images/stories/muuqalka askarta amisom.jpgMuqdisho (ANN) Dagaalo ba’an iyo duqaymo ayaa maalintii sideedaad ka socda  magaalada Muqdisho, iyadoo ay   dagaallada Muqdisho ka socdaa u dhexeeyaan ciidamada dowladda KMG ah oo ay isbahaysanayaan ciidanka midawga Afrika ee  AMISOM, iyo kooxda Al-Shabaab, isla markaana waxa jira dhawaaqyo ay kooxda Al- shabaab ku sheeganay inay guulo ka gaadheen dagaalada maalmihii u danbeeyay ka socday halkaa, gaar ahaan dagaal maanta ka dhacay Woqooyiga Muqdisho.

 
Dhinaca kale waxa guulaha Al-shabaab sii xoojiyay afhayeenka ciidamada AMISOM oo sheegay in duqayn loo geystay madaxtooyada ay kaga dhinteen Askar, halka kuwa kalena kaga dhaawacmeen, isla markaana Madaxweynaha dawlada KMG Sh. Shariif ayaa baaq uu kaga codsanayo in loo soo gurmado u diray Beesha Caalamka, halka uu Madaxweynihii hore ee kooxda carta C/qaasim Salaad Xasan  ayaa isna maanta ku baaqay in la qabto shirweyne Soomaaliyeed oo lagu dhiso dawlad, isagoo ka cidsaday DKMG ah iyo AMISOM inay madaafiicda ka joojiyaan dadka shacabka ah.
“Saaka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladdu waxay isku dayeen inay weerar ku qaadaan fadhiisimo ay degamda Boondheere kaga sugnaayeen Mujaahidiinta si ay ugala wareegaan, jab ayaase ka gaadhay,” ayuu yidhi Sheekh C/casiis Abu-Muscab oo ah Af-hayeenka ciidammada ee Xarrakatul Al-Shabaab oo saxaafadda la hadlayay maanta.
Sidoo Af-hayeenku wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay haatan ku sugan yihiin goobihii ay dhawaan ka qabsadeen ciidammada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo ay dagaallo kula jiraan muddo toddobaad ka badan.
“Madaxtooyada waxaan saaka ku qaadnay weerar madaafiic ah, waxaan ku dilnay tobaneeyo askari oo Yugaandhiis ah oo ku jiray diyaargarow ay doonayeen inay ugu gurmadaan ciidamadii aanu  saaka dagaalka la galnay,” ayuu yidhi Abu-Muscab oo sheegay inay joojiyeen gebi ahaanba dhaqdhaqaaqii ay ku gurman lahaayeen.
Ma jiraan warar madaxbanaan oo lagu ogaanayo khasaaraha dagaalka maanta ee dhinaca dadka shacabka ah, balse waxa ilaa inta la ogyahay la sheegay  inay ku dhinteen ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayna ku dhaawacmeen 16-qof oo kale sida uu saxaafadda u sheegay Cali Muuse Sheekh oo ah madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ka shaqeeya.
Iyadoo aanay kooxda Al-Shabaab sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gadhaay dagaalkii ay maanta la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika oo ay sheegeen inuu ka dhacay inta u dhexeysa Hotel Jubba iyo Wasaarddii Boostadii iyo Isgaarsiinta ee dawladii somalia.
Hase yeeshee  Al- Shabaab ayaa saxafuyiinta maanta mar kale tusay mowlaca Macallin Nuur oo dhawaan ay ka qabsadeen kooxda dawlada taageerta ee Ahlu sunna Waljamaaca, kaasoo uu saaka sheegay Af-hayeenka Bilayska gobolka Banaadir C/llaahi Xasan Bariise inay dib ula wareegeen.
Colaadda Muqdisho ka taagan ayaa waxay gashay todobaadkii labaad, waxaana ku dhintay dad ka badan 100-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 200-qof, ilaa hadana ma  muuqdaan dadaallo lagu daminayo dagaalka.
Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Bridgiye Bo-hoku ayaa sheegay in Afar askari ay kaga  dhinteen duqeyn ay Kooxaha Mucaaradka u geysteen Xarunta Madaxtooyada maanta, sidoo kale wuxuu  xusay inay ka dhaawacmeen askar kale oo aanu  tiradooda sheegin.
Hadalka Afhayeenka Amisom ayaa wuxuu sii xoojinayaa war uu sii daayay Afhayeen u hadlay Xoogagga Al-Shabaab Shiikh C/casiis Abu Muscab, kaas  oo sheegay  inay askar ku dileen duqeyn ay u geysteen Xarunta Madaxtooyada  Soomaaliya maanta.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray kaga codsaday beesha caalamka inay gacan ka siiyaan dagaalka ay dowladdiisu kula jirto Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam.
 
“Sax maaha in Soomaaliya kaligeed lagu daayo ka hortagga Al-shabaab iyo jaalkooda Al-qaacida, maadaama  Soomaaliya kusoo jirtay 20-sano oo burbur, qas iyo jahawareer siyaasadeed ah,” ayuu Sheekh Shariif ku yidhi warsaxaafadeedka uu soo saaray.
 
Waxa kaloo uu ku sheegay qoraalka war saxaafadeedka  in weearkii hotel Muna ee dhacay 24-kii bishan laguna dilay 33-qof oo ay ku jireen xildhibaanno iyo saraakiisha ciidamada uu la mid yahay weerarkii ay Xarrakatul Shabaab ka geysatay dalka Uganda bishii hore, kaasoo ay ku dhinteen 76-qof.
 
Sidoo kale, wuxuu sheegay in kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamaya Soomaaliya iyo ururka Al-Qaacida oo ay xidhiidh  leeyihiin oo  ay usoo tafo-xayteen inay ku baahiyaan falalkooda argagaxisonimo ee ay ka wadaan Soomaaliya una gudbiyaan dalalka gobolka iyo kuwa caalamka.
 
“Xarrakatul Shabaab iyo saaxiibbadood Al-Qaacida waxay qorsheysteen inay xoojiyaan argagaxisonimada, carqaladda iyo xasilooni la’aan geeska Afrika oo caalamka intiisa kale,” ayuu mar kale ku sheegay hadalkiisa.
 
Sheekh Shariif, wuxuu intaa ku daray: “Dowladda Soomaaliya, waxaa ka go’an, dib-u-yag-leelidda sharciga iyo kala-dambeynta Muqdisho, iyo inay gaashaanka u daruurto Al-shabaab iyo kuwa taageera ee wata afkaaraha ku xidhan xag-jirnimada ee ay fidiniyaan,  Inkastoo ay jiraan culeysyo badan, waa inaanan illoobin in guushu ay u baahan tahay istaraatijiyad iyo dhabar-adayg.”. ayuu yidhi.
 
Wuxuu sheegay in dowladdiisu aanay  ka maarmi karin kaalmooyinka beesha calaamka, si ay uga hortago falalka uu ku sheegay argagaxisada ee ay wadaan kooxaha dowladdiisa ka horjeeda.
 
Mr. Shariif  oo farta ku fiiqaya walaaca uu qabo ayaa tusaale u soo qaatay hadal dhawaan ay xukuumadda Washington sheegtay kaasoo ahaa in Al-qaacida ay khatar weyn ku hayso Soomaaliya, marka la eego dalalka kale ee ay ka howlgalaan.
 
 “Dowladda Soomaaliyeed waxay wajahaysaa cadow la mid ah kuwa dalalka Afgaanistaan, Bakistaan iyo Ciraaq ay la tacaalayaan, waaba haddii aanay  ka khatar badnayn,” ayuu ku xusay qoraalkiisa  Sheekh Shariif, isagoo dhinaca kalena xusay in aanay dowladdiisu ahaysan taageero la mid ah,  ama u dhow kuwa ay dalalkaasi haystaan, sidoo kalena aanay lahayn ilaha dhaqaale ee ay dalalkaas leeyihiin.
 
Ugu dambeyn wuxuu qoraalkiisa ku yidhi : “Maadaama kooxa ka dagaalama Soomaaliya ay wadaan khatar isaga gudbaysa xuduudaha, waxay dowladda Soomaaliya ku celinaysaa dalabkeedii ahaa in lala soo gaaro taageero caalami ah.”
 

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo ku sugan dalka Masar ayaa ku baaqay in la qabto shirweyne ay ummadda Soomaaliyeed isku cafiso, laguna dhiso xukuumad cusub, isla markaana wuxuu ugu baaqay DKM AMISOM inay joojiyaan duqaynta rayidka, isagoo yidhi,
“Waxaan ugu baaqayaa dowladda iyo AMISOM inay joojiyaan duqeynta ay dadka shacabka ah ku dhimanayaan, sidoo kalena waxaan ugu baaqayaa dhinacyada kasoo horjeeda dowladda inay joojiyaan xabbada, taasoo ah midda keliya ee ay dalka looga saari karo AMISOM,” Dr. C/qaasim ayaa sheegay in mas’uuliyadda khasaaraha ka dhasha dagaallada socda ee dhibaatadiisu soo gaadhay  shacabka ay qaadi doonaan dhinacyada dagaallamaya, wuxuuna  ku nuux nuuxsaday  cambaarayn uu u jeediyay ciidamada  AMISOM oo uu sheegay in mas’uuliyadda dadka ay duqeymaha ku dilayaan ay qaadayso dowladda Soomaaliya.
Wuxuu ku baaqay inaan la sugin nabad ay dhaliso dowladda Soomaaliya, balse taas badalkeeda loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay iska cafiyaan wixii kala gaadhay tan iyo 1990-kii, hantidii la kala qaatayna la isku celinayo, ayna  sameystaan dastuur cusub oo ay raalli laga yahay iyo dowlad loo dhan yahay.
“Dowladda, AMISOM iyo kooxaha kasoo horjeeda ee Xisbul Islaam iyo Al-shabaab, haddii ay yeeli waayaan hadalka aan jeedinayo, waxay kooxdii adkaata howsheedu noqon doontaa inay xukunto sidii loo kala aasi lahaa dadka ay dileen,” ayuu yidhi Dr. C/qaasim oo wareysi khadadka taleefoonka ku siiyay warbaahinta Muqdisho.
Mudane C/qaasim oo ahaa madaxweynihii dowladdii TFG ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti ayaa sheegay in waxgaradka Soomaaliyeed oo dhan ay diyaar u yihiin inay gacan ka siiyaan kooxaha hardamaya sidii ay maamul ay u mideysan yihiin u sameysan lahaayeen.
Hadalka Dr. C/qaasim ayaa kusoo beegmay,   iyadoo uu hadal noocan oo kale ah uu maalin ka hor jeediyay danjire C/llaahi Axmed Caddow, kaas oo ahaa in lagu xallin karo colaadda Soomaaliya shirweyne guud oo Soomaalidu isugu timaaddo.
Dagaalada maalintii sideed ee bisha barakaysan ka socda Muqdisho oo galaaftay inay boqolaal qof ku dhintaan, isla markaana ay kumanaan qoys kaga qaxaan guryohooda ayaa u muuqda masiibo aan cidna u calaacalayn, isla markaana ma muuqdaan talaabooyin gurmad bini’aadanimo oo  lagu qaboojinayo dagaalka iyo wax gurmad ah oo dadka shacabka ah loo fidiyay toona. Iyadoo ay beesha caalamku indhaha ka lalinay dhibaatada haysata dadka shacabka ah oo ay ka aamusan yihiin dawladaha jaarka, gobolka iyo kuwa isku magcaaba beesha caalamka, marka laga reebo dawlada Ethopia oo iyadu doonaysa inay mar kale ciidamadeedu galaan gudaha Somalia, si ay ugu gurmadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG oo maalmihii u danbeeyay dagaalka socda la geliyay khatar.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *