images/stories/xuska taalada hawgalkii birjeex.bmp Hargeysa (ANN)Alle ha u naxariistee waxa shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Col. Cabdilaahi Askar Barkhad oo ka mid ahaa Saraakiishii Milateri ee Urur-kii Xaq u dirirka ahaa ee SNM ee ka xoreeyey dalka Somaliland taliskii dhiigyacabka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre (Afweyne), isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay hogaankii dhinaca Milateriga ee SNM.
Col. Cabdilaahi Askar, waxa shalay galab si heer Qaran ah loogu aasay Xabaalaha Sh. Muuse Ducaale ee duleedka Koonfur Galbeed ee caasimada Hargeysa. Waxaana aaska marxuumka ka qayb galay madaxweynaha Somaliland masuuliyiin kale iyo boqolaal ka mid ah shacbiga Somaliland, iyadoo uu Bud dhigay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.
Hadaba taariikhda noloshii mujaahidka iyo qisadii cajiibka ahayd ee hawlgalkii taariikhiga ahaa ee ay koox mujaahidiin ahi kagala bexeen Bir jeex April 1983 ayaynu si kooban ugu daalacaynaa qormadan.
Taariikh nololeedkii Mujaahid Marxuum Cabdilaahi Askar Barkhad (AHN) 1947-dii waxa uu ku dhashay magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia, waxaanu waxbarashadiisii H/dhexe ku soo qaatay isla magaalada Diridhaba, waxaanu dalkiisa hooyo ku soo noqday sanadii 1966-kii, halka uu 1967-kii layli sarkaal ugu bay dalkii la isku odhan jiray midawgii Soofiyati, isla markaana waxa uu ku biiray ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee dalkii la isku odhan jiray Somalia, muddo kadib waxa uu dalka maraykanka ku soo qaatay aqoonta sare ee hogaaminta ciidamada iyo tababaristooda.
Alle ha u naxariistee Col. Cabdilaahi Askar Barkhad, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii u adkaysan waayey tacadigii iyo gumaadkii lagu hayay bulshada reer Somaliland oo u badheedhay inay dagaal hubaysan oo naf-hurid ah kala hortagaan taliskii Siyaad Barre, isaga oo ka mid ahaa saraakiishii haldoorka ahaa ee hogaaminaysa jabahaddii SNM ee dib-u-xoraysay Somaliland.
Waxa uu ahaa sarkaalkii 12-kii April 1983-kii markii ay ciidamadii Taliskii Af-weyne qabteen Cabdilaahi Askar, oo markaa magaalada Hargeysa ka fulinayey hawl-galo qarsoodi ah ay Xerada Miiska Saraakiisha ee Birjeex kala baxeen koox uu hogaaminayey Mujaahidkii Geesiga ahaa ee Ibraahim Ismaaciil (Koodbuur) oo ahaa Gaashaanle Dhexe oo ka tirsanaa xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM Markii dambe ka mid noday Saraakiishii SNM.
Dhinaca kale Abwaan Aadan Tarabi, oo maanso uu ugu magacdaray Badjeex ka tiriyey xilligii hawlgalkii Bir-jeex ee miiska saraakiisha waxa ka mid ahaa tuducyadan:-
Bishu waa Apriil Toban beri iyo laba
Bandhig ciidamadu Isu soo baxeen
Waxay baaxad iyo Baaruud halkaa kasoo Buuxiyeen
Balantoo ahayd beri inay dilaan baa askar lagala baxay
Badh-badhaadhaydii ba’anay baa xigtee
Wax la yidhi Bir-jeex waxa helay Bad-jaax
Sidoo kale Yuusuf X. Cabdi Xandule, oo ka waramaya Alle ha u naxariistee Muj C/llaahi Askar Barkhad, oo habeenkii Mujaahid Ibraahin Koodbuur iyo mujaahidiintii SNM miiska saraakiisha kala baxeen Mujaahidka, ayaa waxa uu sheegay, in maalinimadii uu Koodbuur u yimid, oo uu weydiistay gaadhi Landcrusar ah, una sheegay inuu hawl ku galayo, waxa uu yidhi “Ibraahin Koodbuur wuu ii yimid, waxa uu ii sheegay inuu gaadhiga iga doonayo, waxan ku idhi, maxaa dhacay, waxa uu ii sheegay inuu hawl ummada faa’iido u leh ku qabanayo, ka dib gaadhigii waan siiyay, aniga oo hawlahaygii ku guda jira oo adhi farabadan oo aan iibsaday meel ku xeraysan yahay.
Habeenkii fiidkii markii hawlgalka ay kula baxeen Mujaahid C/llaahi Askar ee aan ogaaday, aniga oo aan xoolahaygii iyo lacag meel ii taalay oo shaqadii aan ku noqon, markii aan ogaaday in hawlgalkaas bir-jeex dad loo xidhxidhay ayaan tagay guri Jameecada ku yaala halkaas ayaan u hoyday oo gurigaygii umaan hoyan, ka dib laba maalmood ayaan sii joogay Hargeysa sidaas ayaan kaga daba talaabay, waxay faqashtii ka dib bilawday inay xaasaskii xidhxidho aniga gabadhaydii way xidhay, xaaskii Ibraahin Koodbuur way xidhay dhibaatadaas ayay gaadhsiiyay maatadii C/llaahi Askar Barkhad Alle Ha u naxariistee waxa uu ahaa oo aan ku aqaanay geesinimo, Nin qiime leh, daacad ah dhamaan mujaahidiintii dhimatay alle ha u naxariisto .
Sidoo kale Mujaahidiin waawayn oo iyagu shalay ka qayb galay aas qarameedkii loo sameeyey Mujaahidkii waynaa ee Marxuum C/laahi Askar ayaa iyagu dhamaantood shacbiga iyo eheliyadii Marxuumkaba ka tacsiyadeeyey, kana hadlay wixii ay ka yaqaaneen Marxuum C/laahi Askar, ugu horayna C/laahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo isagu ka hadlaya aqoontii uu u lahaa Mujaahid C/laahi Askar, waxa uu yidhi “Alle ha u naxariistee Marxuum C/laahi Askar waxa uu ka mid ahaa tiirarkii ugu waawaynaa ee ay ku taagneyd SNM, waxa uu ahaa haldoorkii ummadan, xiligii halgankii iyo wakhtigan xaadirka ahba, waxa uu ahaa nin cibaado sax ah oo danta dadka ka hormarayi dan walba oo uu leeyahay, waxa uu ahaa nin wadaniyad ay ku xididaysatey, run ahaantiina waxaan odhan karaa maanta Somaliland shacbigeeda waxa ka baxay halyey qaran, waxaanan Ilaahay uga baryeyaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo ummada reer Somaliland-na samar iyo iimaan ka siiyo”.
Waxa isaguna madashaa aaska ka hadlay Mujaahid Cali Guray, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Inaalilaahu wa inaalilaahu raajacuun, Alle ha u naxariisto oo ha u nuuriyo xabaashe waxa maanta aynu u joognaa halkan aaskii Mujaahid C/laahi Askar Barkhad oo aynu ogayn halkii uu kaga jiray taariikhdii halgankii SNM, waxa uu ahaa marxuum C/laahi Askar mid ka mid ah baalashii ay duuli jirtey SNM, waxan Ilaahay uga baryeyaa nin xaq u dirir ah buu ahaaye in uu Iilka u nuuriyo oo uu janatul fardaws galo”.
Hadaba hadii aynu si guud u dulmarno taariikhdii halkii mujaahidkii waynaa ee Mujaahid C/laahi Askar (AHN) oo shalay si heer qaran loogu aasay waxa aanu taariikhdaas ka soo qaadanay wakhtigii la xidhay Alle ha u naxariistee Mujaahid C/laaahi Askar Barkhad iyo la bixitaankiisii iyo macluumaad kale oo badan.
Ugu horayn Taariikhdan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamadii lagula baxay April 1983-kii Muj. Cabdilaahi Askar Barkhadle waxa ka waramaya Muj. Aadan Maal Caqli oo ka mid ahaa geesiyaashii la baxay Mujaahidkaa, Aadan waxa uu ku nool yahay hadda magaalada Hargeysa, waxaana raggii kale ee hawlgalka ka qayb qaatey ay ka noolyihiin sadex nin oo mid ka mid ahi uu Gobolka Sanaag joogo midna uu London ku nool yahay midina uu yahay Aadan Maalkan ka waramaya dhacdadaas cajiibka ah.
Cabdilaahi Askar oo ay waqtigaa wada socdeen Cabdisalaan Turki oo hawl ciidan u yimi Hargeysa Bishii April 1983 ayaa goor habeen ah lagu qabtay meel Woqooyiga ka xigta Sinimoogi hore ee Hargeysa ee loo yaqaanay National Cinema, Waxa la qabtay Cabdillahi Askar habeenimadii ay Bisha April ahayd 8-da. Cabdilaahi Askar habeenkaa waxa lagu xidhay oo lagu hayay xaruntii xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Sooamaliyed ee Woqooyi-Galbeed oo ahayd halka immika ay ku jirto Madbacadda Qaranku. Subaxnimadiina waxa loo gudbiyay Taliskii Qaybta 26aad oo uu markaa Taliye ka ahaa gacan ku dhiigle la odhan jiray Gaanni. Marxuum Cabdilaahi Askar (AHN) markiiba waxa lagula dhaqaaqay silic-dil iyada oo la mariyay jidadkii xanuunka ee dooxatadii Siyaad Barre ku caan baxday si warar iyo sir ururka SNM leeyahay looga helo Laabatooyinka jidhkiisa oo dhana shamac ayaa lagu gubay oo lagu dhalaaliyay.
12-kii April oo ahayd maalintii loo dabaal degi jiray wixii la odhan jiray Xooggii dalka Somaliyeed ayaa dooxatadii dalka ka talinaysay qorshaysay in Cabdilaahi Askar la geeyo Golihii Murtida iyo Madadaalada ee Hargeysa oo lagu qabanayay qayb xafladaasi ka mid ah, dadweynihii xafladaasi ka soo qaybgalay ayaa la doonayey in la tuso Cabdilaahi Askar oo isku jabsan iyadoo looga gol lahaa in shacbiga kenodiidka ah lagu qanciyo in aan cidi u maqnayn, haddii ay u maqantahayna ay iska yartahay waxa ay tari karaanba, haddalada maalintaa laga hayay Gaani waxa ka mid ahaa “Kii ugu weynaa ayaanu heynaa oo idin hor keeni doonaa”.
Taladu tiisa oo keliya maahe tii Alle iyo tii Mujaahidiintuna meel ayay sii taalay, intii uu Marxuum Cabdilaahi xidhnaaba waxay Mujahidiinti guduhuna gorfaynayeen sidii ay ula soo bixi lahayeen Cabdilaahi Askar, 11-kii April 1983-kii ayay Hurin ka tirsan Naftood hurayaashii SNM ee gudaha ku sugnaa oo uu horkacayay Ibrahim Ismail Maxamed oo loo yaqaanay Koodbuur ay goor casar ah soo kaxaysteen laba Baabuur oo Toyota ah oo iyago oo dhan Kow iyo Toban Mujaahid. Haddaba bal aynu eegno sida uu dhacdadan Aadan Maal oo aanu mudo hore waraysanay uga sheekaynayey waxanu ku bilabay sheekadii sidan:-
Bishii 4-aad ee April 8-dii 1983 ayaa meel sinimoogii hore waqooyi ka xigta saq dhexe Cabdilaahi Askar lagu qabtay. In Cabdilaahi la soo furtaa waxay ku dhalatay saaxiibadii oo qaarkoodna halkan Hargeysa sii joogeen qaar na ay la socdeen, Fikradda soo furashada markii ugu horaysay waxa anaga noola yimid Ibraahim Carab iyo Siciid Cabdi Yaasiin oo loo yaqanay Bir-jeex. Hawlgalku Furayaal ayuu lahaa oo Askarta waxa Mafaatiix u ahaa labadaa mujaahid, saraakiishana Ibrahim Ismail Maxamed (Koodbuur) iyo Cabdisalaan Turki, Aadan maal waxa uu inoo sheegayaa halkay sheekada ka soo bilaabeen, waxaanu yidhi “Sheekada waxaanu ka soo bilownay Guri aan ka fogayn Xeradii Birjeex, Maalintaa waxaanu ahayn 10 nin Maalintaa waxaanu qorshaynay inaanu fiidnimada la baxno Cabdilaahi Askar.habeenkaa way noo suurta galiwayday maxaa yeelay, 10-kayagii meesha fadhiday saddex ka mid ahayd ayaa naga baxday. Tiradayadii ayaa yaraatay oo 7 ayaanu noqonay waxaanu go’aansanay inaanay habeenimadaas noo suurta galay hawshu. Sidaa darteed ayaanu ballan Beri ah u qabsanay si aanu kulan dambe u samayno.”
Aadan Maal haddana maalintii dambe bal ha lafa guro wixii dhacay, waxa uu yidhi “Bishii April 11-keedii anagoo kasoo qadaynay Hudheel ku yaalay xaafadii Iftin ayaanu soo raacnay Tagsiyo oo aanu nimid guri ku yaalay meel Xabsiga dhexe ee Hargeysa Woqooyi Galbeed ka xiga. Waxa gurigaa lahaa Ismail Sheekh Ibrahim Xujaale, waxa noo qorshaysnaa inaanu hawlgalka ku dhaqaaqno 4-tii galabnimo, Qolooyin ayaa naga soo habsaamay oo goordambe noo yimid. Sidaa darteed ayaanu hawlgalkii u qorshaysanay inaanu ka dhigno 5 galabnimo.”Gurigan uu aadan inoo sheegay ee uu lahaa marxuum /mujaahid ismail sheekh ibrahim waxa uu ahaa ka ay ka baxeen colku, sidaa darteed ciidamadii dooxatada ahaa ee Siyaad Barre iyagoo falkan kaga aar gudanaya ayay Ismail la baxeen kuna toogteen Hargeysa, Ismail waxa la sheegay inuu taageray Hawlgalkaas isagoo sameeyay dabaaldeg.
Mujaahid Aadan Maal Caqli waxa uu intaa ku daray “Gurigii Jeelka dabadiisa ku yaalay ayaanu ka dhaqaaqnay. Halkan imika Ibrahim dheere uu ka dhisayo Masaajidka halka ka soo horjeeda ee Dugsiga Sh.Baraawena Galbeedka ka xigta ayaanu kaga dhacnay wadadii. 5:25 pm daqiiqado ayaanu dhaqaajinay oo cidhib barako leh ku dhufanay. Ku talagalku waxa uu ahaa inaanu marno wadad dhaqtarka ka damabaysa oo aanu kasoo laabano Sheekh Ibrahim Biliso halkii uu ku jiri jiray ka dibna aanu hormarno Tubatariyada, oo sidaa miiska sarakiisha ku tagno.”
Aadan Maal oo ka mid ahaa ragaa naftood hurayaasha ahaa ee la baxay Mujaahidkaa ha inoo sheego sidii lagu galay Miiska Saraakiisha, “Waxaanu isu qaybinay laba kooxod oo midi Afar tahay midina Sideed nin tahay. Waxa horgalayay baabuurka hore ee ay sideedu saarnaayeen oo aan ku jiray Markii aanu soo dhaqaaqnay Annagoo Sh.Ibrahim Biliso gurigii uu deganaa meel u dhaw marayna ayaanu ogaanay in baabuurkii Afarta nin saarnaayen naga hadhay. Halkii ayaanu ka soo noqonay.
Anagoo marayna meel aan ka fogayn Xafiiskii nabad sugida ee hore oo ah halka arimaha debeda iyo dib u dejintu ku jiraan hadda ayaanu aragnay Baabuurkii oo taagan meel aan ka fogayn halka hadda laga dhisay Guriga Edna Aadan ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ka dambeeya waanu ku soo noqonay. Shaw wuuba fadhiyaa Baabuurku Waanu riixnay Arday meesha maraysayna way nala riixeen. Waanu kariweynay Baabuurkii kale ayaanu ku jugaynay kii oo hashkadaynaya ayuu dhaqaaqay, Wadadii hore waanu ka leexanay oo waxaanu u soo leexanay tan Madaxtoyada hormarta. Intii aanu Baabuurka riixaynay ayaa Afartii saarnaa ee ku qornaa mid naga dhuuntay oo uu iska tagay.”
“Markii uu Babuurkii oo hashakadaynayaa noo kacay ayaanu isagii nidhi na horsoco si aanu u ogaano inuu istaagay iyo inkale. Markii aanu gaadhnay Geerashka ina Abu-site ayaanu Baabuurkii saddexdu saarna aan dhaafnay oo horgalay, Waxaanu ku nidhi soo soco oo hawshaadi qabso Hawshoodu waxay ahayd inay albaabka shishe ee Miiska ee Galbeed xigta ay tagaan oo ay Gaadhka halkaa jooga naga khaarajiyaan, Annagoo sideed ahayna hawshayadu waxay ahayd inaanu Albaabka soke ee Bariga soo xiga ka galo oo Gaadhka gudaha ku jira kala calaf qaadno.”
Intaa ka dib maxaa dhacay, bal Aadan Maal ha wado mucjisadan, “Waxa direyskii ciidanka labisnaa Ibraahim Koodbuur iyo Ibrahim Carab oo aan darajo sidan Balantayadu waxa ay ahayd marka uu Ibrahim Koodbuur Gaadhka ku yidhaa : “waa Gaashaanle Ibrahim Koodbuur,” haddii ay socda yidhaahdaana inaanu nabad ku galno, haddii ay yidhaahdaan “Nimanka dusha sarani waa maxay, ama ay Af-Somali kale ku hadlaan,” Baabuurku iska socdo anaguna inta Gaadhka ah ee halkaa taagan aanu khaarajino; Baabuurkuna xawli dheer ku dhaqaaqo si uu u tiigsado Gurigii uu Cabdilaahi Askar ku xidhnaa.” bal waa tan soo socota ee haddaba bal Aadan ha inoo dhamaystiro sidii wax u dhaceen “Halkaa goolada ah ee labaadna Gaadh kale ayaa joogay oo maxaabiis kale ilaalinayay. kuwiina deg deg ayaanu u dhaafnay oo gaadhkaasi saraakiil meesha ku xidhnayd ayey ilaalinayeen. Waanu iska dhaafnay, Waxa aanu tagnay Gurgii uu ku xidhnaa Cabdilaahi Askar oo albaabka kale ee laga baxo u dhawaa. Halkaa waxa ku sugnaa Baabuurkii kale ee saddexdu saarnayeen. Waajibaadkoodu waxa uu ahaa inay Gaadhka albaabka Galbeed taagan laayaan si aanu Annagoo badqabna uga baxno meesha marka aanu hawshayada soo gudano”.
Markii aanu gudihii galnay waxa nala kulmay Ciidan laba Gaadh ah oo meesha wada fadhiyay. Baabuur yar oo jiib ah oo qori saarnaana xaga Midigta ayuu ka xigay, Jiib kalena waa uu ka dambeeyay, laakiin Jiibka hore waxa uu soo xigay xaga Guriga. Intii saarnayd meesha ayay iska taagtaagnaayeen, Nasiib wanaag qoryahoodi ma ay haysan oo Baabuurta ayay ka saarnaayeen, Xabbada Annaga ayaa ku bilownay oo ku horfurnay Socodkii dheeraa ee Baabuurka iyagoo ka shakiyay ayay istaageen iyada oo qaarkood qoryahoodii ay haysteen, Iyaga oo taagan ayaanu Baaburka dheega ugu qabanay Anagoo Baabuurkii saran oo aan ka dagin ayaanu xabadii ku bilownay, boodisna waanu ku darnay, marka aanu ku soo boodaynayna nimanka aanu ku boodaynay Qoryahayaga ayaaba is gadhayay.”
Gaadhkii maxay yeeleen, “Nimankii Gaadhka ahaa nin ka mid ah ayaa markiiba Beerka dhigay meel dhir leh oo xas dhexdii ah kaas oo aanu moodaynay inuu dhaawacanyahay oo Xabbadi ku dhacday, Ninkaasaa naga dilay Biixi Xaaji Xasan isla markaana Xabbado nagaga dhuftay Baabuurkii. Ninkaa mooyaane intii kale ee Gaadhka ahayd hal nin oo kale ayaa Xabbado ridayey kaas oo ka mid aha kuwii Albaabka taagnaa, Ninkaas ayaa dhibaatadaa noo geystay, sideedayadii gudaha galay hawhsu way noo kala qaybsanayd Ibrahim Koodbuur iyo Cabdisalaan Turki xilkoodu waxa uu ahaa inay Cabdilaahi Askar Qufulka ka jabiyaan oo ay soo qaadaan, waayo waxa na loo sheegay in uu lugaha iyo gacmahaba ka xidhan yahay. Dirawalka oo baabuurka ka masuul ahaa oo aanay ahayn inuu ka dego, haddii uu ka dego oo uu hawlgalanaa aanu ka fogaan dhakhsana ugu soo noqdo. Waxa aanu ku soo hadhnay Shan Mujahid Anagana hawshayadu waxay ahayd khaarajinta Gaadhka iyo ilaalinta Ibrahim Koodbuur(Ilaahay ha u naxariistee), Cabdisalaan Turki iyo Marxuum Cabdilaahi Askar (AHN) dhamaantoodbee.
Shantayadii dagaalamaysay markiiba laba ayay ku dhacday Kuwaas oo ahaa Biixi Xaaji Xasan iyo Siciid, waxaanu ku soo hadhnay saddex Siciid isagu dhaawicii gaadhiga kalamuu soo dagin, Biixi waanu is agtaagnayn oo bidixda ayuu iga xigay, markii ay ku dhacday ayaan arkay ninka toogtay inuu yahay ninkan xaska dhex rafanaya.”
Aadan muxuu yeelay markuu arkay ninkan xaska dhex rafanayay, “Ninkii xaska dhex rafanayay ayaan xabad ku riday. Inta uu dhaqaaqay ayuu is-taagay meel cadceeda hoosteeda ah, dhinicii cadceeda ayuu naga maray, cadceeduna way sii dhacaysay oo waa ay na cawaraysay Ninkii iyo cadceedii ayaa isku beegmay oo waxa igu adkaatay in ay indhahaygu qabtaan Xabbad baan ku dhuftay. Inta uu dhacay ayuu haddana siqay Maloosh iyo ibrahim Carab ayaa ka daba wareegay. Waxa ka horyimid Gaadhkii debeda joogay kuwii ayay isla libdheen. Anigu markaa waxaan u baydhay kuwii Gaadiidka iyo daaqadaha Gurayaha si aan lanooga soo toogan. Markaa Gudaha waxaanu kaga dagaalamaynay saddex keliya Maloosh, Ibrahim Carab iyo Aniga. Baabuurkii Saddexdu saaranayen debeda ayay hawshoodi ka bilaabeen. Tasina waxay keentay in gaadhkii lasoo eryado oo ay xagayagii iyo Gudihii u soo yaacan Markii aanu baxaynay mid ka mid ah oo meyda ayaanu halkii ku dhaafnay, mid kalena halkan Aqalka debediisa ayuu ku dhintay. Run ahaantii magaranayo khasaraha aanu geysanay intii uu leekaa, rag badanbaase meesha jiifay.”
“Ibraahim koodbuur waxa uu ku muusanabayay “ Waar raga laayayaay…waar raga laayaay”. Saddex Albaab ayaa isku dhejisnaa oo meesha ka soo jeeday Cabdisalaan Turkina Albaabkii bidixda xigay ayuu jebiyay Markii uu Albaabkii jebiyay ayuu yidhi kuma jiro, markasaan ku idhi “Waar ka Midigta, Waar ka Midigta. Wuu ku orday Gacanta ayuu ula tagay, Cabdilaahi Askar markaa waxa uu bilaabay qaylo. Waxa uu laha “Waar Waa Ikan..Waar Waa Ikan…Waar Waa Ikan”.
Bal haddaba Aadan Maal ha inoo sii wado sheekadan oo in badan oo Bulshada Somaliland ka ka dhex arkayaan Mujaahidkii waynaa ee maalintaas waxaas oo dhiig ah loo daadinayey “Markii aanu is tooyanaynay ee aanu lahayn kan kuma jiro ayuu na maqlay, Cabdisalaan Turki ayaa Albaabkii gacanta ula tagay Handaraabkii ayuu soo gundhiyay, Markaas ayaan ku idhi ” Waar Qoriga dabadiisa ku dhufo” Cabdisalaan Turki oo gacanta kula jira ayaa Ibraahim koodbuur qoriga dabadiisa ku dhuftay, waanu ku qaylinay: Waar ka daa ninka gacanta ha jabinine marlabad ayuu ku celiyay oo wuu jabay Albaabkii Marxuum Cabdilaahi Askar oo qaawan ayaa isagoo boodaya soo dhaafay, waxa soo baxay Cabdilaahi Askar oo aan lugaha ka xidhnayn ee gacmaha oo keliya ka xidhan, Nigis yarna sita oo ay nabaro ku yaalan Jidhkiisa”.
Dadka Marxuum Cabdilaahi Askar ku dhowdhowi waxay sheegaan in nabaradii maalintaa lagu dhuftay Cabdilaahi ay wali ka muuqdaan Jidhkiisa, Mujaahid Aadan Maal waxa uu intaas ku daray “Markii uu soo baxay ayaan is hor taagay Aniga oo ka soo jeestay xaggii daaqadaha, waxa aan ku idhi Waar Baabuurka fuul, Waar baabuurka fuul Anigii ayuu iga shakiyay, Ibraahim iyo Cabdisalaan oo uu soo dhaafay ayuu ku yidhi “Waar ma Baabuurka ayaan fuulaa !! “, Ibraahim ayaa la hadli waayay markasaan Ibraahim ku idhi “Waar Baabuurka fuul dheh”, Ibrahim ayaa u ishaaray inuu Baabuurka fuulo, xaggii Baabuurka ayuu u laabtay oo dhinicii Dirwalka ayuu soo maray. Dhinaca kale mar oo ka soo gal ayaan ku idhi, Ibraahina Baabuurkii ayuu la fuulay Shidhkii, Siciid Cabdi Yaasiin oo Baabuurka wadayna ma ahayn inuu ka dago, balse inuu saarnado ayay ahayd. Aniga iyo Cabdisalaan Turki ayaa ku dhaqaaqnay Biixi Xaaji Xasan oo dhaawacnaa, Siciid oo isna dhaawac ahaa, xabbadu waxay ku dhacday isagoo Baabuurka saaran oo kalama uu soo degin.
dhawr goor ayaa degdega awgii baabuurku naga dhaqaaqay oo hadana noo joogsaday oo hadana dhaqaqay. Baabuurku in door ah ayuu naga go’ay oo Albaabkii laga baxayay ayuu ku dhawaaday, Annaguna dhaawicii Biixi ayaanu daba sidnay. hadadna wuu dhaqaaq oo noo joogsaday. Biixi Xaaji Xasan aad ayuu u dhawacnaa oo naftuba waa ay kasii gurmaysay. Waxa uu nagu yidhi “Waar Annigu dhintaye yaan Baabuurku idinka tegin”. sidaa ayaanu Baabuurkii ku fuulnay, Biixina markii aanu tagnay naftuba way ka baxday oo nolol laguma soo gaadhin.”
“Sidaa ayaanu ku ambabaxnay Annagoo Baabuur keliya wadana. Albaabka Galbeed ayaanu ka baxnay. Jidka bari ka mara Guriga uu Cabdilaahi Dirwal iminka ku jiro ayaanu qaadnay, waxa aanu u joogsanay Saddexdii Baabuurka kale saarnaa oo soo ordayay. Cidi nama eryanayso markaa wax naga sii yaacaya mooyaa”.
Alle naxariistee Muj. C/laahi Askar Barkhad waxa uu ifka kaga tagay saddex wiil, laba gabdhood iyo xaas.
haddii ay noo suurta gasho waxaanu isku deyi doonaa in aanu idiin soo gudbino Muj. C/llaahi askar oo ka waramaya dhacdadaa markii u horaysay ee uu ka sheekeeyo sidii xaaladu ahayd sidii loo qabtay iyo hawlgalkii lagula baxay, iyadoo sida ka muuqata sawirka uu ka sheekeeyay maalintii la sameeyay xuska taaladaa lagu xusayay mujaahidiintii hawlgalka fuliyay, taas oo aanu ka baadhi doono kadkayaga Taariikhda iyo dhacdooyinka.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380
[…] Laxidhiidha: Taariikhda Qisada Dhacdadii Mucjisada Ahayd Ee Hawlgalkii Birjeex […]
M.a hawl gal fiican oo baal dahab ah ka galay taarikhdi mujahidinti SNM ayuu ahaa adiguna aad ayaad u mahadsan tahay sida quruxda badan ee aan laga caajiseyn ee aad u soo diyaarisey qoraalkan cajiibka wan ka helay runtii good job wll