Muqdisho(Araweelo News Network)Al-shabaab ayaa gebi ahaanba ka jartay labadii caanamaal ee u danbeeyay in deegaanada ay maamulaan ee Koonfurta Somalia adeega internet Mobile-ka ee shirkadaha Isgaadhsiinta
qaarkood ay bixiyaan.
Kooxda Al-shabaab amar ku bixisay Todobaadkii hore in mudo laba todobaad ah shirkadaha Isgaadhsiinta Soomaalida ay ku joojiyaan adeega internet Mobile iyo Fiber Optic.
Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa ku sameeyay deegaamada qaarkood in la fuliyay awaamiirta iyo amarka ay soo saareen , iyadoo mudada loo qabtay shirkaddaha adeega Internetka bixiyaa mudada loo qabtay ay ku eegtahay maalinta beri ah.
Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in masuuliyiinta shirkaddaha Internetka qaarkood kulamo la yeesheen saraakiil Al-shabaab ah, kuwaas oo doonaya in ay ku qanciyaan in aan addeegaa ay bixiyaan la joojin, balse lama ogga kulamadaa waxa kasoo baxay, waxayna arrinta Al-shabaab ku jiijinay addeega Internetka saamayn weyn ku yeelanay dadka deegaamada Koonfurta Somalia, gaar ahaan meelaha ay sida buuxda gacanta ugu hayaan ee Baraawe, Buulo-Mareer, Jilib, Jalalqsi, Buulo Burde iyo meelo kale oo Al-shabaab ay maamusho, kuwaas oo maanta gebi ahaanba waayay adeega internetka.
Adeega internetka dheereeya ee Fiber Optic oo ka mid ah adeegyada ay mamnuuceen Al-shabaab maaha mid Somalia weli soo gaadhay, balse waxa jira shirkado ku hawlan in ay soo geliyaan Somalia, kuwaas oo dhinaca Koonfurta Somalia kasoo gelinaya dhanka Banbaasa ee Kenya.
Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:”Times New Roman”; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}