images/stories/uk-flag-.jpg Nairobi (ANN) Dawladda Britain ayaa ka hadashay dagaalada maalmihii u danbeeyay sida xidhiidhka ah uga socday magaalada caasimada Somalia ee Muqdisho, isla markaana waxay xaqiijisay sida ay uga walaacsan tahay dagaaladda iyo iska hor imaadka ka socda halkaa, iyada oo ku tilmaamtay xaalada mid aan ka soo rayn lahayn
oo lagu gumaadayo dadka Shacabka ah ee bir ma geydada ah.
Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed kooban oo laga soo saaray Safaaradda Britain ku leedahay caasimada Kenya ee Nairobi. Madaxa Xafiiska Safaarada Britain ee Nairobi u qaabilsan arrimaha Somaliya Matt Baugh, ayaa ku sheegay war saxaafadeedkaa wax aan la aqbali karayn weerarada dhimashada iyo dhaawacyada ah ee loo geysto dadka Rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho iyo sidoo kale waxyeelada dagaaladaa ka soo gaadha Askarta ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.
Sidaa awgeed dawlada Britain ay tacsi u dirtay dalka Uganda, iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen Askartii dhawaan lagu dilay dagaaladii muddooyinkan danbe ka dhacayay magaalada Muqdisho. War saxaafadeedka ayaa gebagebadii lagu sheegay in dawlada Britain ay hiil taageero la barbar taagan tahay nidaanka iyo qorshihii Djibouti ee ay ku hawl gasho dawladda ku meel gaadhka ah ee uu Madaxweynaha ka yahay Sh Shariif Sh Axmed, iyo ciidamada Midawga Afrika iyo waliba dadaalada caalamiga ah ee loogu jiro sidii loo soo af jari lahaa dagaalada loo caal waayay ee dabada dheeraaday ee ka socda dalka Somaliya, si loo soo celiyo amniga iyo kala danbaynta bulshada Soomalida.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380