Hargeysa(ANN)Cismaan Aw Maxamud Buurmadow oo ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka hadlay warar la isla dhex marayay oo sheegaya in Madaxweynaha cusub ee Somaliya qorshaynayo inuu Somaliland siiyo Kursiga Raysal wasaaraha. Sidoo kale waxa uu waraysigaasi kaga
hadlay warbixin Qaramada midoobay dhawaan loo gudbiyay oo sheegaysay Somaliland inay Hoy u noqotay Argagixiso, taasoo uu ku tilmaamay mid lagu dhaawacayay Nabadgelyadda Somaliland.
Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow waxa kale oo uu ka hadlay warar hore uu masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ku sheegay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagaxisada, taas dhowaana lagu xusay warbixin qaramada midoobay xafiiskeeda amaanka iyo siyaasada u qaabilsan Somalia, waxa kaloo waraysigaa uu Boqor Cismaan Buurmadaw kaga hadlay arrimo kale, isagoo Xukuumadda Somaliland kula dar daarmay inay talo badan ka yeelatoa arrimaha siyaasadeed ee Dalka ka taagan maadaama Dawladda Somaliaya ku meel gaadhnimadii ka baxday. Waraysigaas oo uu siiyay Warrgeyska Waaheen ayaa u dhacay sidan:-
S: Boqor Cismaan sideed u arkaysay War-bixintii amaanka Somaliland lagu dhaliilay ee qaramada Midoobay loo gudbiyey.?
J: Walaal waxaan odhan karaa Qaramada Midoobay arrin aanay ka fiirsan ayay ka hadleen, nabadgalyada Somaliland-na hoos umay dhicin ee korbay u kacday, waad la socotaa oo anigu Mucaaradbaan ku ahaa dawladan, haddana xagga amaanka boqolkiiba boqol ayay wax ka qabatay oo ay hagaajisay, markaa arinkaasi qaramada Midoobay waa arin lagu deg-degay oo meel ka dhac ah ayaan u arkaa.
S: Laakiin waxay leeyihiin dadka amaanka Somaliland dhaliilay inay jiraan masuuliyiin dawlada ka mid ah oo kooxaha xagjirka ah u fududeeya inay dalka soo galaan, sidee ayay arintaasi kuula muuqataa..?
J: Haddii ay xukuumadda argagixiso ku jirto way muuqan lahayd, laakiin anigu ma qabbo in argagixiso xukuumadda ku jirto, markaa anigu ma aaminsani inay argagixiso caalami ahi ku jirto xukuumadda.
S: Boqor sanad ka hor waxaad afkaaga ka sheegtay inay xukuumadda ku jiraan Wasiirro Argagixisada xidhiidh la leh, maantana waxa soo baxay wax u eg wixii aad sheegtay, markaa maxaa adiga iska kaa badalay..?
J: Horta dawlada ayaanu is-haynay, marka aad dawlada is-haysaana hadal deel-qaaf ahi wuu kaa dhici karaa, laakiin anigu marna maan odhan argagixiso Caalami ah ayaa Somaliland joogta, laakiin xukuumadda waxa ku jiray imikana ku jira dhalinyaro aan anigu aad u dhaliilay qaabka ay wax u wadaan.
S: Adiga oo Madax-dhaqameed ah, wax kasta oo aad is tidhaahdo xukuumaddu way ku lug leedahay Miyaad ku eedaynaysaa..?
J: dhaliishu way imanaysaa, qofkuna waa bani-aadam oo sida uu isagu wax u arkayo in aanay wax ahayn ayaa laga yaabaa, laakiin wixii jira waa la isku dhaliilayaa, xaqiiq ahaana arinkaa argagixisadu qaranka oo dhan ayuu dhibaato ku yahay, qaramada Midoobayna arinkaasi kamay fiirsan.
S: Sideed u arkaysaa qaabka ay u socdaan hawlaha doorashada deegaanka loogu diyaar-garoobayo?
J: Horta hadalkii Maalintii dhawayd Madaxwaynuhu soo saaray ee uu ku yidhi dawlada yaanay ku lug yeelan hawlaha doorashada ee ururada, runtii wuxuu ahaa arin aad u fiican, haddii sidaa lagaga dhabeeyo oo amarkaa Madaxwaynaha la qaato oo xukuumaddu ka dhex baxdo, xisbiguna gooni u ololeeyo oo aan hantida dawladda lagu ololeynin, waxaan qabbaa inay doorasho xalaal ah oo caddi inay dhacayso, wax dhibaato ahina aanay ka dhacaynin.
S: Boqor Waxaad war bixin naga siisaa qaabkii laguu soo daayey?
J: Walaahi ma doonayo inaan arinkaasi ku noqdo, oo waa arin iska dhammaaday, ta labaad anigu dalka dibadiisa iyo gudihiisaba waan ka hadlaa, laakiin xadhigaygu rag is-qabtay ayaanu ahayn, waxaanu isku qabanayna tallada dalka ayuunbay u badnayd, aniguna odey ayaan ahay, wax walba oo I soo gaadhayna, xaalada maanta dalku marayo, Somaliyana ku meel-gaadhnimadii ka baxday inaan wax badan dulqaad sameeyo oo aan dhowrsoonaado oo la ilaaliyo dawladan yar ee aynu nab-nabayno ayuu fikirkaygu yahay oo aan wixii hore u soo dhacay si odeynimo ah aan kaga gudbo ayaan jecelahay.
S: Shakhsi-baad ahayd dawladu xidhay, ma Cafis ayaa lagugu siidaayey, Ma xadhigaad iibsatay, mise dawlada ayaa kuu tanaasushay oo ku siidaysay, ilaa hadda dadku su’aalahaasi ayay iswaydiinayaan..?
S: Markaan runta kuu sheego, anigu shakhsi ayaan ahay, dawlada waxaynu u samaysanay inay wax xidho, xaqna way ku xidhi kartaa, xaq-darana way ku xidhi kartaa, wax xadhig ah oo aan iibsaday ma jirto, cafisna ma jiro, laakiin dawladu markii horeba iyaddaa I xidhay, markii dambana iyaddaa I siidaysay, cid aanu ka wada hadalnay cafis ama aanu wax kale iswaydiinayna may jirin, dawladu markay I xidhaysay Waaran muu jirin, markii dambana habeen-baa la ii yimid oo la I siidaayay, arinkaana wax dhib ah oo aan ka qabbo oo aan doonayo inaan ka hadlo ma jirto.
S: Waxaad tahay Madax-dhaqameed, laakiin dalka dibadiisa ayaad ku sugan tahay oo aad xukuumadda ka soo dhaliishaa, goormaad ku soo noqonaysaa hawlahaagii dhaqan..?
J: Waxaan ku idhi adder, xaaladan la galay diyaarba uma ihi wax dhaliil ah, waayo dawalada ayaa u baahan in la dhowro xaalada la galay awgeed, dalkana si dhakhso ayaan ugu soo laabanayaa, hawlahaygana dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waan ka qabtaa, haddii Alle idmana bisha soo socota ayaan imanayaa.
S: Maxaad nooga sheegi kartaa shir la sheegay inaad qabanaysaan Madax-dhaqameed ahaan..?
J: shirkaasi waxa uu ahaa markii aanu ogaanay in Somaliya ka baxayso ku meel-gaadhkii, siyaasad khatar ahina inagaga soo bixi karto, markaa markii aanu tashanay waxaanu goosanay in aanay wakhtigan xukuumaddu mucaaradad xamilaynin, xaaladuna tahay in wixii halkaa (Somaliya) ka soo baxa loo middoobo, waayo waxaanu aad u dareensanahay in dawlada Koonfureed damacsan tahay raysal-wasaare Waqooyi ah (Somaliland), waxaanuna iska ilaalinaynaa inaanu shacabka tuhun galino, markaa shirkaasi waanu joojinay.
S: Hanaanka diblumaasiyadeed ee xukuumaddu ula macaamili lahayd dawlada Somaliya ka dhalatay wuu hooseeyaa ayaa la leeyahay, taasi saamayn intee leeg ayay ku yeelan kartaa Mustaqbalka umadda aad hogaan dhaqameedka u tahay..?
S: Shacabkani 21 sanadood ayuu dhibaato ku soo jiray oo uu adkaysanayey, intaas oo sanadoodna waa la soo dilayay, qof kasta oo mowqifka dadkaasi qaateen ka soo horjeeda INKAAR-baa ku dhacaysa, markaa waxa loo baahan yahay in qof walba uu iska ilaaliyo inkaarta shacabka sida xukuumadda oo kale, anigu xukuumadda waan dhaliili jiray, laakiin marna kuma dhaliilin inay Koonfur wax u waddo, waayo way taggi lahayd oo ay ka qayb gali lahayd haddii ay wax u waddo, mida kale anagu waxaanu doonaynaa inaanu cid kasta oo xurgufi na dhex martay aanu arimaha qaranka ka wada tashano, xukuumadda iyo shacabkuna waa inay aad u taxadaraan, maadaama oo dawlada Koonfureed awoodo badan kaashanayso, xukuumadduna waa inay shacabkeeda la tashataa oo arintaa meel looga soo wada jeedo.
S: Sideed u arkaysaa shakhsiyaadka Jaamac Odey ka mid yahay ee baarlamaanka Somaliya ku biiray isagoo Somaliland xil ka soo qabtay..?
J: Arintaasi Jaamac Odey ayay dhaawac ku tahay, shacabka Somaliland-na waxba u dhimi maayo, iyaguna uma arkaan inuu nin weyni u soo galay, Madaxwaynaha waanu kala hadalnay inaanu Somaliland wada-hadaladaasi wax dhaafsiisan badooda galin, ragga halkaa (Muqdisho) jooga aanu waxba ka qaadan, waxaana la sheeg-sheegayaa inuu doonayo rag gudaha ku jira (Xukuumadda Somaliland ka mid ah) oo aanan doonayn inaan hadda ka hadlo uu qaato, isagana waxba u tari-mayso oo meel ayay ka buuxinayaan oo rag koonfureed ayaa ka cadhoonaya, Somaliland-na halkaa xil ugama baahna, Calaa kuli xaal, waxa la inaga rabbaa isku duubni iyo inaynu wada shaqeyno xukuumadda iyo shacaba.
S: Adigu Madaxwaynaha cusub ee Somaliya miyaad kala hadashay arinkaasi..?
J: haa..Madaxwaynaha waanu u hambalyeynay, arinkaana waanu kala hadalnay in mansabyadiisa uu Koonfurta u daayo oo aanu inaga waxba inaga siinin, waayo shacabka Somaliland ku iman maayaan (Muqdisho) siddaa, waayo go’aan ayay qaateen.
.Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com