Hargeysa(Araweelo News Network)Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo wefti balaadhan oo ay hogaaminayso ayaa
maanta waxa ay ka qaybgaleen xaflad balaadhan oo ka dhacday degmada Salaxlay ee Koonfurta Hawd kaga beegan Magaalada Hargeysa.
Waxaana la gaadhsiiyay dadka deegaanka Salaxley Deeq kala duwan oo ay Marwadu ku wareejisay maamulka Degmada. Xaflad loo qorsheeyay wareejinta deeqdaa kala duwan iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada dhakhtarka Salaxlay iyo Dugsiga Boodhinka ah ee Degmada Salaxlay halkaas oo maanta ay marwada madaxweynuhu gaadhsiisay Cusbitalka deeq kala duwan oo ay ugu talo gashay in lagu kaabo hawlahaasi iyo ta Umulisooyinkaba.
Deeqdaa oo ka koobanayd qaybaha kala duwan oo ka koobnayd 50 bustaha dhaxanta ah iyo 3000 oo Dollar oo madaxweynuhu ugu talay in lagu kaabo baahiyaha dugsiga Boodhinka ah ee degmada Salaxlay, gaadhi iyo qalab kale oo kala duwan.
Wasiiradda waxbarashada Marwo Samzam ayaa Lacagtaa oo kaash ah ku wareejiysey Ururka degmada Salaxlay ee loo yaqaan Gaaroodi.
Dhinaca kalena waxa marwada madaxweynuhu ay Hay’adda bisha cas ka gudoontay dawooyin aad u qaali ah oo isugu jira qalabka Jiimka ee Jidh-dhiska iyo kuwa qaliinada degdega ah loo adeegsado oo loogu talo galay in dhakhtarka lagu horumariyo iyo Gaadhi Ambalac ah oo model kiisu yahay 2013, gaadhiga oo ah mid cusub oo Hay’addu ay toos uga dalbatay shirkada baabuurta ee TOYATA dawooyinka iyo gaadhigan oo qiimahoodu uu ku joogo $79,454 lacagta dollarka ah.
Marwo Aamina waxay gaadhiga, Dawooyinka iyo qalabka ku wareejisay maamulka degmada iyo kuwa dhakhtarka oo goobjoog ahaa dhamaantood sidoo kalena waxa halkaasi hadalo mahadnaq ah ka soo jeediyey masuuliyiinta iyo madaxdhaqameedka degmada Salaxlay.
arraweelo.com@gmail.com
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com