Hargeysa (Araweelo News Network)Guddida Nabadgelyada ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka warbixiyey falal dhaqan-xumo iyo amni-darro ah oo ay ku kacaan dhallinyarro

koox koox isku abaabulay, tallaabadaas oo ay sheegeen inay wax u dhimayso nabadgelyada iyo deganaansha Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, isla markaana ay tuhunsan yihiin in hay’addo ama cid kale dabada ka riixayso si ammaanka loo kha-lkhaliyo.

Guddida Nabadgelyada Golaha Guurtida oo shir-jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxay sheegeen in falalka dhallinyaradda magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Caasimada ku kacdo ay ka mid yihiin waxyaabo dhaqan-xumo ah oo aan hore loo arki jirin, kuwaas oo xusay inay Hargeysa ka dhacday in kooxo dhallinyaro ah xoog ku cuneen xeedhyo nin aroos ah loo geeyey, isla markaana ay jiraan in qaar ka mid ah dhallinyaraddu u daadaataan habeenkii guryaha, lana baxaan Hablaha yaryar si ay u fara-xumeeyaan.

Guddoomiyaha Guddi-hoosadka Arrimaha Nabadgelayda ee Golaha Guurtida Md. Axmed Muuse Obsiiye oo shirkaas jaraa’id ka hadlay, ayaa ka xogwaramay falal naxdin leh oo uu sheegay in dhallinyartu ku kacdo, isagoo  xusay in aanay dhallinyarta Somaliland dhaqan u lahaan jirin waxyaabaha ay hadda sameeyaan, balse uu tuhunsan yahay in cid kale ama hay’addo dabada ka riixayaan si ammaanka loo khalkhaliyo.

“Runtii caasimada Hargeysa maalmahan ugu dambeeyey wax ka dhacayey falal lidi ku ah ammaanka Somaliland, waxa soo baxay dhallinyaro habeenkii dadka reer Hargeysa dhib weyn ku haya oo haddii ay noqoto haween iyo dadwaynaba khaati ka taagan yihiin, habeen dhaweyd guri ku yaal xaafad ka dambaysa  Hudheelka Star ee degmada Maxamuud Haybe waxa ka dhacay in kooxo dhallinyaro ah oo kubbad soo ciyaaray ay u yimaadeen  nin aroos ahaa oo  loo keenay xeedhyo, waxay ku yidhadeen xoog ku keen xeedhiyihii oo xoog ku fur, halkiin baanay kooxdii dhallinyarta ahayd ku  ku cuneen xeedhyihii arooska loo keenay, iyadoo dadkii arooska joogayna iskaga baqeen inay la hadlaan dhallinyartaas weerarka sooq aaday. Waxaasi dhaqankeenna may ahaan  jirin, runtii dhaqankeennu waxa uu ilaalin jiray wax ka mid ahaa arooka, Culimada, Haweenka,  imika dhallinyaradani wax allaale iyo wax ay kala soo cayaan  ma jirto, dhallinyaradii dalku waxay noqotay in tahriibtay iyo in dhaqankoodu beddelmay oo dhaqan kale qaatay, dhallinyaradda waxa aannu leenahay xal idiinma aha xadhigu ee ka tanaasula waxyaabahaa aad samaynaysaan.

Waxa aad samaynaysaan ee dalka ku kharibaysaan ma aha wax fiican, dhallinyaradii waxay isku urursadaan koox koox oo dadkii ayey dhib gaadhsiinayaan, habeenkii waxa jira dhallinyaro inta ay albaabada iska furan oo guryaha u daadaan qaadanaya hablihii yaryaraa, arrintaasna waxaan u arkaa in ay dalka cid kale dhib ka waddo ama hay’addo ka dambeyaan ama cid kale oo dalka khalkhalgalinaysaa ay ka dambeyaan ayaad moodaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Arrimaha nabadgelyada ee Golaha Guurtida Somaliland.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed, kaasoo bulshada Somaliland ugu baaqay inay ka wadashaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa dhallinyartada koox-kooxda isku abaabusha ee dilalka ka gaysanaya xaafadaha madaalooyinka, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Wakhtiyadan dambe waxa soo kordhay dhibaatooyin dilal ah oo nabadgelayda wax u dhimaya oo ay gaystaan dad dhallinaayro ah oo koox kooxo isku ururrsada, runtii dalkeennu muu lahaan jirin  moobilo la dhaco, Kufis haweenka la kufsanyo, dilil iska nacsinmo oo dadka lagu dilayo, waxaannu halkan u fadhinaa in aannu bulshada Somaliland ugu baaqano in nabadgelaydu qof walba ay dan u tahay, cid gaar ah dan uma aha,  nabadgelayda dadku barigii hore way jeclaayeen, laakiin baryahan dambe dadku nabadgelayda kama shaqeeyaan, malaha dadku wixii ay soo mareen way iloobeen, waar nabadgalyada siddii loo ilaalin  jiran ha loo ilaaliyo, waalidanka dhalinyarada dhalayna  waxaannu leenahay carruurtiina la socda oo ogaada halka ay joogan iyo waxa ay sameynayaan,  iyaga oo dadka moobilada ka dhacay in aad tidhahdaan  masaajid ayey ku maqnayene ma ah, waa in booliska lala shaqeeyo oo wax laga qabto carruurta dhibka u gaysanaya dadka.”

Waxa guddida Nabadgelyada ee Golaha Guurtidu bulshada Somaliland ugu baaqeen inay iska kaashadaan, isla markaana hay’adaha ammaanka kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa falalka iyo dhaqan-xumada dhallinyartu kula kacday dadweynaha.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *