Madaxtooyada, isla markaana lagu qabtay Hoolka Shirarka Wasiirada
Sidaana waxa lagu sheegay hadal kooban oo Madaxweyne Siilaanyo u jeediyay Agasimayaasha guud ee dalka, “Wasiirku waa siyaasi, hawsha wasaaradduhu waxay ku socdan waa Agaasimaha, markaa waxa laydiinka baahanyahay inaad culayska idin saaran ogaataan , waxaan had iyo jeer maqlaa musuq-maasuq iyo cabashooyin, waxa markaa aad ogaataan cida hawsha iyo shaqada iska leh inay tahay Agaasimayaasha.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayay Agaasimayaasha wasaaraddaha xukuumaddiisa.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sidoo kale ku dar-daaray masuuliyiinta Agaasimayaasha dalka ee uu la kulmay inay ilaaliyaan waqtiga shada, maadaama oo inta badan wasiiradda wasaaradduhu shaqooyin siyaasadeed iyo hawlo kale ku maqan yihiin. Sidaa awgeed wuxuu agaasimayaasha ku booriyay inay gartaan xilkaa culus ee ay qaranka u hayaan oo uu sheegay in lagula xisaabtami doono.
Dhinaca kale kulanka ayaa u muuqda mid ka dhashay khilaaf iyo is maandhaaf inta badan dhexmara wasiiradda wasaaraddaha iyo agaasimayaashooda, kaas oo caqaba ku noqda hawlaha qaranka ee ay hayaan, waxaana ugu danbeeyay khilaafkii dhexmary wasiirka Duulista iyo Hawada Siomaliland Maxamuud Xaashi Iyo Agaasimhii xilka laga qaaday Axmed Wiiwaa.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com