Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa canbaaraysay dilkii foosha xumaa ee xalay lagu khaarajiyay Weriye Marxuum Axmed Saaki Faarax oo ka mid ahaa weriyayaasha ka hawlgala TV-ga Universal.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta  Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag u cambaareeyay falkii foosha xumaa ee xalay lagu dilay Weriyihii Universal ee magaaladda Laas-caanood Marxuum  Axmed Saki Faarax oo ay dabley aan la aqoonsan  xalay ku khaarajiysay gudaha badhtamaha Laascaanood.

Sidaasna waxa Wasiirku ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay tacsiyadeynaysaa Qoyskii, qaraabaddii iyo dhammaanba bahda warbaahinta gaar ahaanna TV-ga Universal ee uu u shaqaynayay Marxuum-Axmed Saki Faarax oo xalay lagu dilay Magaaladda Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland waxay cambaareynaysaa falkaasi foosha xun, iyadoo qarankani aanu u dul qaadan doonin falalka noocan oo kale ah oo ugub ku ah dalkan.

Hay’addaha amniga u xil-saaranina waxay ku hawlan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Dambbiileyaashii dilkaasi geystay.” ayaa lagu yidhi qoraalka afhayeenka xukuumadda Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *