nolosha bulshada, gaar ahaan waxa si weyn u kordhay kharashka Guurka oo sababay in ay ragga dhalinyarada ah ka maagaan guurka.
Dawlada Qatar ayaa bilawday qorshe ay doonayso in wax lagaga qabto qiimaha guurka ee kor u kacay 1mly oo lacagta qadar ee Riyaalka ah.
Warbaahinta Carabta gaar ahaan kuwa kasoo baxa dalalka Khaliijka ayaa mudooyinkii u danbeeyay bogga hore kusoo bandhigayay mushkilada ka taagan guurka ee u dhaxaysa Ragga iyo Hablaha, iyadoo qiimaha Hoolasha munaasibadaha Aroosyada dalka Qadar lagu qabto kiradoodu gaadhay inta u dhaxaysa QR7,000 – QR70,000, taas oo aanay awoodayn qaar badan oo dhalinyarada dalka Qadar.
Golaha deegaanka ee dalka Qadar ayaa dhinacooda bilaabay qorshe ay ku doonayaan in wax lagaga qabto arrintaa ayaa wada qorshe la doonayo in xeer loogu sameeyo kirada Hoolalka lagu qabto Xafladaha Aroosyada, kaas oo la doonayo in aanay ka badan Hoolalka kiradoodu inta u dhaxaysa QR5,000 -QR10,000, lacagta riyaalka ee dalkaa.
Sideed iyo toban xafladood oo Aroos ayaa ku kacay isku cel-celis ahaan kharash dhan QR70, 000 ilaa QR150,000, taas oo noqonay mid muujinay dhibaatada haysta dhalinyarada doonay in ay xaflado u samaystaan Aroosyadooda.
jaamac132@gmail.com