ku tilmaamayo in aanay Bulshada gobolka Togdheer ahayn kuwo wax soo saar leh, balse waxa keliya ee ay soo saaraan oo keliya dadkii cunilahaa waxa ay bulshada gobolada kale soo saaraan iyo tacabkooda.
Jamaal Cali Xuseen oo weedhahaa ka jeediyay kuln shalay kooxda siyaasiyiinta la baxay Madasha wadatashigu casuumad ugu sameeyeen Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa koox Salaadiin ah, taas oo ay ka qaybgaleen xubnaha la baxay Madasha wadatashiga iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Musharaxa UCID oo weedhahaa kooban ka jeediyay madasha waxa uu soo qaatay sheeko uu sheegay in xiligii dawladii Siyaad Barre ay dhacday mar dadkii gobolada oo dhan laysu keenay oo la weydiiyay gobol walba waxa uu soo saaro iyo doorkiisa uu ku leeyahay qaranka.
Halkan Ka Akhri Weedhaha Musharax jamaal Cali Xuseen