Nairobi(ANN) Natijada hordhaca ah ee doorashada dalka Kenya ayaa sheegaysa inuu codadka inta badan oo la tiriyay uu hogaaminayaan laba  musharaxa ee Uhuru Mr Raila Odinga oo ka sharaxan xisbiga CORD.

Sida ay sheegayaan warbixinaha hordhaca ah  25 boqolkiiba tirada ilaa hada la hayo ayaa ka hadhay kala badh codadka la dhiibtay taas oo u dhiganta 47-ka gobol ee dalka, waxaana 25.80% oo la hayo natiijadooda uu musharaxa Uhuru Kenyaata ka helay codad dhan 1, 577, 085, taas oo u dhiganta 54.87per cent, halka Musharaxa sida weyn tartanku uga dhexeeyo ee Raila Odinga uu helay ilaa hada codadkaa  1, 165, 192  (40.54 per cent), iyadoo musharaxa kale ee Mr.  Amani’s Musalia Mudavadi uu helay codad gaadhaya  83, 560 (2.91 per cent), balse musharaxiinta kale ee tartanka kula jiray ayaa helay wax ka yar 1 per cent, marka la eego tirada hordhaca ah ee ilaa hada la hayo.

Hase yeeshee waxa la filayaa in natiijada hodhaca ah ee rasmiga ah lagu dhawaaqo saacadaha soo socda, iyadoo la saadaalinayo in codadka yar ee uu hada ku horeeyo Uhuru ay meesha ka bixi doonaan marka la gaadho natiijada, balse saadaal kale ayaa sheegaysa in labada musharax ay codad yar ku kala guulaysanayaan, waxayna taasi muujinaysaa tartanka weyn ee u dhexeeya labada musharax.

dadka codkooda bixiyay doorashada dalka Kenya ayaa lagu qiyaasay  171, 688, iyadoo ay ku tartamayaan sideed musharax oo u tartamaya hogaanka dalka. Goobaha natiijadooda la helay markiiba ayaa ah 8, 248, kuwaas oo ka mid ah 23, 000 goobood oo ay guud ahaan ka kooban yihiin.

shebekada Araweelonews.com kala soco natiijada doorashada kenya

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *