IMG_0560Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti heer qaran ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta u boqoolay  dalka Turkiga, halkaas  oo loo qorsheeyay inay ka dhacaan

 

wadahadalada Somaliland iyo Somalia ee wejigii labaad oo  ka dhashay  go’aankii beesha Calamka shirkii Britain Feb 2012.

Madaxweyne Siilaanyo oo warbaahinta la hadlay ka hor intii aanu Maanta ka dhoofin Madaarka Magaalada Hargeysa ayaa sharaxad kooban ka bixiyay  ujeeddada shirka iyo nooca ay yihiin  wadahadalada ay yeelanayaan Madaxda Somalia, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaanu maanta u baxaynaa dalka Turkiga oo la noogu martiqaaday wada hadal u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, inaga siyaasadeenu waxay ahayd goor walba, mar kasta in meeshii danta Somaliland lagaga hadlayo ee danta iyo maslaxadu noo tilmaantana waanu tagaynaa. Way jireen wada-hadalo badan oo aynu ka qayb-galnay, meelo aynu ka gows qabsanayna way jiraan  oo ay sabab u ahayd  inay inoo cuntami waayeen.” Ayuu yidhi.

 

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo tilmaamaya waxa ay la tegeyaan miiska wadahadalka iyo wefdiga ku weheliya socdaalka ee ka qaybgelaya wadahadalada wuxuu yidhi, “Turkiga ayaanu  tegeynaa waxaana inoo furmaya wada hadaladii, madax  badan oo raysal-baarlamaanku ka mid yahayna waanu ku tagaynaa iyo masuuliyiinta axsaabta. Waxaanu rajaynaynaa inaanu halkaa wixii qadiyadeena ah gaadhsiino oo aanu dunida gaadhsiino, inaynu shirarkaa tagnaana danteena ayaa ku jirta.

 

Cidda qadiyadeeda iyo madax-banaanideeda inay dunida gaadhsiiso la doonayaana waa inaga, taana mar walba diyaar-baanu u nahay in aannu qaran ahaan u dhamaano xisbiyada haddii aynu nahay iyo haddii aanu dawladda nahayba, markaa waxaanu rajeynaynaa inaanu guul kala soo noqono,”ayuu yidhi.

Madaxwayne Siilaanyo oo la waydiiyey inuu bulshada u sharaxo ajandaha shirka Turkiga waxa uu yidhi, “Ajandihiisa cadaan lanoogama dhigin oo wax kow iyo laba aan odhan karayo maaha, laakiin waa Somaliland iyo Soomaaliya oo la wada-hadalsiinayo, laakiin Soomaaliya waxay doonaysaa in laga mid noqdo, Somaliland-na waxay doonaysaa in madax-banaanideeda dunidu ictiraafto oo ay ogolaato.” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale Safarka Madaxweyne Siilaanyo iyo  Afar wasiir oo kala ah Wasiirrka  Arrimaha dibadda, Madaxtooyadda, shaqada iyo arrimaha bulshadda, Cadaaladda, waxa ku biiraya labada Guddoomiye ee Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE oo ku maqan safaro debeda ah, isla markaana Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa isagu ka raacay Hargeysa wefdiga Madaxweynaha.

Shirka wadahadalada Turkigu marti geliyay ayaa mudooyinkii u dabeeyay dood ka abuuray saaxada siyaasada Somaliland, iyadoo axsaabta Mucaaradku hore u sheegeen in aanay ka qaybgelayn shirkaa, balse mawqifkii axsaabta mucaaradka ayaa is bedelay, waxayna ugu danbayntii go’aansadeen inay ka mid noqdaan wefdiga dhinaca Somaliland  ee ka qaybgelaya wadahadalada Turkiga

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *