Axmed Dhagax waxay ka mid tahay shanta waaxood ama xaafadood ee Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa ka kooban tahay, waxay dadka reer Axmed Dahagax iyo deegaankooda khaas ah ee Baligubadle ahaayeen kuwo taariikh weyn ku leh halgankii
lagu xoreeyay Jamhuuriyada aan weli la aqoonsan ee Somaliland, deegaan ahaan iyo bulsho ahaanba waxay ahaayeen kuwo ku xardhan, ama ku suntan taariikhda halgankii dib u xoraynta dalka. iyadoo ay naftooda u hureen suldaan, sarkaal siqiir iyo kabiir inay ka qayb qaataan halgankaa.
Sidoo kale waxay Xaafadda Axmed Dhagax iyo Baligubadle noqdeen xuduntii ama udub dhexaadkii nabada iyo qaranimada Somaliland ee hormoodka u ahaa hub ka dhigistii 1993-kii lagu sameeyay Malayshiyaadkii dalka xoreeyay, kuwaas oo aasaasihii qaranka Somaliland Madaxweynihii hore ee geeriyooday Marxuum Maxamed Ibraahin Cigaal ku sameeyay hub ka dhigis balaadhan, isagoo kaashanaya saraakiishii hogaaminayay halganka Odayaashi, siyaasiyiintii iyo salaadiintii xiliggaa.
Toban sanadood ka hor markii ay Somaliland qaadatay nidaamka xisbiyada badan, dadka Axmed Dhagax waxay intooda badani ka horyimaadeen xukuumaddii Marxuum Cigaal, iyagoo xiliggaa qayb ka haa Mucaaradkii uu gadhwadeenka u ahaa Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ee waqtigan Saleebaan Maxamuud Aadan oo markaa hogaaminayay mucaaradka keliya ee ugu awooda badnaa oo ahaa Ururkii ASAD.
laakiin markii uu geeriyooday Marxuum Cigaal oo nidaamka xisbiyada badan ka yagleelay Somaliland. kadib doorashadii golayaasha deegaanka waxa Ururkii ASAD awoodi waayay inuu usoo baxo xisbi qaran, taas oo sababtay inay Dadka Reer Axmed Dhagax markii ay soo baxeen sadexdii Xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID, toban sanadood ka hor intooda badani hormood u noqdeen xisbigii uu hogaaminayay Madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaas oo ay sideedii sanadood ee uu Xisbiga Kulmiye mucaaradka ahaa ay ahaayeen awoodaha iyo rukumada uu ku taagnaa xisbigaasi.
Xiliggii dawladii Daahir rayaale ku bilaabmeen mucaaradada weyn iyo kacdoonada lagaga soo horjeeday ee lagu doonayay inay dalka ka dhacaan doorashooyin, waxay dadka Axmed Dhagax ganafka ku dhufteen talaabo kasta oo ay xukuumaddii Daahir Rayaale ku doonaysay inay ku kasbato si ay taageero uga hesho bulshada deegaankaa, isla markaana u kala qaybiso mucaaradkii Kulmiye ee uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo,iyadoo xukuumaddii waqtigaa u arkaysay ama ay cadayday inay yihiin kuwa safka hore u taagan isbedelkii la doonayay in xukunka lagaga tuuro kooxdii xukuumaddii Daahir Rayaale.
khilaafkii siyaasadeed ee bilaabmay dhamaadkii mudada xukuumadda Rayaale 2008, ayaa isu bedley kacdoon siyaasadeed oo kahatar geliyay jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, isla markaana lagu soo afjaray heshiis ka koobnaa Lix qodob oo ay goob joog ka ahaayeen beesha caalamka dhamaadkii 2009 , kaas oo ay wada jir u saxeexeen Xukuumadda iyo hogaamiyayaashii xiliggaa ee mucaaradka Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, wuxuuna ugu danbayntii heshiiskaasi horseed u noqday inay qabsoonto doorashadii 26 Jun 2010 ee sababtay guushii Madaxweyne Siilaanyo kula wareegay xukunka.
Hase yeeshee doorashooyinkii dhowaan dalka ka dhacay ee tartanka Ururada siyaasada, waxay dadka reer Axmed Dhagax oo ka mid ahaa sadexdii dhar-dhaar ee xudunta u ahaa Kulmiye oo hada ah xisbi xaakimka, waxay intooda badan u xuub siibteen inay taageeraan Urur Siyaasadeedka Xaqsoor, kaas oo uu hogaaminayay Muj. Xasan Ciise Jaamac oo taariikh weyn ku leh halgankii dalka. laakiin markii ay soo baxday natiijadii doorashada waxa muuqday cabshooyin ay taageerayaasha Xaqsoor si weyn ugaga qayliyeen doorashadaa iyo natiijadii kasoo baxday, taas oo la rumaysan yahay inay ahayd tii ugu xumayd ee dalka ka dhacda tan iyo intii ay Somaliland qaadatay nidaamka doorashooyinka xorta ah.
Cabashooyinkaa ka dib mudaharaad ka dhashay natiijadii doorashadaa oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa u muuqday mid arrinta sii fogeeyay, kadib markii ay masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee u dhashay ama degan xaafaddaa iyo dadka kale ee wata gaadiidka sita nambarka dawlada ee GT ay awoodi waayeen inay dhexmaraan xaafadaa, iyagoo wata gaadiidka lambarka dawlada leh, waxayna dad badani is weydiiyeen sababta ay Axmed dhagax oo u muuqata Madaxtooyada Somaliland ugu ekeetay xarunta Vatikanka ee ku taal Roma oo ah meel aanay xukumin dawlada Talyaanigu.
Inkasta oo Vatikanku tahay dawlad gaar ah oo looga taliyo kaniisadaha Roman Catholic, sidaa awgeed aanay ahayn Axmed Dhagax meel ay ku yaaliin kaniisado, isla markaana aanay saldhig u ahayn dawlad Kiristan ah, ama degan yihiin dad kiristani, balse waxay noqotay meel Hargeysa oo ah caasimada Somaliland u ekaysiisay xarunta dalka Talyaaniga ee Roma oo ay ku taal Vatikanku, taas oo aanay maamulin dawlada talyaanigu sidaa darteed waxay dad badani is weydiinayaan sababta ay bulshadii taariikhda weyn ku lahayn halgankii dib u xoraynta dalka iyo isbedelkii xukunka lagaga tuuray xukuumaddii Daahir Rayale iyo guushii xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo kula wareego talada dalka laba sannadood iyo badh ka hor.
Dad badan ayaa is weydiiyay muqaalkaxanbaarsanaa murugada ee laba maalmood ka hor boqolaal haween ah oo ka mid ahaa taageerayaasha Xaqsoor oo isugu soo bexeen Axmed Dhagax , kuwaas oo xidhnaa shalmado lagu buufiyay astaanta ururka xaqsoor, isla markaana xidhnaa weer cas, iyagoo ku tiraabayay weedho dhiilo xanbaarsan oo ka turjumayay dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin dadkii ku dhintay mudaharaadka iyo kuwii ku dhaawacmay oo ay sheegeen inay ugu baroordiiqayaan. sidoo kale haweenkaa ayaa tilmaamayay in ay kasoo horjeedaan qorshe xukuumaddu ku doonayso la in garoonka Hargeysa Staduim oo ku yaala xaafadaa lagu qabto Ciyaaraha gobolada dalka oo loo asteeyay 15 jan 2013.
Dhamaan arrimahaa iyo kuwo kale ayaa sababay inay dad badani is weydiiyaan halka ay gaadhay tabashada xaqsoor iyo reer axmed Dhagax iyo sababta ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhegaha uga furaysatay inay taageerayaashii hormoodka u ahaa guusha isbedelkii xisbiga Kulmiye laba sandood iyo badh ka hor kula wareegay talada dalka ay maanta halkaa iska taagaan.
inkasta oo aanay qarsoonayayn inay arrintaa lafdhabar u tahay tabashooyinkii ka dhashay doorashada iyo sida aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo isaga xil saarin sidii loo dhayi lahaa nabarada ka dhashay dooradhada golayaasha deegaanka, hadana waxa muuqata in aanay arrintu ahayn mid ku kooban oo keliya tabashooyinka ka dhashay doorashadii , balse ay arrintu u muuqato mid fursad ay ka faa’idaysan karaan u arkeen shaqsiyaad ama kooxo cadawga Somaliland ah oo gabood kasoo dhigtay tabashooyinka bulshada reer Axmed Dhagax oo ah bulsho taariikhda weyn ku lahayd halgankii dib u xoraynta Somaliland iyo dib u dhiska nabada iyo jiritaanka Somaliland, kuwaas oo aan marnaba looga baqayn inay hormood u noqdaan wax dhibaato ku ah qaranka curdinka ah, balse u qaadaan waa ay ku noqtay habdhaqanka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Si kastaba ha ahaatee waxay rayal caamka bulshadu is weydiinayaan sababta ay Axmed Dhagax Oo Ahayd Udub Dhexaadkii Nabada Iyo Dhismaha Qaranimada Somaliland ugu ekaatay Vatikaanka Roma, iyadoo qasriga Madaxtooyada ee hoyga u ah Madaxweyne Siilaanyo u muuqdo xaafadaa iyo sababta ay xukuumaddu isu weydiin weyday waxa dareenka dadka gaadhsiiyay heerka ay maanta taagan yihiin haddii ay shalay ahaayeen halyeeyayadii halganka, dib u dhiskii qaranka, nabadgelyada iyo guusha isbedelkii Madaxweyne Siilaanyo kula wareegay xukunka laba sandood iyo badh ka hor, maxaase damiirka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo uga dmaqan waayay arrinta dheegxumada ku ah iyo halista duleedka madaxtooyada dadkaa oo raad weyn ku yeelan doonta qaranimada Somaliland iyo mustaqbalka siyaasadeed ee xisbigiisa.
Faallo By Carraale M. jama Freelance Journalist and Human Rights activist
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com