Hargeysa(ANN) Golaha Guurtida Somaliland ayaa si lama filaan ah u korodhsaday mudada ay sii joogayaan, iyagoo sidoo kalena u kordhiyay mudada golaha kale ee Wakiiladda Somaliland.

Kulan fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha Guurtidu maanta ku yeesheen hoolka fadhiyada ee dhismaha Baarlamaanka waxay ku meel mariyeen in ay mudo laba sanandood ah  korodhsadaan, iyagoo sidoo kalena laba sanood u kordhiyay golaha wakiiladda Somaliland.
Fadhigaa oo ay kasoo xaadireen 71  Mudane oo ka mid ah 82 xubnood ee goluhu ka koobanyahay, waxa kaloo lagu doortay Gudoomiye xigeenka koowaad kadib markii uu dhowaan geeriyooday Marxuum Sh. Axmed Nuux Fure oo ahaa gudoomiye xigeenka koowaad ee golahaa, isla markaana ka mid ahaa Odayaasha ugu caansan aqalka wakiilada.

Guddomiyaha Golaha Guuritda Saleeban Maxamud Aadan  gudoominayay fadhiigaa, waxaana  Cod Aqlabiyed ah loogu Codeyey Siciid Timaweyne inuu noqdo gudoomiye xigeenka Koowaad, halkaa hore ka ahaa gudoomiye xigeenka labaad ee golaha, waxaana ogolaaday gudoomiye xigeenka koowaad  69 Mudane, hal mudane  ayaa ka aamusay mana jirin cid diiday.
Doorashada Gudoomiye xigeenka koowaad ka dib waxa kusoo kordhay tirada mudanayaasha hal mudane, taas oo ka dhigtay 71Xildhibaan, waxayna markaa ka dib cod ku meel mariyeen inay mudo laba sanood ah oo ka bilaabmay  horaanta 2014, maalinta xilkoodu dhamaado ku darsadeen mudada ay sii joogayaan golaha, iyagoo sidoo kalena  u kordhiyay golaha wakiiladda mudo laba sanood ahudoomiyaha ee Maanta ayaa Waxaay Muddo Labba Sanno ah u kordhiyeen Golaha Wakiilada oo Muddo Xilloodkoodii ku egyahay Bisha May 2013 ee Sandkan.

Dhinaca kale talaabada mudada xilalka golayaasha Baarlamaanku korodhaseen ayaa noqonay markii labaad ee ay dhawr sanadood isu kordhiyaan tan iyo 7 Sep 2010, waqtigaa oo Madaxweyne Siilaanyo usoo qoray maalin ka hor qoraal uu kaga dalbaday in mudada loo kordhiyo golayaasha si doorashada golayaasha deegaanka oo mudo dhaaf ahaa shan sanood, isla markaana uu xiligaa soo dhowaday dhamaadka mudada golaha wakiilada oo markii u horaysay mudo shan sanood ah la doortay 2005, balse golaha guurtida oo isagu tan iyo shirkii 1997 mar walba ku jiray mudo korodhsi iyo inuu mudada u kordhiyo xukuumaddihii soo maray Somaliland tan iyo xiligaa.

Dhinaca kale Talaabada golaha guurtidu maanta ku korodhsaday mudada xilka, isla markaana ugu kordhiyay golaha wakiiladda ayaa u muuqata mid si weyn loo bartay xiliggii xukuumaddii Daahir Rayaale oo xaalkeedu ka bixi waayay mudo korodhsi, taas oo ugu danbayntii sababtay muran iyo khilaaf dheer oo siyaasadeed ka dib in doorasho u muuqatay gedood xukunka lagaga tuuray, iyadoo maucaaradkii uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo waqtigaa ku guulatyteen doorashadii.

Hase yeeshee talaabada hada ee golaha ayaa u muuqata mid si cad u muujinay in mudo koridhintii lagu bartay xukuumaddii Daahir Rayaale ay mar kale dib u miciinsatay xukuumadda Siilaanyo, isla markaana ay tani noqonay mid soo afjarta doorashooyinkii la filayay ee waajibka dastuuriga ku ahaa xukuumadda Madaxwyene Siilaanyo, iyadoo dhinaca kalena ay talaabada guurtidu kusoo beegantay xili doorashadii golayaasha deegaanka ee sanadkii hore ka dhacday dalka ay sababtay  in natiijadeedu noqoto in aanay jirin axsaab mucaarad ah oo awood leh. Kadib markii ay tartankii ururada kusoo baxeen xisbul xaakimka iyo labada xisbi ee UCID iyo WADDANI oo midig iyo Bidix u noqday xukuumadda, taas oo meesha ka saartay muuqaalka axsaab mucaarad ah oo taagan saaxada siyaasada.

Sidoo kale talaabadan ayaa u muuqata mid ay daba socoto mudo kordhin  xukuumadda Madaxwyne Siilaanyo loo diyaarinayo marka la gaadho mudada xilkeeda oo ku eeg bisha May 2015.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *