images/stories/guddoomiyaha wakiilada.jpg  Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxamaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa daboolka ka qaaday inuu u tartami doono xilka guddoomiyenimo ee xisbiga mucaaridka UCID iyo jagada madaxweynenimada Somaliland marka la gaadho

 shirweynaha xisbiga UCID oo la filayo inuu qabsoomo badhtamaha sannadka fooda inagu soo haya. Sidoo kale wuxuu rajo ka muujiyay wada shaqaynta ay gole ahaan la leeyihiin xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo..
Mudane . Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ah diblomaasi muddo dheer ku soo jiray hawlaha siyaasadda, muddo shan sanno oo bilo dhimana hayey xilka Guddoomiyaha wakiillada oo shalay xafiiskiisa magaalada Hargeysa waraysi khaas ah ku siiyey tifatiraha Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), waxa waxa uu caddeeyey in hankiisa siyaasadeed yahay sidii uu ugu tartami lahaa guddoomiyenimada xisbiga UCID iyo madaxtinimada dalka.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu waraysigan oo aad u dheeraa kaga hadlay heshiisyadii xukuumadii hore gashay ee aan golaha la horkeenin, diyaarinta miisaaniyada qaranka, madaxbannaanaynta xafiiska hanti-dhawrka guud iyo wadashaqaynta xukuumadda cusub iyo wakiillada, isaga oo xusay inay qodobadaasi isla soo qaadeen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.
Waraysiga Guddoomiyaha wakiilladu bixiyey oo qayb ka mid ah aanu idiin soo qornay, waxa isaga oo faahfaahsan uu dhacay sidan;
Su’aal: Guddoomiye, waxaad warbixin kooban naga siisaa waxyaabihii kalfadhigan idiin qabsoomay iyo xeerarkii goluhu ansiyeen?
Jawaab: Kalfadhiggani waxa uu ahaa kalfadhigii 12aad ee goluhu yeesho, waanu ka yaraa fadhiyadii hore ee Golaha Wakiilladu yeelan jireen, iyada oo sidii caaddada ahaan jirtay bisha ramadaan la fasaxay golaha. Hasayeeshee mudadii koobnayd waxyaabihii noo qabsoomay waxa ka mid ahaa; in la ansxiyey Golaha Wasiirrada ee xukuumadda cusub. In la ansixiyey xeerarka hubka fudud, biyaha waxa kale oo la diiday xeerka caasimada, arrimahaas ayaana ka mid ahaa waxyaabihii uu goluhu qabtay mudadii koobnayd ee uu fadhiye.
Jamhuuriya: Waxyaabaha ugu muhiimsan ee mudadaas Golaha Wakiilladu qabteen waxa ka mid ahaa ansixintii Golaha Wasiirrada oo duuduub lagu ansxiyey, dadku waxay isweydiinayaan maxa xiligan keenay in ceeb la’aan mar qudha duudub lagu ansxiyo wasiirrada uu Siilaanyo soo magacaabay?
Jawaab: horta malaha ansixinta wasiirradu kelmada duudub kuma haboona, ee qof qof ayaa loo ansixiyey, wasiir walba waxa mudanayaasha golaha la akhriyey taariikhda iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay (CV-yada), wasiir kasta waxa la eegay inuu shuruudihii buuxiyey oo waraaqihii caafimaadka iyo dambi la’aanta sito iyo wareegtadii lagu soo magacaabay, wasiirrada waxa la siiyey wakhti kooban oo uu mid waliba mudanayaasha u sharaxo waxa uu qabanaayey, ka dibna waa loo coddeeyey oo sidaasa lagu ansixiyey.
Jamhuuriya: Guddoomiye, xeerka caasimada oo mudanayaashu kala fadhigii hore ee 11-aad doodiisa dhammeeyeen kala-fadhigan ayaa la horkeenay mudanayaashuna cod ayey ku diideen ansixinta xeerkaasi, arrintaasi dareenbaa ka dhashay, markaa xeerkaasi ma sidaasu ku burayaa, mar labaad se ma la soo celin karaa?
Jawaab: Runtii waxaad moodaysay in woxoogaa isfaham la’aan ahi ay mudanyaasha ka dhex jirtay markii loo coddaynaayey xeerka caasimada, mudanayaashuna xaq bay u leeyihiin codkooda inay wax ku diidaan waxna ku ogoladaan, lakiin anigu waxaan u arkaayey in xeerka caasimadu yahay xeer muhiim ah oo qaranku u baahan yahay. Hasayeeshee maadaama oo la diiday golaha wuu ka baxay, xukuumaddana waanu u celinay oo mar labaad way soo dalban karaan in la gudo galo, mudanayaasha goluhuna mooshinbay ku keeni karaan muddo ilaa saddex bilood ka dib in dib looga doodo.
Jamhuuriya: waxaynu ka warqabnaa in xidhiidhka golaha wakiillada iyo xukuumaddii hore ee Riyaale uu aad u liitay, kaasi oo gaadhay in golaha la xidho oo mudahaaraado arrintaa lagaga soo horjeedo dad ku dhinteen, markaa bal hadda ka waran xidhiidhka xukuumadda cusub ee Siilaanyo aad la leedihiin, maxaadse rajaynaysaa in xidhiidhka Golaha Wakiillada iyo xukuumaddu noqdo?
Jawaab: Runtii annagu maanu dooranin in xidhiidhka Golaha Wakiillada iyo xukuumaddii hore xumaado, waananu jeclayn in xidhiidhkaasi wanaagsanaado, hasayeeshee, taasi aad umay suurtogalin, waxaananu xukuumadda cusub ka rajaynaynaa inkasta oo ay iminkuun curatay oo wax bil ka yar xilka haysay in xidhiidhka wada shaqayneed ee labada gole {Golaha Wakiillada iyo Xukuumadda} uu wanaagsanaado, waxaananu qabnaa in danta ummadda iyo danta qaranku sidaa ku jirto xidhiidhkooduna uu sidaa ku wanaagsanaan doono.
Jamhuuriya: waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee xumeeyey xidhiidhka golaha iyo xukuumaddii hore waxay ku salaysnaayeen dhinaca shuruucda iyo shaqooyinka qola walba Dastuurku u qeexay, dadkuna waxay yidhaahdaan siyaasiyiintu inta badan ma jecla in dhinaca sharciga lagu dabro, markaa haddii aad gole ahaan ku dhaqantaan awoodaha Dastuurku idiin waajibay oo aad xukuumadda cusub ku ilaalisaan ku dhaqanka sharciga, ma isleedahay arrintaasi khilaaf kii hore oo kale ayey sababi kartaa?
Jawaab: Waa run oo Dastuurka ayaa qeexaaya waajibaadka uu leeyahay gole kasta oo Dastuuri ahi, madaxweyne Siilaanyana maalin ayuu mudanayaasha qado u sameeyey, waxaannu halkaasi kaga tiraabay inuu ixtiraamayo waajibaadka ay kala leeyihiin golayaashu, waxaananu jecelnahay in aanu anaguna waajibaadka ay xukuumaddu gaarka u leedahay u dayno oo ku ixtiraamno waajibaadka Golaha Wakiilladana loo daayo, kolaybana wixii sharci ah waanu ku taageeraynaa xukuumadda, wixi aanu u aragno in aanay haboonayna waannu ka toosin doonaa haddii Illaahay yidhaahdo.
Jamhuuriya: Waxyaabaha kale ee Golaha Wakiillada iyo xukuumaddii hore isku qaban jireen waxa ka mid ah miisaaniyada qaranka oo in badan muddo dhaafi jirtay, xisaab xidhadii oo aan la keeni jirin, iminkana waxa soo dhaw xiligii la diyaarin lahaa misaaniyad sannadeedkii 2010-2011, markaa xukuumadda cusub ma kala hadasheen in xiligii sharciga ahaa lagu keeno misaaniyada qaranka, si mudanayaashu u helaan wakhti ku filan oo ay uga doodaan?
Jawaab: Durba waxaa bilaabmay in wasaaradda maaliyadda iyo Golaha Wakiillada ay arrimaha la xidhiidha miisaaniyada wax iska weydiiyaan oo wadashaqayntoodana la wanaajiyo, gaar ahaan guddida dhaqaalaha ee golaha, waxa kale oo hawshaa ganac ka gaysan doona bangiga adduunka iyo hay’adda UNDP oo iyaguna ku talo jira inay waayo-aragnimo badan na siiyaan oo ay ka mid tahay sida miisaaniyada loo diyaariyo oo inta badan dunida loo sameeyo hab cid waliba ogtahay (Transparent), iyada oo wasaarada maaliyadu aanay lahayn anaga ayuunbaa miisaaniyada diyaarin karma sida dunida oo kale.
Golaha Wakiilladu caalamka qayb ayuu ka qaataa diyaarinta miisaaniyadda, taasina waxay fududaysaa ansixinteeda oo hadhaw halkii uu marka loo keeno bil haysanayey marka hore hadii wakiilladu ka qaybgalaan ama goob-joog u noqdaan wax badan ayaa fududaanaya. Waxa kale oo aanu samaynay xeerka misaaniyada qaranka oo runtii wax badan qeexi doona habka loo diayarinayo miisaaniyada qaranka.
Arrinta xisaab-xidhka dastuurka ayey ku qeexan tahay, waxaana isla leh hanti-dhawraha guud inuu xidho, laakiin runtii waxaad moodaysay in madaxbannaanida xafiiska hanti-dhawrku aanay taam ahayn, waxaanan qabaa in hanti-dhawrku shaqaynayey oo dedaalayey, hadana waxaa jiray caqabado kaga imanayey dhinaca xukuumadda sida aan isleeyahay. Inta badana hanti-dhawraha guud waxa uu warbixinada siiyaa baaralaanada sida adduunka ka dhacda oo loogu tallogalay inuu cid walba shaqadiisa hubiyo. Waxaanan jecelnahay in la soo celiyo awoodii xafiiska hanti-dharka guud, anaga oo jecel in arrimaha ku saabsan miisaaniyada aanu wada shaqayn kala yeelano hay’adaha ku shaqada leh oo dhan.
Jamhuuriya: Waxa jira heshiisyo badan oo xukuumadii hore aad in badan isku qabsateen in golaha la horkeeno, dastuurkuna waxa uu qeexayaa in heshiiskasta oo xukuumadu gasho laga ansixiyo Golaha Wakiillada, heshiisyada la isku haysto waxa ka mid ah, kuwa lala galay Al-jaabiri, TOTAL inkasta golihii idinka horreeyey diiday hadana wali murankeedu wuu jiraa, waxa jira heshiisyo lala galay shirkaddo kalluumaysto, iyo kuwo macdan baadhseed. Heshiisyadaa in golaha la horkeeno xukuumadda cusub ma kala hadasheen?
Jawaab: Runtii waa arrimo dastuuri ah in wixii heshiisyo ah oo xukuumaddu gasho sida caalamka oo dhan in la horkeeno Golaha Wakiillada si loo ansixiyo ama loo diido, xukuumadii hore qoraal iyo afba waanu ugu gudbinay in heshiisyadii la horkeeno golaha, hasayeeshee mid qudha may keenin heshiisyadii ay galeen, xukuumadda cusub waanu la soo qaadnayey heshiisyada aan golaha la horkeenin, waxayna na tuseen niyad-wanaag ah in heshiisyadii hore ay dib-u eegi doonaan oo haddii ay ku qancaan ay golaha soo hordhigi doonaan, haddii kale ay dib xukuumadu ugala hadli doonto cidii heshiiska lala galay, markaana golaha loo soo gudbin doono.
Jamhuuriya: Guddoomiye, waxaad ka tirsan tahay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, tartankii doorashadda madaxtooyadda si fiican buu uga qaybgalay, barnaamij qurux badan buu soo bandhigay, hadan halkii la doonayey soo muu gaadhin oo xaataa way u suurto geli weyday inuu kaalinta 2aad ka cidhiidhsado UDUB, bal arrintaa ka waran?
Jawaab: Runtii waxa xisbigu arrintaa u saaray guddi soo baadha oo ka soo tallo-bixisa oo qiimayn soo samaysa, waxaan jeclaan lahaa inaanan ka sii hordhicin qiimaynta guddida, waxaana laga yaaba in sababa dib-u-dhaca ku keenay xisbiga ee ay soo gudbiyaan iyo kuwa aan sheegaa ay si uun isugu mid noqdaan ama si uun u kala duwanaadaan, markaa waxaan jeclaan lahaa in warbixintaa la iska sugu. Laakiin waxaan qabaa in xisbigu dedaalay oo qay qadar Alle uun ku dhacday in xisbigu kaalintaa galo.
Jamhuuriya: Waxa jira in inta badan xisbiyada siyaasiga ah lagu eedeeyo in talladu gacanta ugu jirto ragga guddoomiyeyaasha ka ah oo qudha, laakiin wixii doorashadii madaxtooyada ka dambeeyey wax badan ayaa isbedelay, madaxweyne Siilaanyo Guddoomiyenimadii xisbiga wuu iska wareejiyey, UDUB hadda dib u habayn bay ku jiraan, idinku wali ma isla soo qaadeen masiirka xisba UCID iyo cida mustaqbalka loo dhiibi doono xilalka muhiimka ah ee xisbiga?
Jawaab: Horta Guddoomiye Faysal Cali-waraabe waa guddoomiyihii aasaasay xisbiga, muddo laba wakhti xileed ahna hadda wuu hoggaaminayey xisbiga, markaa shirweynihii xisbiga UCID wuu soo dhaw yahay hadda oo waxa la filayaa inuu badhtamaha sannadka 2011 ku beegnaado, markaa xiligaa shirweynaha xisbiga waxa lagu soo bandhigi doonaa cidii isku sharaxaysa xilalka xisbiga iyo hoggaankiisaba¸ waxaanan jecelahay inaan ka mid noqdo dadka tartanka u gelaya guddoomiyenimada xisbiga UCID iyo murrashaxnimada madaxweynahaba haddii Illaahay yidhaahdo.
Jamhuuriya: Markaa hankaaga siyaasadeed waxa weeyaan inaan booskaan aad taagan tahay ee Guddoomiyaha wakiillada ka dalacdo oo ilaa madaxtinimada dalka u tartanto?
Jawaab: Haa; hankaygu waa inaan tartan u galo madaxtinimada dalka hadii Illaahay Yidhaahdo.
Jamhuuriya: Maadaama aad sheegtay in aad xilalka xisbiga UCID isku sharaxayso, dadku waxay inta badan xisbigiina ku dhaliilaan in aanay ka muuqan siyaasiyiin badan oo cadcad, waxaana la yidhaahda afar iyo shan shakhsi ayaa xisbiga gabigiisa ka dhex muuqda, ma ku tallo jirtaan in xisbiga la keeno rag miisaan culus marka aad shirweynaha qabsataan?
Jawaab: Kolayba marka shirweynaha la qabanayo waanu ku dedaali doonaa, waxbadana oo baahan in la kabaana sida sheegayso waxay ka soo bixi doonaan shirweynaha ama dad acyaan ah oo ummaddu garanayso, dhinaca kalena marka aynu ka akhrino waxay ila tahay dhallinyaradu waa jiilka cusub ee soo kordhaya, siyaasada xisbigana waxa ka mid ah in 60% ay xilalka xisbiga qabtaan dhalinyaradu, markaana waani isku wadi doonaa in dhalinyaradii oo aan la garanayn la soo kiciyo iyo in xisbiga la keeno dad acyaan ah oo bulshadu garanayso, labada waxaanu jecel nahay in aanu isku barbar wadno haddii Illaahay ka dhigo.
Xigasho Wargaysaka Jamhuuriya
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *