Kulanka ka dib ayaa waxaa saxafaadda xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka midawga Yurub ayaa ka warbixiyey waxyaalahii ay ka wada hadleen.
Safiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya oo ka hadlaya kulankaa, ayaa ayaa yidhi, “Midoowga Yurub waxa u ansaxiyey Soomaaliya 2012-da kaalmo dhan 158 Milyan oo lacagta Midoowga Yurub ah, Tani waxa ay ka dhalatay dib u eegis lagu sameeyey mudada dhexe oo kordhisay lacagtii loogu talalagalay Horumarinta Soomaaliya, 212 Milyan oo la gaadhsiiyey 412 Milyan oo lacagta Midowga Yurub ah” ayuu yidhi safiirka Midawga Yurub, wuxuuna intaa ku daray in Midoowga Yurub ahaan doono deeqbixiyaha ugu weyn.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn uga mahad celiyey kordhinta deeqaha Midowga Yurub siiyaan Soomaaliya, isagoo tilmaamay in kaalmada Midowga Yurub mar walba muuqtay.
“Aad iyo aad ayey arrintani farxad u leedahay kordhinta deeqaha Midoowga Yurub ee Soomaaliya , Dowladda cusub ee Soomaaliya waxa ay waayadaan dambe ka codsaneysay caalamka in wax laga beddelo macaamilkii Dowladdahii naga horeeyey, caalamkuna toos ula macaamilo Dowladda cusub ee Soomaaliya, taas ayaa micno sameynaysa” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Somaliland.