Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dhagax dhigay wejiga labaad ee dhismaha Dhabaha diyaaradaha ee

Madaarka madaarka Caalamiga ag ee Hargeysa Cigaa International Airport.

Munaasibada dhagax-dhiga waxa ka qaybgalay Wasiirrada Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, Hawlaha guud, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Maxamed Muuse Abees, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadam iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Kuwait Fund oo mashruucan maamulaysa, isla markaana hore u maalgelisay mashaariic ku dhowaad Toban Milyan oo dollar ku kacay oo lagu sameeyay Madaaradda Hargeysa iyo Berbera.

Madaxwayne ku xigeenka oo ay weheliyaan kooxdaa wasiradda ah ayaa ka hor munaasibada dhagax-dhiga kormeeray qaybaha Madaarka Hargeysa ka kooban yahay, iyadoo meelaha qaarkood hawlo ka socdaan, isla markaana ay jiraan goobo loo diyaariyey in la balaadhiyo, ka dib, ayaa waxa saxaafadda u faahfaahiyey dhagaxa dhigga wejiga labaad ee dhismaha dhabbaha madaarka.

Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo ka hadlaya dhagaxdhiga wejiga labaad ee Madaarka, waxa uu yidhi, “Anniga iyo Madaxwaynaha JSL, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa farxad noo ah inaanu maanta dhagax dhignay wejigii labaad ee dhismaha Madaarka Cigaal, oo aanu muddo ku hamiyeynay inay madaarkani noqdo mid caalamiya oo u dhigna Magaca halyeygii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee uu Magaciisa wato, noqdana madaar u dhigma ama la tartama madaarka Geeska Afrika”
Wuxuuna isagoo sharaxaya inta lagu kordhinayo Madaarka yidhi, “Sidaad la socoteen waxa inoo soo dhamaaday intii aynu hore u haysanay oo ahayd 2,466Mt oo dib loo casriyeeyay, lacagtaasi oo ahayd tii koowaad ee ay inoogu deeqeen walaalaheena Kuwait, markaa markii ay ku qanceen sidii loo maamulay lacagtaasi hore, ayaa waxay inoogu deeqeen qayb labaad oo lacag si loo dhamaystiro inta hadhsan oo ah 1,410Mt ee aynu maanta dhagax dhignay, waxaanuna ku rejo-weynahay inay sidii hore si ka dhaqso badan u qabsoomi doono, iyadoo ay taalo warshaddii isku laaqayay jayga iyo daamurka, markaa indhaha caafimaadka qabaa waxay arkayaan isbedalka ku yimid madaarada iyo guud ahaan dalka, waxaanan leeyahay dalkani in dib loo dhiso ayuu u dhaqaaqay, Gaalladuna waxay ku maahmaahdaa Safarku wuu socdaa Eyduna ha ciddo” ayuu yidhi.

Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo gaadiidka Cirka Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isaguna sharaxaad ka bixiyay hawsha lagu kordhinayo Madaarka, isagoo yidhi, “Waxa Mahad leh Illaahay oo inoo fududeeyay Mashruucan aynu maanta dhagax dhignay, waxa kale oo mahad leh dawladda Kuwait, boqorka Kuwait, oo ah dad walaalaheen ah oo arkay tabaalada iyo dhibaatada aynu qabno, oo nagu caawiyey qaran ahaan mashruucan, iyagoo arkay mashaariicdii hore sida ay wax u tareen, kuna qanceen sida looga faa’iday, sida wanaagsan ee loo fuliyey, Mashruucan cusub ee uu Madaxwayne ku xigeenka Somaliland maanta dhagax dhigay waxa uu ka kooban yahay 1,410Mt, oo aynu ku darayno Dhabihii hore oo ka koobnaa 2,466Mt, ee la dhisay 1958-kii, oo aynu ku samaynay adkayn, markaa mashruucani waa 1,410Mt oo dharar ah, 45Mt oo Balaca, mashruucani wuu ka hawl badan yahay mashruucii hore, waayo mashruucii hore aasaaska dhabihii hore ee Ingiriisku wixii burburay ee dhagaxa iyo sibidhka ahaa ee burburay dib-baa loo kabay, laba lakabna waala saaray, laakiin kan aasaas cusub-baa loo samaynayaa, laba lakabna waa loo samaynayaa sida kii hore” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Sidoo kale wuxuu sharaxaad ka bixiyay mudada loo qorsheeyay inuu socdo mashruucu, isagoo xusay in Mashruuca wasaaradda duulista iyo hay’adda Kuwait Fund ay ugu talo-galeen inuu socdo lix bilood oo ka bilaabmaya 1-ka bisha saddexaad, kaas oo qiyaastii dhamaanaya ilaa dhamaadka bisha August ee soo socota.

Wuxuuna mar uu ka hadlayay cidda lacagta mashruuca gacanta ku haynay yidhi, “Mashruucan waxa loo maamulayaa sidii hore oo hay’adda Kuwait Fund ayaa lacagta gacanta ku haysa, haddii dad badan moodayey in lacag lanoo dhiibo, annaga lacag lanooma dhiibo, xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici-na dunida lacag ma waydiisano, dunida waxaanu waydiisanaa in wax lanoo qabto, mashaariic qorshaysan oo qaabaysay ayaanu ula tagnaa, markaa cidda qandaraaska heshay iyo cidda lacagta haysa cidna uma dhaxayso. Sidaasina waa sida dunida kalsooni galisay ee dunidu Mashaariic badan inagula shaqeyso, markaa waxaan rejaynayaa in mashruucani wax weyn ka bedali doono qaranka, garoonkani intii aanay xukuumaddani talada haaneedin derajadiisu waxay ahayd 2, maantana waxa uu marayaa 7 (Cabirka heerka Madaarada), haddii aynu dhamayno (Wejiga labaad run-way-ga) wuxuu noqonayaa derajada 10-aad” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.
info@araweelonews.com

jamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *