Roma(ANN)Dawlada Talyaaniga ayaa balanqaaday inay Somalia ka caawinayso sidii gacan looga siin lahaa amaanka ee loo soo celin lahaa nidaamka iyo kala danbaynta dawladnimo, isla markaana ay ciidamada Booliska tababar siinayaan. sidoo kalena ay ka

 

 

caawinayaan Soomaalida dhinacyada adeegyada bulshada ee caafimaadka iyo waxbarashadda.

Dawlada Talyaanigu waxay sidaa ka dhawaajisay. kadib markii Haweenayda Wasiirka arrimaha Debeda Somalia, isla markaana ah raysal wasaare ku xigeenka Marwo Foosiya  Yuusuf Xaaji Aadan ay  xalay magaalada Roma kulan kula qaadatay dhigeeda arrimaha debeda dalka Talyaaniga Mr. Giulio Terzi.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidha qotada dheer ee hore uga dhexeeyay Somalia iyo Talyaaniga, iyadoo dawlada Talyaanigu balanqaaday inay gacan ka geysanay sidii dowlada Somalia usoo celin lahayd amaanka iyo kala danbaynta, isla markaana ay ka taageerayaan tababrada ciidanka iyo mashaariic dhinaca adeegyada bulshada ah sida caafimaadka iyo waxbarashadda.

Wasiirka arrimaha dibeda Talyaaniga Mr. Giulio Terzi oo saxaafada la hadlay kulankaa ka dib ayaa sheegay in dowladiisa ay faraxsan tahay in wasiir ka socda dowlad Soomaaliyed oo rasmi ah  22 sano ka dib soo booqdo dalkiisa.

“Booqashadan ay noogu timid wasiirada arrimaha debeda Somalia waxay daba joogtaa booqasho aan sanadkii hore ku tegey magaalada Muqdisho, dowladda talyaaniga waxaa ka go’an inay wada shaqeyn dhinac kasta ah la yeelato dowladda Soomaaliya” ayuu yidhi Giulio Terzi, wuxuuna intaa ku daray in talyaanigu  tababar siinayo ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha debeda ee dowladda Somalia Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo  kulankaa  ka hadashay ayaa ka mahad celisay sidii diiranayd ee dalka Talyaaniga loogu soo dhoweeyey, iyadoo xustay in Talyaanigu uu ahaa saaxiib weyn oo shacabka Soomaaliyed caawin jiray, xiligana looga baahan yahay inuu sii kordhiyo taageerada uu siin jiray Soomaalida maadaama dhibaatooyin badan ay jiraan.

“Waxaan rajo badan ka qabnaa in dowlada Talyaanigu ay si dhaqso ah noogu fulin doonto balanqaadyo badan oo ay ku dhawaaqeen inay gacan ka geysan doonaan arrimo badan oo ku saabsan dib u dhiska dalka iyo gacan siinta dowlada ee arrimha amaanka iyo adeegyada bulshada” ayey tidhi Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

 

Araweelonews Mobile Somaliland Office E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *