naafada1Hargeysa (Araweelo News Networ)Dallada isku-xidha adeegyada dadka naafada ah ee Somaliland oo loo soo gaabiyo DAN (Disability Action Network), ayaa tallaabo geesinimo ah ku tilmaamay digreeto

 

Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed (Siilaanyo) ku dhaqangeliyey xeerka adeegga naafada oo uu ku amray in dhismayaasha hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee adeegyada bulshada lagaga shaqeeyaba lagu saleeyo hab fududaynkara in gaadiidka dadka naafada ah ay geli karaan dhismayaashaa.

Agaasimaha Ururka DAN DAN Mr. Cali Jaamac Xasan oo xafiiskiisa warbaahinta ugu warramay, ayaa sheegay in dhaqangelinta iyo amarka Madaxweynuhu ku soo saaray wareegtadaasi noqonayso mid hordhac u ah wax-ka-qabashada caqabadaha badan ee haysta dadka naafada ah.
naafada2
“Dhaqangelinta xeerkan waxaannu u aragnaa tallaabo dhinaca fiican loo qaaday oo muhiim ah, waa tallaabo aan is leeyahay midho-dhal ayey ka dhigaysaa wax alla wixii muddada badan lagu dadaalayey ee la lahaa wax ha laga qabto caqabadaha haysata dadka naafada ah. Naafonimadu ha ahaato ta jidhka, laakiin naafonimada rasmiga ahi waa caqabadaha oo ay kow ka yihiin kuwa degaanka qofka naafada ahi ku noolyahay oo tusaale ahaan haddii aannu ka qaybqaadan karayn adeegyadii bulshada oo ay ka xanibayaan dhismayaasha oo aanay meeshii laga gelayey u suurtogelinayn waa mushkilad.”

“Wareegtada Madaxweynaha Somaliland soo saaray waxay meesha ka saari doontaa ama yarayn doonaa amaba ugu yaraan uu samayn doono aasaas lagaga doodo caqabadaha jira oo wax lagaga qabto oo hore haddii goobaha adeegyada sida dugsiyada ama jaamacadaha iyo cusbitaalladu lahaayeen kaabado dhaadheer oo aanay dadka naafada ahi geli karayn, laakiin maanta haddii inta wareegtada la fuliyo goob waliba yeelato meel dadka naafada ahina ka soo geli karaan taa lafteeda ayaaba wacyigelin wayn ah oo dadka fikirkoodii ahaa in dad aan naafo ahayn uun loogu talogalay ayaa meesha ka baxaya oo waxa la ogaanayaa in dadka naafada ahi ka mid yihiin bulshada. Sidaasi darteed, waxaannuna u aragnaa inuu yahay mid aad iyo aad muhiim u ah,” ayuu yidhi Mr. Cali Jaamac.

Madaxa Ururka DAN oo la waydiiyey sida ay suurtogal u tahay in wareegtada Madaxweynuhu fusho oo dhismayaasha dawladda iyo kuwa goobaha adeegyada buslahdaba loo sameeyo meelo naafadu ka geli karaan, waxa uu ku jawaabay, “Haa, waxa furmay albaab, waayo caqabadaha jir hal mar wax lagama wadaqaban karayo, laakiin mar haddii tallaabadii kowaad maanta la qaaday waxaan u arkaa in qaybtii ugu muhiimsanayd, uguna adkayd in laga qaaday meesha, caqabadaha kale ee waxay u badan yihiin dadku siday ula dhaqmaan naafada oo waxa wax lagaga qaban karaan wacyigelinta, laakiin qaybtan marka dawladdu hormood u noqoto ee dhismayaasha xafiisyada iyo kuwa adeegyada bulshada ay ka dhigto qaar dadka naafada ahi geli karaan way fududaanaysaa in adeegyada kale ee bulshada gaarka loo leeyahay in iyaguna tallaabadan oo kale qaataan.”

Mar la waydiiyey doorka urur ahaan ay ka qaadan karaan fulinta iyo hirgelinta xeerkan naafada danta u ah waxa uu yidhi, “Horta hay’adahan uu Madaxweynuhu u xilsaaray waa wasaaradihii u xilsaarnaa arrimaha dhismaha iyo bulshada, waxa kale oo uu ku daray dawladaha hoose oo iyaga ay soo maraan sharciyadda dhismayaasha iyo naqshadahooduba. Haseyeeshee, annagu doorka aannu ka qaadan karnaa waxa weeye xagga farsamada, oo marka la rabo in dadkii naafada ah loo sameeyo meelo ay ka soo galayaan dhismayaasha annagu waxaannu haynaa khibradii aannu 20 sanno kaga shaqaynaynay, tusaale ahaan qaabka loo samayn karo jidka ay marayaan, cabbirkiisa joog iyo balladh inta laga dhigi karo, gaadiidkoodu inta uu mari karo, markaa annagu farsamo ahaan ayaanu ka caawin karnaa marka la doonayo in la sameeyo dhismayaal naafadu isticmaali karto,” ayuu jawaabtiisa ku yidhi Mr. Cali Jaamac Xasan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *