Laba maalmood ka hor markii dawlada Maraykanu ka dhawaajisay inay dawlada Somalia aqoonsatay 21 sannadood ka dib, wixii ka danbeeyay dhirbaaxadii foosha xumayd ee ciidamada Maraykanka lagu dhiftay 1993, wax yar kadib markii ay bur-burtay dawladii Somalia, waxa soo baxay
doodo la xidhiidha dhawaaqa Maraykanka ee xiliggan oo lagu beegay booqasho uu Madaxweynaha Somalia ku joogo dalka Maraykanka.
Sidoo kale dhawaaqa dawlada Maraykanku wuxuu kusoo beegmay xili ay Brtiain iyo Denmark oo hogaaminaya wadamada hormoodka u ah maaraynta mushkilada Somaalida ay qorshaynayaan sidii loogu diyaar garoobi lahaa shir loo qorsheeyay in May 7 2013 lagaga hadlo xalka mustaqbalka Somalia, kaas oo daba socda shirkii kal hore Febuary 2012, lagu qabtay London oo ay ka qayb galeen in ka badan Konton dawaladood, isla markaana qodobka Somalia iyo Somaliland sida gaarka ah u wada khusaynayay ee ka mid ahaa qaraarkii ka soo baxay uu ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed, taas oo beesha caalamku ku sheegtay qararkaa inay ku taageerayso ka midha dhalinta labada dhinac ee wadahadalkaa.
Hase yeeshee dhawaaqa kasoo baxay dawlada Maraykanka xili ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka socda gobolka, kuwaas oo loogu gogol xaadhayo shirka loo qoondeeyay 7 May, ayaa noqday mid rayal caamka bulshada Somaliland ku dhaliyay doodo iyo Su’aalo la xidhiidha saamaynta uu dhawaaqaasi ku yeelan karo siyaasada qadiyada Somaliland, balse jawaabaha ay ka bixiyeen wasiiradda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa muujiyay ka madhnaanshaha isticmaalka weedhaha dublamaasiyada, jawaabaha ku haboon marxalad kasta iyo in ay liidato wadashaqaynta dhexdooda, ama aanay jirin istiraatiijiyad siyaasadeed iyo wada shaqayn dhexdooda ah, taas bedelkeedana uu masuul kasta oo ka mid ah kooxda wasiiradda socod baradka ah ee xukuumadda Siilaanyo jecel yahay inuu ka jawaabo wax aan shaqadiisa ahayn, isla markaana jawaabtu noqoto mid aan ka fiirsasho iyo ka tashi ku iman oo ay suurta gal tahay inay xataa waxyeesho dhegaha iyo quluubta bulshada Somaliland, iyadoo dhinaca kalena ay jawaabtaasi fursad siinay kuwa cadawga u ah siyaasiyan qadiyada madaxbanaanida shacbiga Somaliland.
Tusaale ahaan Wasiirka Arrimaha Debeda oo la weydiiyay mawqifka Somaliland ee dhawaaqa dawlada Maraykanka, isagoo safar ku jooga dallka Imaraadka Carabta, wuxuu ku dooday in aanay qadiyada Somaliland waxba yeelayn arrintaasi, isagoo yidhi, “xidhiidh dhex mara Soomaaliya iyo Maraykanka maaha, khatarna uma aragno arrintaas, waxaanu u aragnaa mid aan waxba yeelayn ictiraaf doonka. Dhinaca kale qaddiyada labada xidhiidh (dual track) wuxuu ahaa qaaciido mucaawinooyinka loogu kala qaybiyo Soomaaliya iyo Somaliland arrintaasna wax isbedel ah oo ilaa hadda noo muuqdaa ma jiro.”
Wasiirka Arrimaha debeda, waxa la filayay inay jawaabtiisu ku ekaato oo keliya mawqika aragtida dawlada uu wasiirka u yahay oo jawaab kooban ka bixiyo, balse wuxuu isagoo laga dhadhansanayo weedhihiisa in aanay muuqan qorshe dublamaasiyadeed oo jawaab kooban u ah arrintaa iyo in aanay jirin jawaabta kaga haboon ee wax layskaga weydiiyay xukuumad ahaan oo uu kala yeeshay dawlada uu ka tirsanyahay uu hadalkiisa iska watay, isagoo mawduucyo kale oo aan loo baahnayn ka sheekeeyay, wuxuuna ugu danbayntii ku dooday inay soo dhawaynayaan dhawaaqa maraykanku ku sheegay inuu dawlada Somalia aqoonsaday, isagoo yidhi, “Dawladda Maraykanku wada-shaqaynta ay la leedahay dawladda Soomaaliya anagu waxaanu u aragnaa mid anagana faa’iido noo ah oo khatarta nagaga iman jirtay Soomaaliya ee nabadgelyo darrada iyo xasilooni darradu ka mid tahay wax ka taray, waxaanu rajayn doonaa in arrimahaasi yaraan doonaan, laakiin dhinaca kale Maraykanku muu odhan Somaliland lama shaqaynayno” ayuu yidhi Maxamed C/llaahi Cumar Wasiirka arrimaha debeda Somaliland.
Hase yeeshee, maalin kadib waxa mar kale dhawaaq aan la filayn oo wax yeelay dhegaha iyo quluubta Bulshada Somaliland kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo ku sugan Magaalada Saylac, kaas oo la filayay inuu ka hadlo dhaliilaha iyo mashaakilka dhinaca amaanka iyo arrimaha maamulka wasaaradda ee shaqadiisa oo ay ka mid yihiin mushkiladaha ka taagan deegaanka Saylac ee ka dhashay natiijadii doorashada, kuwaas oo uu afkiisa ka qiray inuu u taag iyo maarwo waayay, wuxuuna taa bedelkeeda isku qaaday inuu ka jawaabo mawqifka xukuumadda Somaliland ee ku aadan dhawaaqa dawlada Maraykanku ku aqoonsatay dawlada Somalia.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, wuxuu isagoo ka hadlaya arrinta aanu shaqada ku lahayn ee siyaasada arrimaha debeda oo wasiirkii shaqadaa lahaa khalad iyo sax jawaabta uu doono ha bixiyee mawqifkii xukuumadda ha hadlay ku tiraabay weedho aan laga filayn iyo jawaab muujinaysa taageero siyaasadeed oo uu ugu riyaaqay Madaxweynaha Somalia iyo wefdigiisa, taas oo dhinaca kalena dhaawacday dhegaha iyo quluubta Bulshada Somaliland ee dhegaysatay jawaabtiisa, ama loo fasiran karo in mawqifka xukuumadda uu ka tirsan yahay ee dhawaaqa Maraykanku yahay weedhaha uu arrintaa kaga jawaabay, isagoo yidhi, “Waxaan u aragnaa fursad Soomaali in badan sugaysay inay Madaxweynaha Somalia iyo wefdigiisu galaan aqalka cad ee looga taliyo Maraykanka. Laakiin kamay faa’idaysan fursadaa ee waxay uga faa’idaysteen weji xun oo waxay yidhaahdeen Somaliland labada indhood ka rida anagana Il naga rida.
Waxay ahayd inay ka codsadaan sidii Soomaali laysugu keeni lahaa iyo sidii ay wada hadaladii u sii socon lahaayeen. Runtii Maraykanku awalba wuu aqoonsanaa maamulka Soomaaliya ee annaga nalama aqoonsanayn. Laakiin waxaad moodaa inay ku yara jireen maamulada kale sida Somaliland oo maamul ah, Puntland iyo maamulada kale waxoogaa tahdiid ah” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur Oo Idaacada VOA wax ka weydiisay dhawaaqa Maraykanku ku sheegay inuu ku aqoonsaday.
Dhawaaqa midabada badan ee Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale, wuxuu la yaab ku noqday rayal caamka Bulshada, waxayna weedhaha ereyada uu isticmaalay dad badani ku sifeeyeen inay muujiyaan mawqifka kooxda gadhwadeenka u ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee jaah wareerisay siyaasada midabada badan ee sanad iyo badhkii u danbeeyay ay lasoo baxday, taas oo calaamatu su’aal saartay jihada ay u socoto siyaasada Somaliland tan iyo mudadaa ay kooxdaasi hareeraha ka galeen Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana debecsanaan dhinaca maamulka dawladnimo iyo kala daadsanaani soo waajahday nidaamka dawliga ah.
Si kastaba ha ahaatee dhawaaqa wasiiradda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo jawaabaha is burinaya waxay tusaale u yihiin jaah-wareer siyaasadeed iyo kala daadsanaan soo waajahday nidaamka dawliga ah, isla markaana waxay jawaabaha noocan ahi dhaawacayaan dhegaha iyo quluubta bulshada. Laakiin waxa hubaal ah ujeedo kasta oo qarsoon iyo qorshe kasta oo siyaasadeed oo ku wajahan siyaasada uu maraykanku ka leeyahay Somalia iyo dhawaaqyo kuwan oo kale ah in aanay waxba u dhimayn mawqifka qadiyada Somaliland ee gaamurtay.
Faallo By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
E-mail jaamac132@gmail.com