Hargeysa (ANN) Tartanka xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa xamaasaddiisu circa isku shareertay, kadib markii ay soo baxeen masuuliyiin kala duwan oo caddaystay inay  isku sharraxayaan hoggaanka xisbul-xaakimka marka la gaadho shirweynahooda

 

 

oo la filayo inuu qabsoomo badhtamaha Bisha March ee sannadkan 2013.

 


Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa xaflad qado-sharaf ah oo uu shalay ku qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu kaga dhawaaqay inuu yahay murrashax loollan ugu jira jagada guddoomiyenimo ee xisbiga KULMIYE.
Xafladda qadada ah ee Wasiir Samaale sameeyey ayaan warbaabinta lagu martiqaadin, balse sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii ka qaybgalay, waxa kasoo xaadiray  dadweyne aad u badan oo ay ka mid yihiin odayaal, madax-dhaqameed, culimaa’uawdiin iyo waxgarad kala duwan oo ka mid ah qaybaha bulshada degaannada Hargeysa iyo Gabiley, taas oo ujeeddadeedu ahayd mid Wasiirku ugu tallgalay inuu ku soo bandhigo hankiisa la xidhiidha hoggaaminta xisbiga KULMIYE.

Markii ay soo baxaeen wararka sheegaya in Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo doonayo inuu npqdo musharax xibul xaakimka Kulmiye, waxa soo baxay doodo la xidhiidha arrimahaa ee calaamatu su’aal saaraya sharciyada u ogolaanaysa inuu noqdo musharax, isagoo haya xilka qaranka ee loo igmaday, maadaama aanu iska casilin xilkaa ka hor intii aanu go’aansan musharaxnimadiisa, taas oo daba socotay kulan Gudoomiyaha Kulmiye  Biixi Cabdi, oo dhiniciisa loollan adag ugu jira sidii loogu dooran lahaa jagada guddoomiyenimada ee xisbiga eek u simaha uu ka yahay, isagoo kulamo iyo xaflad qado-sharaf ah oo uu Khamiistii toddobaadkan u qabtay waxgarad kala duwan kaga helay taageero buuran oo ku saabsan doonista kursiga lagu tartamayo waqtigan.

Hase yeeshee Kornaylada Hogaamiya xisbiga Kulmiye ee Gudoomiyaha Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin oo ah Gudoomiye xigeenka Koowaad ayaa tallaabada wasiirka u arkay mid deg deg ku jiro, waxayna iyagoo ka faa’idaysanaya gol daloolada dooda dhinaca sharciga ee musharxnimada wasiirka Maaliyadda xalay kulan la yeeshay madaxweyne Siilaanyo, kaas oo sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews heshay Madaxweynaha ka dalbadeen in Cabdicasiis Maxamed Samaale iska casilo xilka wasiirnimo,  ama digreeto madaxweyne lagaga qaado, maadaama uu caddaystay murrashaxnimadiisa, balse sida ay sheegayaan xoggahaasi sheegeen Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku dooday in musharxnimada Wasiirku ay tahay mid uu xaq u leeyahay, isla markaana aany isku xidhnayn xilka uu Madaxweyne ahaan u dhiibtay ee Wasiirnomo iyo hankiisa siyaasadeed. Sidaa awgeed aanay shaqo ku lahayn Labada Kornayl arrintaa oo aanay ahayn wax iyaga u yaal.

Sida ay sheegayaan tibaaxahaasi dooda Madaxweynaha ayaa ka cadhaysiisay Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo Gudoomiye xigeenka Koowaad Saaxiibkii Maxamed Kaahir, waxayna Madaxweynaha iyo labada Kornayl is dhaafsadeeb sida ay wararka la xidhiidhaa tibaaxayaan hadalo kulul iyo inay is xisaabiyaan, iyadoo weliba Labada Kornayl ku doodeen sidii mudada dheer u garab taagnaayeen Madaxweyne Siilaanyo xiliggii halganka iyo mudadii dheerayd ee uu hogaaminayay Mucaaradka ka hor intii aanu ku guulaysan doorashadii Madaxtooyadda ee 2010.

Xoggaha ayaa sheegaya in kulankaa lagu kala kacay, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo ay ka dhadhan sadeen inuu u badheedhsanyahay.
Dhinaca kale Guddoomiye xigeenka Koowaad Maxamed Kaahin oo ka hadlay arrintaa iyo loolanka xiliggan muranka ka abuurtay xisbiga ayaa ku dooday in musharaxiintu aanay ahayn Muuse iyo Samaale keliya balse uu ka mid yihiin isaga iyo rag kale musharixiinta hungurigu kaga jiro jagada gudoomiyaha Kulmiye.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inuu xibsiga Kulmiye waajahayo loolan adag oo muran iyo khilaaf ka abuuri kara marka la gaadho shirweynaha xisbiga, balse waxa rayal caamka bulshadu is weydiinayaan sababta Madaxweyne Siilaanyo u ogolaaday in  wasiirkiisa Maaliyadda oo gacanta ku haya dhaqaalihii dalka uu kulamo siyaasadeed oo uu taageero ugu doonayo hankiisa siyaasadeed si badheedh ah u qabto, kuwaas oo loo fasiran karo in Madaxda Kulmiye loolanka xisbigooda dhexdiisa u adeegsanayan dhaqaallaha dalka iyo waxoogayga yar ee cashuurta laga qaado dadka masaakiinta ah.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *