Madaxweyne Siilaanyo Oo Socdaal Isaga Gudbaya London Iyo WashingtonLondon(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa u boqoolay dhinaca dalka Maraykanka kadib markii ay dhamaadeen

wadahadaladii Somaliland iyo Somalia ee dalka Turkiga.
Madaxweyne Siilaanyo iyo Marwadiisa ayaa ka degey xalay saqbadhkii Magaalada London, iyagoo usii jeeda dhinaca dalka Maraykanka, wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo magaalada London kusii hakan doono mudo laba maalmood ah.

 

Dhinaca kale  Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirul dawlaha Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa u baxay shalay xarunta dalka Ethiopia ee Addis Abba, halkaas oo ay kaga qaybgelayaan qaadhaan bixiyayaasha ah oo lagu qabanayo halkaa.
Sida uu saxaafada u sheegay shalay Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta la hadlay, waxa uu xusay inay usii gogol xaadhayaan Madaxweynaha safarkiisa dhinaca dalka Maraykanka oo Madaxweyne Siilaanyo.
“Waxaanu Aniga (Wasiirul dawlaha), Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiirka Macdanta iyo biyuhu aanu safar ku tagi doonaa dalka Maraykanka, iyadoo aanu ugu sii gogol xaadhayno safarka madaxweynaha Somaliland dhawaan ku tagi doono dalkaasi oo uu madaxweynuhu marti-qaad rasmi ah ka helay.
Inta aanaan u ambo-bixin Maraykanka waxaanu dalka Ethiopia kaga qeyb geli doonaa shir caalamiya oo aanu kula kulmi doono Ha’yadaha DFID Iyo DANIDA oo maal-gelinaya sanduuqa mucaawimo ee Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Qorsheyntu.

Dr. Sacad waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu halkaasi ku kala saari doonaa shirkadaha maamuli doona gacan ku haynta maamulka sanduuqaasi.”

“Shirkaasi ka dib waxaanu u ambo-bixi doonaa dalka Maraykanka oo aanu gogol xaadh u noqon doono socdaalka Madaxweynuhu ku tagi doono wadankaasi oo uu marti-qaad ka helay,”ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *