Muqdisho(ANN)Amiirka Xarakada Al-Shabaab Sh.Mukhtaar Abu  Zubeyr (Axmed Goddane) ayaa fariin u diray dadka Reer Kenya, isagoo ugu baaqay inay Muslimiinta Kenya qaadacaan doorashada oo ay galaan Jihaad ka dhan ah gaaladda si ay u helaan

xuquuqdooda dadka Kenyaatiga ahna u sheegay in mustaqbalkoodu ku xidhanayahay dadka ay dooranayaan.
Sidoo kale Ubu Zubayr wuxuu ka hadlay  Duullaanka ay Ciidamada Kenya kusoo qaadeen Soomaaliya iyo dhibaatada ay Dadka Kenyaatigu ka dhaxleen, isagoo sidoo kalena ka hadlay Doorashada maalinta berri ah ka dhici doonta wadankaa iyo waxa dadka Kenyaatiga ah la gudboon.

Sida lagu baahiyay degelada warbaahinta Al-shabaab Sheekh Abu Zubeyr ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay duullaan indha-la’aan ah kusoo qaadeen Wilaayaat-ka Islaamiga ah xilli ay sida uu sheegay Wilaayaatka Islaamiga ah  horseed ka ahaayeen horumar dhaqaale iyo mid ammaan oo ay dadka Soomaaliyeed gaadheen,  taas oo xitaa saamaysay wadanka Kenya  sida uu xusay kadib markii Budhcaddii ay yaraatay,  isku socodka ganacsiguna uu kordhay, qaar badan oo ka mid ah Qaxootiga Soomaaliduna ay bilaabeen in ay Dalka Soomaaliya dib ugu soo laabtaan.

Sh.Abu Zubeyr wuxuu ku dooday  inkasta oo Dagaalku weli uu  hada biloow  yahay uu dadka Kenya dhaxalsiiyay Dhibaatooyin ay ka mid yihiin ammaan-darro joogta ah, Hoos u dhac  dhaqaale, iyo Shaqo la’aan,  kadib markii Dhaqaalihii wadanka loo leexiyay dhinaca Dagaalka. sidaa awgeed waxa uu xusay in dhibaatooyinka sugaya dadka Kenyaatiga ah ay intaas kasii weynyihiin.

Amiirka Al-shabaab ayaa ku hanjabay  in Taariikhda Kenya iyo Nolosha Bulshadeedu ay Weji Cusub geli doonto kadib markii ay Duullaanka Gar-darrada ah kusoo qaadeen Soomaaliya, Nooca ay yihiin Madaxda ay hada dooran doonaana iyo Aragtidooda Siyaasadeedna ay ku xidhantahay qaabka uu noqonayo Mustaqbalka dadka Kenya iyo Ammaankooda, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ Hadaad Nabad Dooneysaan, Kala baxa Ciidamadiina Dhulka Muslimiinta ee ay ku duuleen, Oggaadana inaan Nairobi iyo Mambasa Nabad lagu seexanayn inta ay Ciidamadiinu ku jiraan gudaha Wilaayaat-ka Islaamiga ah” ayuu yidhi Sh.Abu Zubeyr.

Dhinaca kale Sh.Abu Zubey ayaa Baaq u jeediyay Muslimiinta Kenya isagoo sheegay in a Maamulka  Kenya uu Xasuuqyo waaweyn u geystay dadka Muslimiinta ah oo ay ka mid tahay Xasuuqii Wagaalla,  Gaarisa-Gubaay iyo Xasuuqyo uu sheegay inay  ilaa hada soconayaan, Sidoo kale waxa uu sheegay in hantidoodii la dhacay, Culimadoodiina mid la dilay iyo mid xabsi ku jira ay noqdeen,  Gobollada ay deganyihiina ay yihiin kuwa ugu liita dhanka adeegyada Bulshada, ayna yihiin Muwaadiniin kaalinta labaad ah oo aan dalka wax  xuquuq  ah ku lahayn sida Kenyaatiga kale ee Gaalada ah, isla markaana xili walba oo Doorasho ay soo dhawaatana loo sameeyo ballan-qaadyo been ah, kuwaas oo sida uu sheegay aan waxba looga fulinin.

“ Waxaa idinla gudboon inaad arrimahaa ka dhiidhidaan, Doorashada aad qaadacdaan, Ciidamada Kenyana aad la Jihaadaan,  Waxa keliya ee aad naftiina iyo hantidiina ku Difaaci kartaan waa Jihaad, Waxa aad ku heli kartaan Xuquuqdiina Waa Jihaadka, Jihaadkuna waa Sharafta Aduunyo iyo Midda Aakhiro” Ayuu fariiinta hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Amiirka  Al-Shabaab.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *