Bqarax Beledweyn1eledweyne(Araweelo News Network) Qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lala beegsaday Ciidamada AMISON ee ku sugan magaalada Beledweyne ee

 

Badhtamaha Somalia, kaas oo warar qaar sheegayaan in Ilaa hadda inta la ogyahay ay  dhinteen lix iyo toban qof oo u badan dad shicib ah, isla markana ay ku dhaawaxmeen ilaa labaatan qof ayoo kale.

Qaraxa ayaa wararka qaar sheegayaan in uu ka dhacay Maqaaxi  ku dhow xarunta maamulka iyo saldhig boliis, halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Ciidmada AMISOM ee Ethiopia iyo Djibouti ka jooga magaalada Baladweyne, kuwaas oo qayb ka ah ciidamada Afrika ee nabadilaalinta oo taageera dawlada Somalia.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Beledweyne oo lagu sheegay khasaaraha qaraxaa, balse  Sarkaal lahadlay Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in mid kamida ciidankooda oo istish-haadi ahaa uu howlgal ka fuliyay goob ay ku sugnaayeen ciidan wadajir ah bariga magaalada Beledweyne ah.

Sarkaalka u hadlay  Al Shabaab ayaa sheegay  in weerarkii maanta ay ku dhiteen dhowr iyo labaatan askar iyo saraakiil ah,13 askari oo ka tirsan ciidamada Ethiopia eek u sugan halkaa.sidoo kale uu qaraxaasi khasaare gaadhsiiyay ciidamada Djibouti eek u sugan magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale qaraxa ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay deegaankaa ka socdaan kulamo la doonayo in maamul loogu sameeyo magaalooyinka iyo degmooyinka gobolka, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ay deegaanka ku sugan yihiin masuuliyiin ka socda dawlada Federaalka oo wada qorshaha la doonayo in maamul loogu sameeyo deegaanka.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *