Hargeysa(ANN)Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday magacyadda xisbiyada iyo Ururada usoo gudbiyay murashaxiintooda Goleyaasha deegaanka dalka ee gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan. kadib markii ay maanta dhamaatay mudadii loo qabtay

qabashada Liiska musharixiinta inay kusoo gudbiyaan.

Waxaana Maanta oo ahayd Maalin Jimce ah 14 Sep 2012,  shaqaynayay Xafiisyada Komishanka Doorashooyinka  iyo  xafiisyada dawlada ee khuseeya hawsha musharaxiinta sida xafiisyada cashuuraha beriga iyo kuwa xidhiidhka la leh, kuwaas oo shaqynayay subaxnimadii saaka ilaa galabnimadii. Afhayeenka Komishanka Qaranka ee Doorashooyinka  Maxamed Axmed Xirsi Geelle, ayaa  caawa caweyskii ku dhawaaqay tirada Xisbiyada iyo Ururada u gudbiyay Liiska Musharxiinta gobolada iyo degmooyinka dalka ee doorashadu ka dhacayso. sidaana lagu soo geba-gebeeyay  maqribkii.
Afhayeenka ayaa sheegay tirada xisbiyada iyo Ururada  ee liiska murashaxiinta  uga qeyb galaya tartanka doorashada golayaasha deegaanka usoo gudbiyay, isagoo  yidhi,  “6:00 galabnimo ayaa waqtigu ku ekaa,  caawa ayay si rasmi ah u xidhan tahay waqtigii qababashada liisaska murashaxiinta Goleyaasha deegaanka dalka, waxaana caawa soo wada xareeyay oo dhamaystiray murashaxiintoodii 7 Urur iyo xisbiyo iskugu jira.”

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka oo ka hadlayay magacyada ururadda soo gudbiyay murashaxiintoodii wuxuu yidhi,  “Waxa dhamaystiray oo aanu ka qabanay liisaskoodii murashaxiinta doorashada deegaanka Xisbiyada iyo Ururada kala ah,  DALSAN, KULMIYE,RAYS, UCID,UMMADDA, WADANI iyo XAQSOOR.”

Dhinaca kale Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa uu sheegay in aanay wax liisas ah u soo gudbin Xisbiga UDUB iyo Urur- siyaasadeedka NASIYE, kuwaas oo uu xusay  inay hore u sheegeen inay qaadaceen ka qeyb galka doorashada deegaanka.

Inkaksta oo ay komishanku sheegeen inay hayaan tirada musharxiinta golayaasha deegaanka ee Ururada iyo xisbiyada uga qaybgelaya doorashooyinka golayaasha deegaanka, hadana waxa soo baxaya dhaliilo farta ku fiiqaya inay xafiisyada musharixiintu ka qaadanayaan waraaqahu aanay waafajinayn shuruudaha xeerka doorashadu  jideeyay, balse la weydiinayay oo keliya kharash, taas oo sababtay inay dad hore denbiyo uga galay dalka iyo kuwo xukuno maxkamadeed ka dheceen, ama dacwado u yaaliin maxkamaddaha dalka la siiyo waraaqaha denbi la’aanta. sidaana ugu gudbiyeen komishanka qaranka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *