta ah waxay noqon doontaa mid aanay shacbigu liqi Karin, isla markaana ku abuuri karta shacbiga raja xumo, taas oo aanay xataa ka badbaadayn xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380