images/stories/dr. axmed xaashi oday.png  Hargeysa (ANN)Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Axmed Xaashi Nuur (Oday), ayaa sheegay in aanay waxba is badelin inta UDUB-tii ay xilka kala wareegeen doonayaan inay galaan Madaxtooyada,

isla markaana, hunguraynayaan ka mid noqoshada Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ka soo jeedda ee Madaxweynaha Somaliland. Axmed-Siilaanyo soo dhisay.
Dr. Axmed Xaashi Oday, oo shalay aqoon-is-waydaarsi u soo xidhey Ururka Hiliblayaasha Hargeysa ee Nafaqo.  Waxa uu yidhi, “Waxaaan idinka digayaa in aad iska ilaalisaan khilaafka, tedeeda kale sharci maaha in laba Urur oo isku shaqo ahi magac qudha waddagaan, anigoo ogsoon halkaad wax ka soo bilowdeen iyo heerka aad maanta taagan tihiin hadaad tihiin Ururka Nafaqo. Haddaba, waxa haboon in wixii aad samaysateen aydaan iska duminin, sababtoo ah hawl waliba marka la bilaabayo meel ayay ka unkataa, waxaana wanaagsan haddii la is qabto oo ciddii Ururka wada lahayd isku qabato in qolo magac kale la baxaan ama uu sharcigu kala saaro weeye.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xooluhu, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; “Laakiin, laba Urur oo isku magac ahi inay suuqa soo wada galaan waa ceeb, iyagoo isku shaqo qudha wada haya, waanad ogtihiin oo haddii hoggaanku dadka uu u taliyo si siman ugu adeegi waayo ma joogaayo ee wuu tagayaa, Daahir Rayaale ayaa inoogu awood badnaayoo far-baa lagu diray (Cod), laakiin haddii xoog lagu deyi lahaa muu tageen, Siilaanyo-na muu yimaadeen.”

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Axmed Xaashi Oday oo ka hadlayey Ururka Nafaqo iyo Shirkadda Maandeeq ee gacanta ku haya Kawaanka Xoolaha lagu qalo ee Caasimadda Hargeysa, waxa uu yidhi; “Horta anigu (Wasiir Oday), waan la xidhiidhaa Maandeeq inta itaalkayga ah-na dadka waan ku guubaabiyaa inay Xoolaha ku soo qashaan Kawaanka hilibka, sababtoo ah maanta Dunidu waxay maraysaa Xerada ilaa saxanka in la ogaado lana caafimaadiyo hilibka ay dadku cunayaan, Innagana waxaa la innooga baahan yahay inaynu ku dedaalno sidii ay dadkeennu hilib caafimaad qaba u cuni lahaayeen.” “Neefka aad gurigaaga ku qallato qiimo ahaan waxa kaaga jaban ka laguugu qallo Kawaanka Hilibka oo xitaa ka caafimaad badan.” Ayuu yidhi Wasiir Oday. Sidoo kale Wasiirku mar uu ka hadlaayey sida uu ugu caddaalad samaynayo bulshada reer Somaliland ee ay Wasaaraddiisu u adeegto waxa uu yidhi; “Horta Annaga qoladayadan KULMIYE waxaad mooddaa in aannu dadka ka yar degdeg badan-nahay oo meel walba waxaannu leenahay sow kuwii hore (UDUB) ma joogaan? Maxay u banneyn waayeen? Laakiin, waxaan idin ballan-qaadayaa hadday UDUB markay joogtey idinka bursan jirtay taasi way soo dhamaatay maanta, ka KULLMIYE tagaana idinka bursan maayo, waayo? Haddii ay dhacdo in KULMIYE-na idinka bursado waxba lama baddelin, laakiin bulshada caddaalad ayaa deeqda waanan idinku adeegaynaa Insha Allah.”Maalin dhawayd waxa ii yimid Nin UDUB-tii waa waynayd ah waxaanu igu yidhi Axmedoow waxaan doonayaa in aad ii keento kaadh aan Madaxtooyada ku galo, dabadeed-na waxaan ku idhi meesha haddaad galayso maxaa la baddelay.” Ugu dambayntii waxa uu Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday, waxa uu qalab kala duwan oo ah kuwa lagaga hawlgalo Kawaanka Qalliinka Xoolaha guddoon siiyey Xubnihii ka qayb galay Aqoon is waydaarsigaa oo Ururka Nafaqo qabtay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *