images/stories/badhasabka burco.jpg Burco (ANN)Magaalada xarunta gobolka Togdheer ee Burco oo ay  maalmihii u danbeeyay  hawlgalo ka wadeen Ciidanka amaanku ayaa hawlgaladaa ciidanka Bileyska Gobolku ku qab qabteen  ilaa 8 Nin oo lagu tuhusanyahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha Koonfurta Somaliya ka dagaalama ee Al-shabaab.

 
Kooxda lagu qabtay hawlgaladaa oo la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada Burco, isla markaana ay weli hay’ada baadhista denbiyada ee CID  ku wado baadhitaan ayaa la sheegay in Baadhitaanka ka dib la sheegi doono wixii lagu helay ujeedada qorshohooda iyo wixii ay wadeen.
Sidaana waxa maanta shaaca ka qaaday Badhsaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi  oo saaka shir jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey hawlgalada maalmihii u danbeeyay ay halkaa kawadeen ciidanka Bilayska ee gobolka Togdheer, wuxuuna xusay in la qabtay dad badan, balse sideed ka mid ah dadkaa oo weli baadhistu ku socoto, isla markaana looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha Koonfurta Somalia ay  hada  ciidanka Bileysku gacanta ku hayaan, waxaana Guddomiyaha Gobolka Yaasin Muxumed Cabdi uu ka warbixiyey hawlaha ay ciidanka Bileysku wadaan oo uu sheegay inay bilaabeen kadib markii dhowaan 2 jawaan oo ay ka buuxan walxaha qarxa laga helay meel ka mid ah koonayasha Magaalada Burco oo lagu aasay, waxaanu sheegay in Bileysku iyagoo arrimahaas daba jooga ay soo qabteen 8da nin ee saaka illa xalay la qabtay.
Badhsaabka gobolka oo saxafaddu wax ka waydiisay goorta ay caddayn doonan danbiga nimankan iyo in la marin doono jidka saxda ah oo maxkamad la hor keeni doono iyo inkale waxa uu ku jawaabay Guddomiyuhu “hawshoodii waxa hadda gacanta ku haya CID da, haddii danbi lagu helona maxkamadda ayaa la hor geyn doona oo wixii sharciya ayaa la marin doonaa” ayu yidhi badhasabku
Kooxahan laga qabtay gudaha magaalada Burco ayaa isugu jira kuwo somaliland u dhashay iyo kuwo koonfurta Somalia dhalashadoodu tahay oo  ka yimi muqdisho, waxaana qab qabshadooda si weyn looga dareemay gebi ahaanba magaalada Burco, iyadoo sida badhasaabku shirkiisa jaraaid ku caddeyey raggaasi lagu tuhmay inay gobolka iyo dalka ka wadeen kharbudaad dhinaca amniga ah.
Dhinaca kale Badhasaabka Goblka ayaa kulan ballaadhan la yeeshay NGO yada Local ka ah ee ka hawlgala Gobolka, isagoo sheegay inay kaga wada hadleen ka qayb qaadashada maalinta ololaha nadaafadda Somaliland oo madaxweynuhu ku dhawaaqay shalay, taas oo maalinta Berri ah, laga  fulin doono dalka oo dhan shaqaalaha  iyo xafiisyada dawladuna ay fasax noqon doonaan,  isla markaana ay tahay maalin Holiday ah. Sidoo kale waxuu sheegay in Guddiga Hogaaminaysa hawsha ololaha loogu qaadayo nadaafadda uu Guddomiye u yahay Duqa Degmada Burco Maxamud Axmed Xasan Dhegolaab.
Dhinaca kale Guddomiyaha Gobolku wuxuu raashin mucaawanooyin ah oo wasaaradda Diinta iyo awqaaftu ay soo gaadhsiisay maamulka Gobolka ku wareejiyey Cisbitaalka Guud iyo Cisbitalka dadka waalan ee Maandhaye iyo weliba jeelka weyn ee Burco, waxaana lagu wareejiyey laba gaadhi oo xamuul ah sadexdaa goobood, iyadoo ay kala ahaayeen 1740 Kiish oo isugu jira Bariis, Daqiiq iyo Sonkor, 154 kartoon oo caano ah, 138 kartoon oo saliid ah, iyo 600 kartoon oo basto ah, waxa uu Guddomiyhu ku wareejiyey.
Badhasaabka Gobolka ayaa  gebagebadii warbaahinta Baaq uga diray dhammanba shacabka Gobolka iyo kuwa gobolada kale ee Somaliland, isla markaana ku baraarujiyey inay feejignaan dheeraada  u yeeshaan cid kasta oo ay uga  shakiyaan nabadgelyadooda, waaxanu ku ammaanay dadaalka ay marwalba shacabku ugu jiraan ilaalinta amnigooda, isagoo sheegay in wada shaqaynta shacbiga iyo Bilaysku lagama maarmaan tahay si loo sugo ayuu yidhi amaanka  gobolka oo looga wada badbaado khatarta kooxahaa.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *