Washington(Araweelo News Network) Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdigiisa oo weli ku guda jira socdaal ay ku joogaan dalka Maraykanka ayaa la kulamo la yeeshay

 

Madaxda sare ee State Department-ka, Maalqabeeno Maraykan ah oo danaynaya inay maalgashadaan Somaliland.

 

Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu kulamo la yeeshay Madaxda Ha’yadda USAID ee dhinaca Caawimooyinka iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka, kuwaas oo kulamo iyo casuumado sharaf u sameeyay Madaxweynaha Somaliland  iyo wefdiga uu hogaaminayo.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa kulankii ugu danbeeyay xalay la yeeshay Masuuliyiin ay hogaaminay Wendy Sherwin oo ah Haweenayda Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada ee Maraykanka.

Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha Madaxweyne Siilaanyo iyo Masuuliyiinta arrimaha Debeda iyo State Department-ka ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan arrimaha iskaashiga.

 

Madaxweynaha Somaliland  ayaa ka dalbaday dawlada Maraykanka in  ay Somaliland ka caawiso sidii ay xubin sharafeed uga heli lahayd Ururada IGAD, AU, UN Iyo kuwa kale ee ay u rakaan inay lagama maarmaan tahay inay golayaashooda kaga hadlaan qadiyadooda.

 

Dhinaca kale Marwo Shermin Iyo Don Yamamto oo ah madaxa qaybta Africa u qaabilsan wasaaradda arrimaha debeda Maraykanka ayaa u xaqiijiyay Wefdiga Madaxweynaha Somaliland in xidhiidhka Somaliland iyo USA aanay wax isbedel ah Ku keeni doonin aqoonsiga ay  dawlada USA aqoonsatay Somalia.

Sidoo kale waxa kulankaa lagu soo qaaday qorshe dawlada Maraykanku ku doonayso in ay saldhig dhinaca Cirka ah ku yeelato Somaliland, taas oo Madaxweyne Siilaanyo sheegay  inay diyaar la yihiin heshiis dhinaca nabad-gelyada ah oo cusub, kaas oo labada dhinac Somaliland iyo Dawlada Maraykanku mustaqbalka dhow wada fulin doonaan.

 

Haweenayda wasiir ku xigeenka ka ah arrima dibeda Marwo Shermin ayaa u sheegtay weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo in Maraykanku ka caawin doono Somaliland doorashada soo socota Iyo waliba caawimadii sannadlaha ahayd ee ay hore u bixin jireen oo ay Kor u Qaadi doonaan hada wixii ka danbeeya, isla markaana waxa ay xustay inay door mihiim ah ka qaadanayaan sanduuqa caawimada Somaliland.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigii uu hogaaminaayey ayaa xalay kulan casho Sharaf ah ay u sameeyeen Ganacsato waa weyn oo ay hogaaminayeen gudiga ganacsiga heshiiyada caalamiga ah ee ( Business Council For International Understanding ), oo  loo soo gaabiyo (BCIU), kuwaas oo madaxweynaha iyo weftigiisa ugu sameyey casha sharaf Hotelka weyn ee Willard Hotel.

 

Kulankaa ayaa lagaga hadlay sidii Somaliland maalgashi loogu samayn lahaa, iyadoo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo  u bandhigay ganacsatadaa  sida ay u danaynayaan in ay Somaliland ku yeeshaan maalgashi ay ku sameeyaan khayraadka dihin ee Somaliland hodanka ku tahay.

 

Madaxweynaha Somaliland  iyo wefdigiisa ayaa  uga mahadnaqay  ganacsatada Maraykanka  iyo Ururkaa sida ay kulankan balaadhan ugu sameeyeen ee ay u danaynayaan in ay iskaashi ganacsi iyo mid maalgashiba ay la yeeshaan Somaliland, isagoo Madaxweyne Siilaanyo u sheegay in  Somaliland tahay dal nabad iyo Dumuqraadiyad  taami ah, balse loo baahanyahay inay ka faa’idaystaan khayraadka dihin ee Somaliland.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *