Ceergaabo(Araweelo News Network) Bulshada Magaalada Ceergaabo ayaa si weyn ficil ugu muujiyay baahida loo qabo dhismaha wadada Ceergaabo, taas oo
la rumaysan yahay in ay wax weyn ka tarayso dhaqaalaha iyo horumarka gobolka iyo guud ahaan dalka, isla markaana meesha ka saaraysa go’doonkii mudada dheer uu gobolka sanaag ka gi’doonsanaa dalka intiisa kale.
Hase yeeshee dhowaan markii xukuumadda Somaliland soo bandhigtay qorshe lagu dhisayo wadadaa, ayaa noqday mid si weyn taageero dhaqaale uga hela bulshada gobolka Sanaag iyo guud ahaan bulshada gobolada kale ee Somaliland.
Kulan qaadhaan loo ururinayay dhismaha wadadaa oo magaalada Ceergaabo lagu qabtay todobaadkii hore, waxa layaab ku noqotay Masuuliyiinta xukuumadda ee uu hogaaminayay wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan sida ay bulshada Ceergaabo diyaarka ugu yihiin dhismaha wadadaa, iyadoo lacag boqolaal kun oo dolar ah lagaga dhawaaqay kulankaa, isla markana xoolo kumanaan gaadhaya oo isugu jira Geel iyo Adhi lagaga dhawaaqay goobta. Sidoo kale ay dadweynaha qaarkood balanqaadeen inay bixiyaan Daamur, taas oo la yaab ku noqotay Wasiirka Madaxtooyadda, wuxuuna isagoo ka dareen celinaya arrintaa yidhi, “wax weyn ayaa dareenkayga iska bedelay markaan arkay dumar silisyo dahab ah qoortooda kasoo furay oo kaga qayb qaatay qaadhaanka wadada, waxayna ahayd arrin si weyn farxad iyo yididiilo ii gelisay” ayuu yidhi Xisri Xaaji Cali.
Dhinaca kale Dadweynaha Magaalada Ceel Afweyn ee Gobolka sanaag ayaa ballan qaaday inay degmo ahaan dhisayaan 20KM oo ka mid ah wadada dheer ee isku xidhi doonta Gobolada Togdheer iyo Sanaag, waxyna dadweynaha Ceel-Afweyn kaga dhawaaqeen kulan ay ku yeesheen Magaalada Ceel Afweyn oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiinta degmada iyo xubnaha kale ee Golaha deegaanka oo ay wehelinayeen madax dhaqameedka deegaankaa qaarkood sida Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, Cheif Caaqil Cabdilaahi Aw- Aadan Jaamac, Cheif caaqil Cabdi Jaamac Ducaale, Caaqil Aadan Jaamac Faarax, culima’udiin, ganacsato iyo waxgarad kale ayaa la iskula qaatay in si weyn oo muuqata looga qayb qaato dhismaha wadada Ceerigaabo, isla markaana degmo ahaan ay dhisaan labaatan KM oo ka mid ah wadadaa.
Si kastaba ha ahaatee qorshaha dhismaha wadada Ceergaabo ee xukuumaddu soo bandhigtay, ayaa u muuqda mid si weyn bulshadu usoo dhowaysay, isla markaana, wuxuu qorshahani muujiyay inay bulshada Somaliland wax badan qabsankarto, waxayna tani meesha ka saaraysaa fikirkii inta badan bulshadu qabeen ee ahaa in aanay dadku waxba qabsan Karin ee ay Hay’addo iyo dalal shisheeye wax ka sugaan.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com