Ankara (ANN)Bilawga gogol xaadhka  wada hadalada Somaliland iyo Somalia ayaa maanta si hordhac ah uga furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo ay ku suagn yihiin wufuud ka kala

socota labada dal ee Somaliland iyo Somalia.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee ka imanaya Istanbul, waxa halkaa gaadhay  wefdiga Somaliland ee uu hogaaminyo Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdi wasiiro iyo xildhibaano ah oo ka socda Somalia, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda gaadho Turkiga si uu uga qaybgalo kulanka wadahadalada.

 

Kulanka gogol xaadhka u ah wadahalada labada dhinac oo ay gudoominayeen Saraakiil wasaaradda Arrimaha Debeda Turkiga ka socday ayaa lagu magcaabay gudi ka kooban toban xubnood oo metelaya labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia, kuwaas oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano, balse dhinaca Somaliland uu xubnaha gudida ku jiro Gudoomiyaha xisbiga Mucardka UCID.

Waxayna xubnaha labada dhinac iyo magacyadoodu ka yihiin sidan:-

Gudida Somaliland

 

Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar (Guddoomiye)

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan

Wasiirka shaqadda Maxamuud Barre (Garaad)

Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe

 

Gudida Soomaaliya

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Kariim Guuleed (Guddoomiye).

Wasiirka Madaxtooyadda Faarax Sh. C/Qaadir

Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Xubin Baarlamaan.

Maxamuud Xayir Xubin Baarlamaan.

Khaalid Cumar Cali Xubin Baarlamaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *