Maareeyaha-iyo-Tifaftiraha-Hubaal-475x190Hargeysa(Araweelo News Network) Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa Maanta  xukun iyo ganaax lagaceed ku riday Mareeyaha wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) ku xukuntay  oo ay ku xukuntay hal sano oo xadhig ah

 

iyo laba milyan oo lacagta Somaliland oo ganaax ah, halka Tifaftiraha wageyska Xasan xuseen (Xasan Keefkeef) lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah iyo laba milyan oo ganaax ah, iyadoo wageyska la sheegay inay xayiraadu saarnaadoonto illaa inta ka dhamaysanayaan xadhigoogga. Sidaana waxa ku dhawaaqay Garsooraha kiiska dacwada gacanta ku hayay.

 

 

Garsoore Cismaan Ibraahin Daahir oo ah garsooraha xukumay masuuliyiinta wargeysa Hubaal, ayaa sheegay inay wargeyska Hubaal ku cadaatay inuu aflagaadeeyey madaxweynaha Somaliland iyo safaarada wadanka Ethiopia  ee magaalada Hargeysa. “Xasan Xuseen Cabdilaahi oo ah tafatiraha wargeyska Hubaal waxay maxkamadu ku xukuntay laba sano oo xadhig ah iyo laba milyan oo ganaaxa, tafatiruhuna waa ninka qoraalka sameeya ee wixii ceeba iyo waxan ahayn kala saara, Maxamed Axmed Jaamac oo ah maareeyaha guud ee wargeyska Hubaal waxay maxkamadu ku xukuntay hal sano oo xadhig ah iyo laba milyan oo ganaaxa”ayuu yidhi garsoore Cismaan Ibraahim Daahir oo ka hadlayey xukunka ay ku riday labadan masuul ee wargeyska Hubaal.

“Danbigan aanu ku qaadnay wargeyska waxa weeye inuu aflagaadooyin iyo been abuur ku sameeyey xukuumada, iyo dad kale, waxaana ka mida inay sheegeen in safaarada wadanka Ethiopia ay khamri soo galiso wadanka taas oo ah been ah, waxa kale oo ka mid ah inay wax ka sheegeen xukuumada Somaliland iyo madaxda ugu saraysa qaranka, sidaas darteed anaga oo cuskanayna qodobadda 287 iyo qodobo kale wargeyskaas danbigii wuu ku cadaaday,” ayuu raaciyey hadalkiisa, waxaanu intaas ku daray “ Dacwadan waxa ka hadlay laba daraf kuwaas oo kala ahaa xeer ilaalinta iyo qareenka eedaysanayaasha,kuwaas oo qolana danbiga oogaysay qolada kalana iska difaacaysay, sidaas darteed qareenka eedaysanayaashu iskamay rogin eedayntii loo soo jeediyey, wargeyskana lagama qaadanayo xayiraada, balse waxa laga qaadanayaa marka ay dhamaysteen xukunkooda.”

Dhegeysiga Dawcada Wargeysaka Hubaal oo maalmahan ka socotay Maxakamadda gobolka Hargeysa ayaa si lama filaana maanta garsooraha gacanta ku hayay kiiska ugu dhawaaqay xukun uu jeebka kala soo baxay, kaas oo aan waafaqsanayn sharciga iyo nidaamka cadaaladda iyo garsoorka, isla markaana baalmarsan madaxbanaanida garsoorka. Kadib markii masuuliyiinta qaab shirqool ah loola dhaqmay si ay saaka uga soo xaadiraan Maxkamadda, iyadoo Garsoore Cismaan Fanax oo kiiskaa gacanta ku hayay si lama filaana ugu dhawaaqay xukunkaa ugu dhawaaqay. Dhawaaqa xukunka Maareeyaha Wargeyska Hubaal iyo Tafaftiraha, ayaa si weyn loo canbaareeyay, waxaana ka hgadlay markiiba Qareenadau dooday iyo Hoghayaha Ururka Suxufiyiinta SOLJO.

 

 

Dhinaca kale, Xoghaya guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, ayaa sheegay in ururka suxufiyinta Somaliland ay canbaaraynayaan xadhiga lagu xukumay masuuliyiinta wargeyska Hubaal.

“Waxaanu aad u canbaaraynaynaa oo aanu  ka soo horjeednaa  xukunka cadaala darada ah ee lagu qaaday wargeyska Hubaal oo maalintii labaatanaad xidhan iyo tafatirihii iyo maareeyihii oo lagu xukumay laba sano iyo hal sano, kuwaas oo lagu qaaday xeerka ciqaabta oo aan ahayn xeer madaniya”ayuu yidhi xogyaha ururka saxaafadda, waxaanu intas ku daray “Suxufiyiintu waxay xaq u leeyihiin in lagu qaado xeerka madaniga ah iyo xeerka saxaafada Somaliland ee dalka u yaala,maaha macquul in la yidhaa wargeyska ayaa labaatan cisho xidhnaanaya,dadkii laayeyna way maqan yihiin.”

Sidoo kale Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in xukunkani aanu ahayn mid cadaaladda ku dhisan, isla markaana ay ka qaadanayaan racfaan.

Dhacdada xukunka wargeyska Hubaal ayaa ah mid ku cusub dhaqanka Hay’addaha Garsoorka iyo Cadaaladda Somaliland, taas oo la yaab ku noqotay bulshada markii ay maqleen qaabka uu xukunkaasi u dhacay oo raad foolxun ku yeelandoona mustaqbalka xoriyada saxaafadda Somaliland iyo hanaanka nidaamka geedisocodka dumuqraadiyadda.

Iyadoo xukunka noocan ahi kusoo beegmay masuuliyiinta  Wargeyska Hubaal oo dhacdadii foosha xumayd ee weerarkii 24 April lagu soo qaaday Xarunta Wargeyska. Kadib markii  laba nin oo afka soo duubtay, isla markaana ku hubaysan Baastoolado iyo Tooriyo goor caweys habeenimo ah soo weerareen xarunta,  kuwaas oo mid ka ahi noqday askari booliska, isla markaana dhaawac u geystay Maareeyaha Wargeyska Hubaal, balse aan la ogayn halka ay mariyeen Xukuumadda iyo  Hay’addaha garsoorku.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *