Hargeysa(ANN)Kulan salka ku haya khilaafka ka taagan qabashada shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, ayaa shalay ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, kulankaa oo aan si cad loo ogayn, ayaa

 

u dhexeeyay  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xubno ka tirsan xukuumadda  iyo hogaanka xisbiga Kulmiye.

 

Hase yeeshee labada dhinac ayaa isku mari waayay khilaafka lagu kala aragti duwanyahay shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo qorshihiisu ahaa in la qabto Bisha April ee fooda inagu soo haysa, balse dib loo dhigay mudo aan la cayimin iyo shirweynaha Xisbiga oo todobaadkii hore qoraal hoganka Kulmiye soo saareen ku sheegeen in dib loo dhigo ilaa Bisha Desembar ee dabayaaqada sanadkan , taas oo ka cadhaysiisay Kooxda Wasiiradda ah ee uu hogaamiyo  Sheekh C/casiis Samaale, kuwaas oo loolan adagi u dhexeeyo Hogaanka Xisbiga ee Kornaylada Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin.

Sida ay sheegayaan xoggo ay shebekada araweelonews ka heshay kulankaa Madaxweyne Siilanyo ayaa isku deyay inuu labada dhinac isu soo dhoweeyo ayaa laysku mari waayay dood adag oo dhexmartay labada dhinac, iyadoo kooxda Wasiiradda ee C/casiis Samaale oo wata Gudoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel ay ku doodeen in dib u dhigista shirweynaha iyo mudada la qabanayo shirka golaha laga ansixiyo fadhi laysugu yeedho xubnaha golaha dhexe, balse waxa arrintaa dhinacooda ku gacansaydhay hogaanka Xisbiga, taas oo sababtay in lagu kala kaco fadhigaa.

Hase yeeshee sida ay sheegayaan xoggaha shebekada araweelonews ka heshay arrintaa waxa mar danbe xalay qasriga Madaxtooyada looga yeedhay Garyaqaanka Guud ee Qaranka Ibraahin Iidle iyo xubin kale oo sharci yaqaan ah, kuwaas oo Madaxweyne Siilaanyo doonayo inuu hordhigo sharciyada iyo xeerarka Ururku waxay ka leeyihiin arrimahaa, balse lama ogga jawaabta ay ka bixiyeen arrintaa labadaa sharci yaqaan, kuwaas oo la rumaysan yahay in aanay kaxidhiidh fogayn kooxda wasiiradda ee uu hogaamiyo C/casiis Samaale oo geed dheer iyo mid gabanba u fuulay sidii ay daaqada uga saari lahaayeen Kornaylada hogaamiya Xisbi xaakimka Kulmiye.

Si kastaba ha ahaatee waxay taageerayaasha xibiga Kulmiye iyo qaybo kale oo ka mid ah Bulshadu indhaha ku hayaan waxa kasoo baxa kulamadaa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *