Hargeysa(ANN)Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland  Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa ka hadlay shil Gaadhi oo maanta ka dhacay duleedka Hargeysa ee Dacarbudhuq, kaas oo ay ku dhinteen Taliye xigeenkii Hogaanka Wacyigelinta ee Booliska Somaliland Marxuum Yaasiin Jaamac Ducaale iyo

 

Afar askari oo kale, isla markaana ay ku dhaawacmeen 25 askari oo ka tirsan Booliska.

 

Sidoo kalena ay ku dhinteen laba qof oo shicib ah. kadib markii gaadhiga ay saarnaayeen Booliskaa oo laga soo bedelay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood iyo gaadhi  shicib oo xamuul ah, iyadoo Maydadka iyo dhaawaca booliska iyo dadka shicibka ah galabta la keenay Cusbitaalka Hargeysa.

Taliyaha Booliska oo tafaasiil ka bixinaya sababta keentay shilkaa oo ahaa kii ugu xumaa ee ay la kulmaan Booliska Somaliland wuxuu yidhi,“Waxa dhacay shil tiiraanyo leh oo ku yimi ciidan Boolis ah oo hawl ka soo laabtay, gaadhi ciidanka Boolisku lahaa  iyo gaadhi kale oo shacab ah oo nooca loo yaqaan shaambooga ah ayaa shilkaasi ka dhacay. Dhimashadu waxa weeyaan sarkaalkii ciidanka watay iyo dhawr askari oo kale dhaawacuna waa 25 askari.”

Gen. Fadal waxa uu sheegay inuu shilkaasi ahaa mid aad u culus,  wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waa shil aad u culus dhamaan ciidanka Booliska Somaliland, qoysaskoodii iyo shacbigaba  waan ka tacsiyadaynayaa,waxaana ILaahay uga baryayaa in uu Naxariistii janno ka waraabiyo inta dhimatay, inta dhaawacana waxaan ILaahay uga baryayaa inuu u sahlo oo u yasiro Shilkaa dhacay arrintiisana waa la baadhayaa, wixii kale ee faah-faahinana marka baadhista la dhameeyo ayaanu dib ka soo sheegi doonaa.” ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Somaliland wuxuu ka hadlay khasaaraha shilkaasi ee soo gaadhay dadka shacabka ah ee gaadhiga kale watay oo sida uu sheegay ay ku naf waayeen Dareewalkii gaadhiga watay iyo gacanyarihiisii, wuxuuna sheegay inuu tacsi taa la mid ah u dirayo qoysaskii iyo eheladii dadkaa shacabka ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray eheladii iyo shacbiga Somaliland oo ee ay ka geeriyoodeen Taliye xigeenkii Hogaanka Wacyigelinta Booliska Somaliland iyo afar askari iyo laba qof oo shacab ah, wuxuuna Illaahay uga baryay in uu naxariistiisii janno ka waraabiyo intii ku geeriyootay Shilkaa intii ku dhaawacantayna wuxuu Madaxweynuhu Illaahay uga baryay inuu caafimaad siiyo oo u fududeeyo dhaawacyada soo gaadhay.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland iyo masuuliyiin kale ayaa askarta dhaawac ah ku booqday Cusbitaalka Hargeysa, iyadoo Bolaal qof kusoo xoomeen Cusbitaalka Hargeysa markii ay maqleen shilkaa, waxaana maydadka askarta ku dhimatay shilkaa maalinta beri la filayaa in aas qaran loo sameeyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *