bre1Lughaya(Araweelo News Network) Shil gaadhi oo ka dhacay duleedka Lughaya ee wadada isku xidha Djibouti iyo Somaliland  ee dhinaca

 

Xeebta ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Haweenay magaceeda lagu sheegay  Aamina Maxamed Cabdi, isla markaana u dhalatay dalka Djibouti  ayaa ku dhimatay shilka Baabuurkaa, waxaana  dhaawac halis ah ka soo gaadhay sedex qof oo ka mid ahaa rakaabka saarnaa gaadhiga, kuwaas  oo  magacyadoodu lagu sheegay Axmed Xaamud, Khaalid Jaamac iyo Nasriin Maxamed Xasan.

Sidoo kale Afar qof oo kale oo ka mid ahaa Rakaabka ayaa dhaawacyo fududi soo gaadheen,  sida uu warbaahinta u xaqiiyay Maayarka Degmada Lughaya C/llaahi Cali Nuur oo isaga iyo masuuliyiin kale gurmad ugu tagaan goobta shilku ka dhacay  oo qiyaastii 8 Km u jirta Lughaya.
Maayarka lugahaya ayaa sheegay in Gaadhigu u socday dhinaca dalka Djibouti oo ka tegey Magaalada Hargeysa ka hor intii aanu shilkaasi dhicin, wuxuuna xusay inay dadkaa dhaawaca ah geeyeen MCH ku yaal Lughaya oo lagu dawaynayo, balse waxa uu sheegay in aanay maamul ahaan awoodin inay dadkaa adeegyada gurmadka caafimaad ee ay u baahan yihiin ka helaan Degmada Lughaya oo sida uu sheegay aan awoodi Karin. Sidaa awgeed loo baahanyahay in gurmad ay ka helaan wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo xukuumadda dhexe.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *