Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad-guurada 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka

Booliska Somaliland oo sanad walba la xuso 3 Nov 2012.
sidoo kale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray mashaariic Dhismayaal   loo sameeyay laanta socdaalka Somaliland, Ciidanka Burmadka, isla markaana dhagax dhigay mashaariic kale, kuwaas oo ay fuliyeen dawladaha Britain iyo Japan.

Dabaal-dega sanad-guuradda 19-aad ee ciidanka Booliska Somaliland waxa Madaxweynaha kala  qayb galay Wasiirro, Xildhibaano, masuuliyiin ka socday hay’addaha  wada shaqaynta la leh ciidanka Booliska iyo marti sharaf kale.
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13ac6c66c677df29&attid=0.1&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1351959523073&sads=tpKh7wPjcuSkuUqghhuT5Z_3CN4
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col. Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo ka hadlay xuskaa waxa uu yidhi,  “Mudane Madaxweyne, Iyadoo aynu maanta xusayno sanad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska tan iyo markii aynu la soo noqonay madax-banaanideena. Waxa ciidanka Boolisku soo maray marxalado kala duwan. Waxaan odhan karnaa maanta waxa uu marayaa meel aad u fiican.”
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13ac6c66c677df29&attid=0.3&disp=inline&safe=1&zw&authuser=0&sadnir=1&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1351959345529&sads=C15N9F82dAhBtag4H7xTRlwOejc
Col Fadal waxa uu sheegay in ciidanka Booliska Somaliland hadh iyo habeen u taaganyahay gudashada waajibaadka qaran, iyagoo u adeegaya bulshada si ay ugu naalooto nabad, deganaansho iyo xasilooni ku salaysan shuruucda iyo cadaalladda, wuxuuna xusay inay Boolisku hadda ka hawl-galaan 75 saldhig iyo 91 rugood oo ku kala yaala dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Gen Cabdilaahi Fadal Iimaan oo  ka hadlayay waxa u qabsoomay Booliska sanadkan, wuxuu xusay in  sanadkan  siminaaro kala duwan ay soo qaateen 57 sarkaal  iyo 1206 askari, kuwaas  oo iskugu jiray RRU-da, SPU iyo STU.
Taliyuhu waxa uu sheegay inay dayactir ku sameeyeen dhismaha Hoggaanka Birmadka ciidanka Booliska, taasi oo ay maal-gelisay dawlada UK,  isla markaana ay qalabeysay.

sidoo waxa uu xusay in mudadii uu xilka lagu soo kordhiyay Booliska 17 Baabuur, kuwaas  oo 13 ka mid ah ay dawlada UK ugu deeqday Booliska, isla markaana la dhisay saldhiyo dhawr ah oo ku kala yaala caasimadda iyo goboladda dalkaba, waxa kaloo uu xusay in sanadkan markii u horeysay ciidanka Booliska Hay’adda UNDP u keentay dirays isku mid ah oo dhan afar kun oo bedlodood.

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13ac6c66c677df29&attid=0.9&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1351959695202&sads=AhwQTeCXcL3mZ245o22acgSuaCM

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay munaasibada xuska Booliska waxa uu ciidammadda ku bogaadiyay waxqabadkooda dhinaca  ammaanka iyo nabad-gelyada dalka,  isagoo  yidhi,  “Waxaan halkan Hambalyo aad iyo aad u balaadhan uga soo jeedinayaa 19 guuradii Ciidanka Booliska Somaliland hawsha baaxada balaadhan ee xilkasnimaddu ku jirto ee ay qaranka u qabtaan. Waxaan aad iyo aad u hambalyaynayaa Ciidanka Booliska madaxdiisa iyo ciidamadaba heer walba waxyaabaha faraha badan ee ay dalka u qabtaan. Waxaanu ku hambalyaynaynaa inta aanu mashaariic saaka soo marnay ee waxqabad ah ee horumar la taaban karo ah ee ay gaadheen.” ayuu yidhi.
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13ac6c66c677df29&attid=0.4&disp=inline&safe=1&zw&authuser=0&sadnir=1&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1351959328812&sads=TvZeUM0l1U5G1WDiS7AisEve_aI

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu balan qaaday inay wax la qaban doonaan ciidammadda Booliska, isagoo  yidhi,  “Annaguna waxaan balan qaadaynaa dawlad ahaan iyo madaxweyne ahaanba inaanu wixii waxtar ah iyo wax u qabasho ah inaanu la sameynayo booliska.”.

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13ac6c66c677df29&attid=0.5&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1351959634776&sads=ovNg8AT5lW1l_Y3-N3rC0eDEPIY
Dhinaca kale Madaxwaynaha Somaliland oo xadhiga ka jaray Dhisme weyn oo loo sameeyay Laanta socdaalka  ayaa  sheegay inuu ku faraxsan yahay dhismahanaa  oo dawlada Japan u hirgalisay ciidamada laanta socdaalka, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxa farxad ii ah inaan furo dhismahan quruxba badan ee loo dhisay laanta socdaalka Somaliland, waxaanan u mahad-naqayaa dawlada Japan oo gacan ka gaysatay dhismahan cusub, taasina waxay calaamad u tahay horumar weyn oo dalka Somaliland iyo dadkiisaba u soo hoyday.”

Taliyaha ciidamada laanta socdaalka Somaliland Col, Maxamed Yuusuf (Ina canbaro), ayaa halkaa  ka hadlay ayaa Madaxwaynaha faahfaahin ka siiyay hawlaha laanta socdaalka Somaliland, waxaanu sheegay in laanta socdaalku guud ahaan xuduudaha dalka ay xafiisyo ku leeyihiin “Markii xisbiga kulmiye dalka qabsaday waxyaabaha uu balan-qaaday waxa ka mid ahaa horumarinta ciidanka socdaalka Somaliland, taas oo maanta hirgashay si fiicana u wada gaadhay dhammaan xuduudaha Somaliland, iyagga oo si fiican u kantaroola waxyaabaha soo galaya dalka iyo wixii ka baxayaba, xudduuda 120-KM ee aynu la leenahay dalka Ethiopia, 860-KM oo badda ah, madaarada iyo meelaha kale ee dalka laga soo galo dhamaantood.”

Col. Canbaro waxa uu sheegay inay qabteen  tahriibayaal sifo sharci-daro ah dalka kusoo galaan, isla markaana ay hawl geliyeen laanta socdaalka ee dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka. .

Dhinaca kale Sarkaal sare oo ka socday Safaarada Japan ee dalka Kenya, ayaa gebagebadii munaasibada dhismaha laanta socdaalka xadhiga lagaga jaray ka hadlay, wuxuu sheegay inay dawlada Japan diyaar u tahay inay wax la qabato Somaliland. adlay
Gebagebadii Madaxwaynaha Somaliland, wuxuu  munaasibadahaa  ka dib  xadhiga ka jaray  dhisme cusub lagu daray xerada ciidamada Birmadka oo ay Britain maalgelisay, isagoo dhinaca kalena dhagax dhigay dhisime weyn oo dawlada Britain u dhisayso  Wasaaradda arrimaha gudaha, taas oo laga dhisayo xarunta Badhasaabka Hargeysa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *