si lama filaan ah usoo galeen ergo ka socota Golaha Guurtida oo uu hogaamiyo shirgudoonka golahaa.
Ergada ayaa hakiyay qorshayaasha Mooshinada la doonayay in saaka la horgeeyo golaha, kuwaas oo kala ujeeddooyin iyo siyaasad ahaa, waxaana saaka soo buuxdhaafaiyay agagaarka dhismaha Baarlamaanka dadweyne danaynayay mooshinadaa oo u dhegtaagayay.
Kooxda dhinaca Kulmiye xubnaha ugu jira golaha wakiiladda ayaa maalmihii u danbeeyay kulamo la xidhiidha arrimaha ka dhashay xeer hoosaadka golaha wakiiladda iyo khilaafka ka dhashay ka arinsanayay, waxayna xoggo la xidhiidha qorshohoodu sheegayeen in saaka ay u balansanaayeen sidii meesha looga saari lahaa caqabada iyo khilaafka ka dhashay xeer hoosaadka wax laga bedelay, balse dhinaca kale ee Gudoomiye Cirro ayaa iyaguna doonayay in aanay aqbalin qorshaha ay kooxda kale wataan, iyadoo qolo walba dhinaceeda tirsanaysay guul.
Hase yeeshee waxay xaaladda wax iska bedeleen markii ay koox Odayaasha Guurtida oo uu hogaaminayaan shirgudoonka aqalka Odayaashu isku shubeen golaha wakiiladda, kuwaas oo ku hagoogtay mooshinada la filayay in saaka lagu kala calafqaado, waxayna dhinacyadu oggolaadeen in dib loo dhigo mooshinadaa, balse ma muuqo xal weli laga gaadhay waxyaabaha sababay mooshinadan.
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1