Saylac(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo wefdi uu hogaaminayo oo socdaal ku tegey shalay magaalada Saylac si xal loogu helo khilaafka ka dhashay doorashadii golaha deegaanka ayaa madal isugu keenay

gebi ahaanba

 

xubnaha Golaha deegaanka Saylac oo ka kooban 17-ka Xildhibaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay goob iskugu yimaadaan 17-ka Xildhibaan ee Golaha deegaanka degmadda Saylac, wuxuuna ku booriyay inay is calool xaadhaan oo ay ka wada hadlaan aayahooda iyo ummada ay masuulka ka yihiin ee soo dooratay, Isla markaana ka heshiiyaan wixii khilaafaad ah ee ka dhashay doorashadii.

Mr. waxa uu sheegay inay  mudanayaashu keeni karaan xal waara oo lagu soo af-jaro kala qeybsanaanta iyo khilaafka dhexdooda ka jiray, isagoo balan qaaday inay xukuumad ahaan wixii jirta baahi ee dadka deegaanku ka cabanayaan ay wax ka qabanayaan.

Sidoo kale Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo kulankaa  ka hadashay ayaa sheegtay inay ugu ducaynayso Golaha Deegaanka Saylac midnimo iyo khilaaf la’aan, waxaanay u soo jeedisayinay meel iska dhigaan wixii cunfi ah una midoobaan sidii ay uga jibo keeni lahaayeen horumarka deegaanka laga doortay ee u baahan in wax laga qabto.

Dhinaca kale  Badhasaabka gobolka Salel Nuur Cismaan Guulleed, oo ka hadlay kulankaa ayaa  Xildhibaanadda usoo jeediyay inay ku dedaalaan sidii ay u xeerin lahaayeen danta guud,  isla markaana u soo afjari lahaayeen khilaafkooda oo ay iyagu u dhamaysan lahaayeen.

Golaha Deegaanka ee Saylac  oo natiijadii doorashada tabasho la xidhiidhay ka taagnayd deegaanka ayaa sii murgisay  khilaafkiisa . kadib markii  Toban Xildhibaan oo ka mid ah 17-ka Xildhibaan ay doorteen Maayar iyo Maayar Ku xigeenka cusub oo degmadda Saylac ah, halka 7 xildhibaan aanay goob joog ka ahayn kana soo xaadirin fadhigaa,kuwaas oo gebi ahaanba qaadacay doorashadaa Khilaafka ka taagnaa doorashada maayarka iyo ku xigeenka Saylac waxa ka dhashay mudaharaado geystay khasaare gaadiid la gubay iyo cabsi soo waajahday dadka deegaanka, balse kulanka ay maanta kulmeen noqonayaa kii ugu horeeyay ee ay dhamaan mudanayaashu isku soo horfadhiistaan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *