Muqdisho(ANN)Taliyaha ciidamadda Asluubta Somaliya Col, Maxamad Ismaaciil (Indho-buur) ayaa Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Somalia ku xukuntay xabsi daa’in iyo madaxaa ha ku furto. kadib markii sida Maxakamaddu sheegtay lagu helay inuu

Xabsiga ka siidaayey 14 Maxbuus oo ka tirsnaa Kooxda  Al-shabaab ee qaybta ka ah Urur weynaha Al-Qaida.

Sidaana waxa ku dhawaaqay maanta Col, Liibaan Cabdi Yaroow oo ah Taliyaha Maxkamadda ciidamadda Somaliya, kaas oo sidoo kale sheegay in Maxkamaddu ciidamaddu shan sanadood oo xadhig ah ku riday agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka-sida Xasan Axmed Cali (Xasan Liibiya). kadib markii   lagu helay  sida uu sheegay sarkaalkaasi inuu Taliyaha  ciidanka asluubta gacan ku siiyay siidaynta maxaabiista kooxda Al-shabaab.

Col, Liibaan Cabdi Yaroow oo ku dhawaaqay  xukunka Masuuliyiinta  ayaa yidhi,   “Maxkamadda ciidamada qalabka-sida waxay ku xukuntay, Eedaysane Cabdi Maxamed Ismaaciil xabsi daa’in, kaddib markii ay ku cadaadeen eedeymo loosoo jeediyay oo ahaa inuu sii daayay 14-xubnood oo Al-shabaab ka tirsanaa, sidoo kale maxkamaddu waxay ku xukuntay eedaysanaha labaad oo ah Xasan Axmed Cali oo lagu naanayso (Xasan Liibiya) xukun shan sannadood oo xabsi ciidan ah, kaddib markii lagu helay ee ay ku cadaatay  in uu gacan ku siiyay taliyaha khiyaanada qaran ee uu sameeyay” ayuu yidhi Col. Liibaan Yaroow.
.
Sarkaalka  xukunka xabsi daa’iyinka lagu xukumay  Col. Cabdi Maxamed Ismaacil ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay khiyaanno Qaran iyo inuu u adeegsaday darajadii  iyo masuuliyadii awooda qaranku u igmaday sifo khaldan iyo inuu xabsiga kasii daayo rag badan oo ka tirsnaa kooxda Al-shabaab, kuwaas oo sida lagu eedeeyay ahaa kuwo ay Maxakamaddu xukuno kala duwan ugu riday. sidoo kale waxa sarkaalka hore u ahaa taliyaha ciidanka Asluubta Somalia lagu eedeeyay inuu malayshiyada Al-shabaab rag ka tursan siiyay derejooyin iyo waraaqaha aqoonsiga ciidanka Asluubta.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *