Hargeysa(Araweelo News Network) Xukuumadda Somaliland ayaa hawadeeda iyo Garoomadeeda ka madnuucday inay soo maraan ama ka soo degaan, ama ka duulaan Diyaaradaha qarramadda Midoobay
laga bilaabo Lixda Subaxnimo ee Berto ee 15-ka Bishan May.
Sidaana waxa ku dhawaaqay Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, isagoo daba socda go’aan ay Qaramada Midoobay ku hoosgeysay Maamulka Hawada iyo Garoomada Somaliland dawlada Somalia.
Wasiirka Duulista iyo Hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo jawaab ka bixinaya talaabada Qaramada Midoobay ayaa si adag u sheegay inay dawladiisu joojisay xidhiidhkii ay Qaramada midoobay kala lahayd Maamulka Hawada Somaliland, wixii hada ka danbeeyana ay toos u maamulayso Hawadeeda, isla markaana ay meesha ka saarayso iskaashi kasta oo qaramada midoobay ay kala lahaayeen Maamulka Hawada Soomaaliya.
Wuxuuna qaramada Midoobay ugu baaqay inay ka fiirsadaan go’aanka ay qaateen oo sida uu sheegay meesha ka saaraya dhexdhexaadnimadii , isla markaana waxa kale oo uu ka digay inay cawaaqib xumo ka dhalanayso haddii muran iyo khilaaf laga abuuro Maamulka Hawada Soomaaliya.
Sidoo kalena ay talaabadani wax weyn u dhimayso wadahaladii u dhexeeyay dawlada Somaliland iyo dawlada Somalia.
Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu si kulul u cambaareeyay go’aanka ay Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa Maamulka Hawada Soomaaliya ugu wareejisay Dawlada Federaalka ah, taas oo uu ku tilmaamay mid gef ku ah Qaranka somaliland, dhaawacaysana degenaanshiyaha iyo Iskaashiga Qoomiyadaha Somalida, siiba somaliland iyo Soomaaliya oo 22 sanadood ka hor noqday laba dawladood oo siman waa sida uu hadalka u dhigaye “Ma aqblayno in Hawada Somaliland laga maamulo Muqdisho, talaabada ay qaramada midoobay qaadayna waanu cambaareynaynaa, mana ah mid aanu u hogaansamayno”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland.
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa fariin culus u diray beesha Caalamka, isagoo yidhi, “Somaliland way la garnaqasanasaa Beesha Caalamka, waana ka garhelaysaa, Somaliland nabada way taqaanaa, Coolada waa taqanaa, labadaa kii lagula dhaqmo ayuunbaanay ku taagantahay”.
Dhawaaqa Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi , ayaa daba socda hadal ka soo yeedhay Wasiirka Hawada gaadiidka Dhulka Soomaaliya Mr Ciil-mooge ku shaaciyay in si rasmiya loogu wareejiyay dawlada federaalka Maamulka Hawada Soomaaliya oo ay somaliland ku jirto, ka dib qoraal uu raysal wasaaraha Soomaaliya u qoray qaramada Midoobay oo lagu dalbaday in lagu soo wareejiyo Maamulka Hawada Soomaaliya.