Axmed Madoobe1Kismaayo(Araweelo News Network) Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo ka mid ah dhawr hogaamiye oo mid walba sheegtay in isaga lagu doortay  shirkii Kismaayo ka socday mudada dheer ee la doonayay in maamul loogu sameeyo

Jubbooyinka ayaa ka hadlay mawqifkiisa go’aanka madaxda IGAD ee arrimaha Jubbooyinka.

Axmed Madoobe oo ku doodaya in isaga loogu  doortay madaxweynaha maamulka Jubaland shirkaa ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo war-murtiyeedka ka soo baxay madaxda ururka IGAD ee ku baaqayay in dowladda Somalia ay u qabato dhinacyada Jubbooyinka shir dib u heshiisiineed si loogu dhiso oo maamul ku meel gaadh ah.

Balse waxa uu Axmed Madoobe sheegay in Jubooyinka uu maamul u dhisan yahay,  isla markaana aanay oggolaan doonin in maamul cusub mar kale la soo dhiso, wuxuuna xusay in shirka IGAD ku baaqday ee dowladdu ay hormuudka ka noqon doontaa uu yahay mid lagu dhammeystiri doono maamulka ay iyagu hore u dhiseen ee uu Madaxweynaha u yahay. Laakiin aanu ahayn mid mar kale maamul cusub lagu dhisayo, taas oo haddii ay dhacdo uu sheeegay in aanay aqbalayn.

Axmed Madoobe waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi uu maanta 25 May 2013, siiyay Idaacada Maraykanka laanteeda  Af-soomaaliga ee VOA, isagoo  oo dhinaca kale dowladda Federaalka ku eedeeyay inay qas ka wado gobollada Jubbooyinka,  isla markaana ay ka danbeyso maamullada lagaga dhawaaqay Kismaayo, wuxuuna sheegay in wixii dhibaato ee Kismaayo ka dhalata ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonto dowladda Soomaaliya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *