Istanbul(Araweelo News Newtwork) Dhinacyada eregooyinka labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia ee kulamada ku lahaa dalka Turkiga ayaa gaadhay heshiis ka kooban ka kooban dhawr qodob. Kadib markii
wadahadalku galay hakad balse dib laysugu soo noqday.
Labada dhinac ee metelaya Dowladda Somalia iyo dawlada ayaa isku raacay heshiis kakoobn sadex bog oo lagu sharaxay qaabka wadahadalku usii soconayo, taas oo ku dhamaatay is afgarad sida uu sheegay wasiirka Arrimaha gudaha Somalia ee dhinaca dawlada Somalia u metelaya wadahadalka.
Qodobka uguy xaasaasisan ee ahaa dooda Somaliland ee ahayd gooni isutaagga Somaliland iyo Midnimada ay ku dooday Somalia ayaan weli laga wada hadlin, balse waxa muuqata in heshiiskan xooggaa horu mar ah laga gaadhay marka la bar bar dhigo heshiisyadii hore.
Qodobada ugu muhimsan heshiiska waxaa ka mid ah, in laga garaabo dhibaatadii dadka reer Somaliland ka soo gaadhay xukumadii dhexe ee miltariga, lana cambaareeyo. Waxaa kaloo lagu heshiiyay naqshad sharaxeysa habka uu ku socon doono wada xaajoodka, doorka dalka Turkiga iyo cid kasta ee dooneysa inay wadahadalan gacan ka geysato, in agendayaasha sida ay u kala fududyihiin loo soo kala horumariyo, sadexdii biloodba mar ay wada hadalka isugu yimaadaan iyo qodobo kale.
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa dhinacooda sheegay in wada hadalo ay ku socdaan qaab wanaagsaan, isla markaana aaney jirin wax ka reeban in laga wada hadlo.